Dhiblow Iyo Dhibbane
—————————
Waxaa la igu wargaliyay in uu jiro noole awood iyo itaal iga badan, oo i baadiyeyn kara, isla Eebbihii uumayna ku gacan seeray, hortiisa ugu hanjabay in uu marin habaabin doono addoomada aan ka mid ahay. Noolahaasi i la mid ma ahan, waa mid ey isheydu qabanayn, wuaxuuna jirkayga ugu socdaa sida qulqulka dhiiggu ugu socodo. Wuxuu mar kasta iga weeciyaa in aan tubta toosan ku taagnaado, isha ayuu ii saaraa wax ha fiirinin la igu yiri, qalbigayga ayuu rogrogaa, tuugmada Rabbi ayuu jid-gooyo u dhigtaa, tashuush ayuu adeegsadaa, meel kasta oo aan milicsado hummaagtiisa ayaan ka dareemaa, dareenkaasi waa mid ka dhashay cabsi is biirsatay, kuna xiddaysatay naftayda.
Waa la ii sheegay, inkastoo eysan iga wada dhaadhacday baqdintaasi. Mar kasta oo aan dhaqi maago xubnaha laga weyso qaato, waxuu si la ma filaan ah ii gu wargaliyaa in aan illaaway xibin hebel, mararka qaar saacaddo badan ayey igu qaadataa in aan istinjoodo ama qasliga ka qubaysto, ama weyso qaato, mar kasta waxbaa ka dhiman ayuu i leeyahay. Meel aan ka galo ayaan la’ahay noolahaas lakadka ah. Markaan nafta u yaabo waxaan miciin bidaa aqrista erayo la igu boorriyay in aan afka ku hayo, si aan gaashaanka ugu daruuro noolahaas ishaydu qabanayn. Wuxuu i soo hor dhigaa wax naftu rabto, sida qalanjo dhar dhigatay oo qurux iyo qaayo loo dhammaystiray.
Waan hinqadaa, oo waxaan is ku boobbaa weyso iyo erayo mararka qaar aan micnahooda kala saari karin. Si aan u helo nasasho waxaan baadi goob u galaa qof aan wehelsado, maxaa yeelay cidlada ayuu kugu helaa ayaan is ka dhaadhiciyay, balse haddana waxuu iiga sii horreeyaa waddada xaafaddeyda hor marta, lafa ayuu feynfayntaa, qashinka ayuu ku dhex noolyahay oo uu dhex jiiftaa, waa hadde noolihii aan qolka uga soo cararay. Lafaha kuma istaaggo oo isagaa quuta sida la soo tabiyey. Inta badan waxuu igu qasbaa in aan is la hadlo, oo aan is weydiiyo “Maxaa loo siiyay waxaan oo awood ah, oo kaalay Alle muxuu noogu soo fasaxay?” Haddana is weydiintaas qudheeda waa astaan muujinaysa in uu i soo galay, weerarna igu soo hayo, tusbaxa ayaan dhag dhag ka siiyaa, si aan digriga u xisaabsado, shaqo iyo farxad waan ka quustay, waxaan legdan iyo la tacaalid kula jiraa uun aan arki karin, misana ilbiriqsi kasta weerar igu haya, dumarka midba midda ey ka qurux iyo bidhaan badantahay ayuu igu jiheeyaa, ma aqaan waxa dumarka kaliyah dul dhigay. Xilliyada qaar wuxuu ii soo adeegsadaa Insiga, oo waxaa jira dad ey bah-waaag yihiin, ma aqaan qaabka ey u hishiiyaan, waa is gaashaanbuuraysi xooggan.
Waxaan infariir sii qaaday kolkii uu sariirta ila soo jiifto, oo haddii aanan gaashaan samaysan ila galmoonaya afadeyda, wax uu ii nabad galiyo ma jirto. Ciilka aan u qabo noolahaas nolasha igu dhibay waxaan u malayhaa in aan qashin-qubka iyo meelaha lafaha lagu qubo is ku qarxiyo, si aan dhibkiisa dadka uga wado, ma hubo in xilligaas aan is qarxinayo uu jiifo ama jooggo. Kaaga darrane af kasta waa yaqaan, oo markii uu weerarka igu soo qaadayo wuxuu ii adeegsadaa afkayga hooyo af-Soomaaliga. Waa cadawga kaliyah ee aan ka haarsan la’ahay, maskax iyo maalna ila wadaaggay. Magaciisa waxaa la iigu sheegay Ibliis, marna Shaydaan. Cifriit”. Magacyo badanaa ma Shaydaanbaa ayaan maqli jiray. Ciddii aragtaa noolahaas fadlan ha igu soo wargaliso, waxaan diyaar u ahay in aan is ku miidaamiyo.