Dhibaatooyinka danyarta haysta W/Q: Abdi Hakim Shiekh Abdullahi Jama

Dhibaatooyinka danyarta haysta  

Ka dib Burburkii Dowladdii Dhexe Ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii ayaa waxa uu dalku galay xaalad ka duwan xaaladdii hore, waxaana guud ahaanba dalka ka qarxay dagaallo sokeeye, kuwaas oo sabab u noqday barakaca bulshooyinkii ku noolaa magaalooyinka waaweyn ee dalka, oo badankood u qaxeen bannaanka/dibadda dalka, halka kuwa kalana ay ku barakaceen isla gudaha dalka.

Dagaalladii sokeeye ee dalka ka qarxay, ayaa sidoo kale sababay qasaaro nafeed iyo mid hantiyadeedba. haddaba intii lagu guda jiray dagaalladaas, ayaa waxaa sidoo kale burbur ku dhacay xarumihii waxbarashada dalka, oo noqday badankood kuwa aan shaqeyn.

Xarumihii waxbarashada dalka oo aan shaqeyn ayaa waxa ay sabab u noqotay, in ay korarto ama badato tirada ubadka soomliyeed ee aan waxbarashada aadin, kuwaas oo ay ku kalliftay duruufo dhaqaale darteed. haddaba dib u soo noolaanshaha rajada nabadda iyo horumarka dalka, ayaa waxa ay hormuud u noqoneysa, in ubadka soomaaliyeed ee hadda soo baxaya helaan hannaan waxbarsheed tayadiisu sarreyso.

Marki la eego bulshada danyarta ah, ee aan awoodin, in ay ubadkooda ka baxshaan qarashaadka waxbarashada, ayaa badankooda u dira carruurta in ay shaqeeyaan kana shaqeeyaan baalashka/caseeyanimada iyo waxyaabaha la midka ah, waxa ayna taasi sabab u noqotay, in carruurtu ay nacaan ama diidaan waxbarshada haddii xitaa loo helo goob waxbarsheed aan qarash laga rabin. Waxa aad arkeysa carruur yaryar oo ka soo dhuumatay dugsiyadii waxbarashada quraanka, marka aad weydiiso sababta, ayaa waxa ay qaarkood kuu sheegayaan, in ay jecelyihiin in caseeyinimada ka shaqeeyaan halka kuwo kalana ay kuu sheegayaan, in waalidiintoda ay ku soo qasbeen shaqadaan ayada oo xilliga la gaaro habeenkii laga xisaabinayo lacagti uu maalinkaas soo shaqeeyo.

Haddaba dadka danyarta ah, ee aan u awoodin in carruurtooda ay ka baxshaan qarashaadka waxbarashada, ayaa ah kuwo halgan uqu jira hagaajinta nolosha qoyskooda, taas oo aan dheellitirneyn, waxa ayna u baahanyihiin garab istaag ay ka helaaan walaalahood soomaaliyeed.

Waxaa jira carruur aan helin waxbarasho bilaash ah, si ay u la jaanqaadaan carruurta kale ee la midka ah kuwaas oo u kallaha ama aada goobaha waxbarashada, sidaasi dartred, ayaa waxaa aqristow ku saaran masuuliyad gaar ah, taas oo ah in aad waxbarto ubadka aan fursadda u helin, in ay waxbartaan ama aad siiso dhiirrigelin quseysa ayaga tusisana, in waxbarashadu tahay wanaag iyo qurux, si ay u helaan ama uu u galo dareen dhiirrigelin leh, kaas oo ku dhaliya, in ay waxbartaan aakhirkooda, si ay u haajiyaan mustaqbalkooda una dhisaan nolol leh kalsooni iyo karti ay iyaguna ku saacidaan jiilka ka dambeya ee ka yaryar.

 

W/Q: Abdi Hakim Shiekh Abdullahi Jama

SHEEKOOYIN