Dib u noqo W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

1264201_231557887002179_696387047_o

Dib u noqo

Horay waxaa loo yiri: nin aan dhul marin dhaayo ma leh. Murti in aan micneeyo aqoonteed ma lihi, laakiin, waxaan is leeyahay; qofku haddii uusan dhaafin meeshii uu ku dhashay, wax badan ayaa ka maqan. In aan waddan dibadda ah (Suudaan), ku noolaa muddo 4 sano ah, qof ahaan wax badan ayay ii kordhisay. Waxaan soo dheegtay: dhaqanka, taariikhda iyo nolosha dadkaas in badan oo wanaagsan, oo aan xusiisteyda ka go’in; waa dad dalkooda iyo dhaqankooda jecel.

Qof walba wuxuu si gaar ah u sii jecelyahay: gobolkii, degmadii iyo tuuladii uu ku dhashay. Waxaan xasuustaa, sidii ay ardaydii wax na la baraneysay, ugu xiisa qabeen fasaxa, si ay u aadaan tuuladii ay ku dhasheen! Xilliyada ciidaha, caasimadda waa la cidleyn jiray, qoys walbana wuxuu booqan jiray halka uu asal ahaan ka soo jeedo. Markii aan arkay arrintaas, oo ahayd mid i la wanaagsaneyd, ha yeeshee, aanan waddankayga horay ugu arag, ayaan wax baaray, oo su’aalo badan is weydiiyay. Waxaan wareystay dad badan oo tegay dalal ka la duwan, arrin taan arkay la mid ah, ama u dhow, ayay ii sheegeen. Anna baaris ka dib waxaan ogaaday, in bani Aadanku asal ahaan jecelyahay waddanka uu u dhashay, si gaar ahna uu u jecelyahay deegaanka uu asal ahaan ka yimid, oo uu ku dhashay, ama ku soo barbaaray.

Soomaaliya, arrintu sidaas ma ahan, dadku dalka ma jecla, gobolkii uu ka yimidna ma rabo, marka waxan is iri waa waddaniyad la’aan; haddiiba aadan Soomaaliya wanaag la rabin guud ahaan, gobolkaadana samaan u ma siddid.

Saas ooy tahay, ayaa malaha la ka la roonyahay; gobollada dhexe, dadkii u dhashay way diideen! Waxaa la dhihi karaa waa laga haajiray, tiiyoo gobollada dhexe ay yihiin mid ka mid ah deegaannada Soomaaliya ugu dadka badan, uguna dhulka ballaaran, ayaa haddana, waxaa ka jirta nolol aad u liidata, kaabayaal dhaqaale ka ma jiraan inta badan, dadkii ummadda wax ku soo kordhin lahaa, way ka maqanyihiin deegaanka.

Markii aan u fiirsaday dadka Xamar jooga oo ah aqoonyahannada, ganacsatada, ardayda iyo odayaasha, waxaan ogaaday, in ay inta ugu badan ka soo jeedaan gobollada dhexe ee Soomaaliya. Deegaankii ay u dhasheen way hilmaameen, ama way is illowsiiyeen! Ma arag xitaa nin hantile ah, ama siyaasi ah, oo xitaa tuuladii uu ku dhashay, ka dhisay guri muuqda, is ka daa, in uu aqallo kale ugu gargaaree.

Markii Xamar laga qaxay, ayaa kulli waagu ku beryay dadkii, waxaa la is weydiiyay: xaggee la aadaa? Meel aad u laabato haddii aadan lahayn waxbaa qabyo kaa ah, dad badan oo magac iyo maalba leh, ayaa ilmahoodii u qixiyay dhulkaas, dantuna waxay ku qasabtay, in ay degaan guryo aan nolosha ku habbooneyn, oo kiro ah, taasina waxay ku qasabtay, in ay dibadda u dhoofiyaan, oo uu qarash badani galo.

Hadda deegaanka intiisa badan waa nabad, haddaba miyaysan habbooneyn, in dhulkaas lugu noqdo, oo la geliyo waxa cilmi, xirfad, xoolo, talo iyo tamar la hayo? Maxay hanti, aqoon, magac iyo jago kuu teri doonaan, haddii aadan deegaankaadii tegi karin? Dhaqtarnimadaadu dhadhan ma leedahay, haddii hooyadaa, walaashaa, eeddadaa iyo habaryartaa u dhibbanyihiin wax aad awooddo oo ah, inaad qaybyar oo waqtigaada ka mid ah u hurto?

Waxaan is iri dadka gobollada dhexe ka soo jeeda, ee ku nool Muqdisho, ama aduunyada inteeda kale, waxay u baahanyihiin olole xoog leh oo ah: DIB U NOQO.

Degmooyin aad u kooban ayay gaartay nolosha asaasiga ahi, inta ugu badan dhulkaas dadku waxay baahi weyn u qabaan daryeel caafimaad iyo waxbarashada hoose. Waxaa jira degmooyin fara bada, dad badanina ku noolyahay oo aan lahayn, xitaa meel lagu daryeelo dhallaanka iyo hooyada (MCH).

Haddaba, waxay ila tahay, in la dhaqaajiyo barnaamij habeysan, oo dadka gobollada dhexe, ee addunyada daafaheeda ku nool lagu abaabulayo, ujeedkiisuna yahay: dib u celinta caqliga, aqoonta, hantida iyo awoodda reer gobollada dhexe, waxan qabaa:

  • In ugu horreyn aqoonyahannada da’da yar, ee aan siyaasiyiinta ahayni, ay is abuubulaan, iyaga isu ka la qaybinaya, xirfad ahaan (dhaqtarro, macallimiin, barbaariyeyaal, iwm)
  • In ay sameeyaan dhaqaale uruurin dhexdooda ah, oo ay nolosha dadka gobolka wax uga beddelayaan.
  • In degaanka laga hirgeliyo, mashaariic yaryar, oo dadka waxtar u leh, sida wacyigelin ku aaddan: nabadda, aqoonta, deris wanaagga, halabuurka iyo waddaniyadda.
  • In hadda ka dib qofkii deegaankaas u dhashay, ee jago daneynaya qasab looga dhigo, in uu yahay mid deegaanka laga yaqaan, horayna wax uga soo qabtay, illeyn mid dibad ka yimide, deegaanka waxbaba ka ma fahansanee.
  • In la xoojiyo kaalinta dhaqanka, lana mideeyo, si ay u cayaaraan door muuqda oo shariif ah.

DIB U NOQO.

 

F.G: Qormadan, markii u hurraysay waxay ku soo baxday wargeyska Gobollada Dhexe

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

E-mail: abdulkadiralieco@gmail.com

Facebook: Abdulkadir Ali

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.