Dhiganaha “Kula-Lihi” Faallo; Maxamed D. Ciise

Kula-Lihi.

Faallo; Maxamed D. Ciise

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hordhac.

Sheekofaneeddaani “Kula-Lihi” waxay raacaysaa jidka cusub iyo habtabinta masraxiyadda cusub ee uu daahfuray Buuni Cali Jimcaale Axmed. Waxsoosaarkiisii ‘Gaso, Ganuun iyo Gasiin’ ayuu Buuni Cali Jimcaale ku daahfuray habtabin, habqoraal, habsheekaysiga shakhsiyadaha iyo dhammaan waxqabad ku cusub masraxa suugaanlayda Soomaaliyeed. Ogaalkeey sheekadaani waa sheekada labaad ee dhabbahaas abbaarayso misana qulqulkeedu u qaabaysan yahay si farshaxannimo faneed iyo qibrad suugaaneed laga dhadhansan karo. Diktoor Xuseen M. Cabdulle “Wadaad” ayaa hal’abuurkaan u qalin qaatay, iyada oo laga dhadhansan karo hibada, qibradda, iyo aqoontiisa suugaaneed iyo midda afaqoolnimo ee uu lee yahay diktoorku. Hal’abuurka suugaaneed middeeda ugu macnaha wayn uguna dufanka badan waa midda uu curiyo suugaanyahan sare, farshaxankeedana loo qaabeeyo qaabab iskugu dhafan sarbeeb, isku sidkinta dhabta iyo mala’awaalka.

Sheekadu waxay u soconaysaa qaabab isku dhafan, jilaayaashu waxay u sheekaysanayaan qaab ka duwan jidkii hore ee lagu yiqiin habsheekaysiga shakhsiyadaha, hal’abuuruhuna wuxuu adeegsanayaa lahjado ka la duwan oo taasi waxay caddaynaysaa afaqoolnimada curiyaha. Xalqadda ugu horrayso ee sheekada markii aad billowdo ayuu maankaagu godlanayaa, oo waxaad galaysaa guux cusub iyo hirar aanan ka la joogsi lahayn. Waxaad dhex muquuranaysaa waydiimo falsafi ah, suugaanta qaybaheeda ka la duwan, lahjado ka la soocan, shakhsiyado habtabintooda iyo habsheekaysigooda aa la yaabayso. Habqoraalka sheekada iyo shubaalka dhacdoonyinka sida ay dhacayaan ayaa akhristaha maankiisa godlinaayo, oo qayb walba dhacdooyinkeeda waxay u baahan yihiin u fiirsi, dhow-mar-akhrin iyo waliba u fiirsiga mucda fikradda.

Hal’abuurkaani kaliya ma aha sheeko tabinayso dhacdooyin iyo shakhsiyado sheekaysanaayo bal se way ka sal wayn tahay kana miisaan dheer tahay. Sheekadu waxay ka hadlaysaa bulshada, waxay uga hadlaysaa qaab isla-hadal ah. Waxay arrin kasta uga hadlaysaa qaab suugaanaysan, mar kale qaab falsafadaysan isla mar kale waxay uga hadlaysaa qaab dhabsheegnimo badan laga dhadhansan karo. Murti tirabeel ah, argatiyo falsafadaysan iyo dhacdooyin isku sidkan ayaad dhex jibaaxaysaa kolka aad akhrinayso waxsoosaar nuucaan oo kale ah. Shakhsiyadaha waxay ku kala garqaadanayaan lahjado ka la gooni ah, oo taasi waxay ku tusinaysaa in bulshadu ka la lahjado duwan yihiin. Lahjad walba murti gooni ah iyo suugaan iskeeda u soocan ayay lee dahay oo taasi waxaad ugu dhextagaysaa sheekada.

Sheekadu waxay kulminaysaa murti, dhacdooyin, habsheekaysi, falsafad iyo maskax-maaxinno tirabeel ah. Waxay sidoo kale kulminaysaa suugaanlayda Soomaaliyeed, deegaanno iyo lahjado ka la soocan. Waxay diiradda saaraysaa bulshada, dhaqannada doorsoomay, hunguriyaynta iyo habowga dadnimada. Waxay sidoo kale sheekadu tilmaamaysaa ‘Xaaraan-ku-naaxa’ iyo ku faaniddiisa boobka. Waxay tilmaamaysaa kala irdhoobidda bulshada iyo ka tagista dadnimada oo waxaad ka dhadhansan kartaa dhinacyada laga duulaayo.

Idlayntayda waxaan ku soo afmeerayaa; sheeko iyo waxsoosaar nuucaan oo kale ah inaan looga maanbuuxsan karin mar-akhrin, dulmar iyo jaadad kale. Tiraabta nuucaan oo kale ah ee kulminayso suugaanta qaybaheeda ka la duwan, afka iyo lahjadihiisa, bulshada iyo dhaqankeeda misana tilmaamayso ceebaha la caadaystay loogama kaaftoomi karo mar-akhrin ee waxay u baahan tahay dhowrmar-akhrin. Habtabinta iyo jidkaan cusub ee ay sheekadu raacayso ayaa u baahan fahan dheer, ablablayn iyo duljoogsi. Habkaani wuxuu kugu qasbayaa sadarro aad soo akhrisay in aad dib ugu noqoto, habsheekaysi shakhsiyado is dhaafsadeen in aadan waxba ka fahmin oo ay kugu qasabto in aad raadsato eraybixinnada qof ama qaamuus kaa caawiyo. Jidkaani wuxuu suugaanlayda dhexdeeda ka abuurayaa dood muc wayn leh, ninkii is mahdiyana wuxuu jidkaani dilayaa qabkiisa oo wuxuu ku riixayaa in suugaantu aanay ahayn jid hal dhinac ah uun.

Dhammaad.

SHEEKOOYIN