Dilkii qarsoonaa!
Marka aan maqalno dil qarsoon, waxa maskaxdeenna ku soo dhacaya, qof la toogtay, oo aan ciddii dishay lahayn. Qof la uus xabaalay.
Haddaba, qisadani waa qiso jacayl, oo ku dhacday wiil dhallinyara, oo Axmad la dheho, qisadiina sidii ay u dhacdayna waatan.
Sanaddii 2004tii, ayaan waxaan is barannay inan Maryan la dheho. Runtii xidhiidh ayaa na dhexmaray. Markii hore maan jeclayn, hablaha dhiggeeda ii la mid bay ahayd. Muddo markaan wada soconnay, ayuu dareen marba xaggeeda ii jiiday.Aakhirataankii waxan noqday, mid uu dureeyay dareen jacayl, in kastoo Maryan i jeclayd, haddana, aniga ayaa kaga badnaa.
Waxan noqday bukaan jiif ku shaqeeya kiniini, marka aan cuno, iga jabto kurbadu, marka kiniinku iga baxana, sidaydii un baan noqdaa. Kiniinku maaha kii dhakhtarradu qori jireen, ee waa Maryan hadalkeeda iyo aragtideeda, oo ii dawo ah, marka aan la kulmo la hadlo wan faraxsanahay, maalin haddaan waayo, waa ii murugo, xanuun iyo xummad hor leh. Wax ma cuno, sariirta kama kaco, gelitaanka suuliga iyo tukashada salaadda ayaa dirqi igu ah.
Intaana lambarkeeda ayaan wacayaa, wuxuu odhanaya: “Wuu xidhan yahay , la ma qabanayo, la ma heli karo, waa mashquul, wim” illin ayaa dhabankayga qoysa iyo murugo, calaacal iyo werwer hor leh. Hadday qalbigayga ogaan lahayd, sidan may yeesheen. Dad iyo bahal waan ka tegay dhakhtar kasta waa lay geeyaa, cudur layga ma helo, illeen DILQARSOON baa i haya oo aan cidi ogayne!
Canaanta waalidka iyo maagidbaa ii dheerayd, waxaa laygu tilmama qof dhimirka la’, oo waa lay waaniya, wax baa lay sheegaa. Ma qaato, Maryan yaa ii cad. Maryan markan u waayo sheegto, mararka qaarkood, waxay igu tilmaanta qof waalan! Way igu jeesjeesta, aniguna iyada ayaan u il daranahay, iyada darteed ayaan sariirta u aallaa. Weli bukaan ayaan ahay, dhulyaalla, haddaba dhallinta soomaaliyeed waxan u sheegayaa in uu jacaylku yahay dil qarsoon dhaawac iyo xanuun aan dawo lahayn.
W/Q: Bintu Abdillah