Dirsheegad W/Q: Wiilo Daahir Xasan

Dirsheegad W/Q: Wiilo Daahir Xasan

Salaado Faarax Gureey waxay u dhaxdaa Cismaan Cali Tukaale waxayna u dhashay afar wiil, Maxamed, Saalax, Aweys iyo Cumar. Yaraankooda, waa Cumar ee hadda wuxuu gelay gu’giisii tabon iyo lixaad. Baryahaan dambase waxaa Cumar lagu arkay xanuunka biinanka, waa jirro maskaxeed qofka ka dhigta mid fudud oo aan dagganayn.

Cismaan Cali Tukaale xaaskiisa Salaado Faarax Gureey waa bukaanjiif, sarejoog daaye, fadhigii tahli kari wayday. Gu’ yaal badan ayuu haaya Salaado cudur tuf, dab iyo saridba ay kaga ceyman wayday, Salaado Faarax Gureey xanuunkaan waxa uu geyeysiiyay tabar-beel, intay dhumucdeeda dhenged le’ekaadey, ayey weydootay oo macaluul la dirgan wayday.

Dagaal sokeeye ayaa saakay ka billowday magaalada Muqdisho oo ay degganaayeen, reer Cismaan Cali Tukaale. Nabadda iyo barwaaqada markii ay jirtay wax kasta waa bilicsanyahiin. Baryo iyo bilo ka hor magaaladu way cammirneyd, maantansa way haawaneysaa oo isma lihid meeshaan ayaa cidiba degganaan jirtay oo dadkii ku noolaa qaar ku naf waayay, kuwa naftooda kala baxsaday, kuwa ku dhaawacmay iyo kuwa sida qoyska reer Cismaan Cali Tukaale oo kale, garanwaayay meel ay ciirsadaan.

Cismaan iyo Salaado waxay wada noolayeen muddo soddonka sannadood ah. Cismaan xaaskiisa uu aad u jecelyahay cidlo kagama tagi karo, carruurtana meesha kuma hayn karo. “Laba daran mid dooro” baa ku dhacaday Cismaan, fikir iyo jahawareer badan ayaa uu ku keenay murugo iyo qulub. Dadkii ay deriska dhow ahaayaan maalma ka hor ayey isaga baxeen guryahoodii. Salaado waxay ku tiri: “Cismaanow, meeshaan joogis ma laha oo jaha kasta rasaas baa ka socotee ee adiga iyo wiilasha meesha isaga baxa, aniga ha igu dul dhimaninna.”

Cismaan carruurtii ayuu isugu wacay waxaana u sheegay inay baxayaan, wuxuuna ku waaniyay Cismaan wiilashiisa: “Aabbe, haddii meleeshiyaadku idin weyddiiyaan qolada aad tihiin, qola heblaa nahay ku dhaha oo reer qansax ka sii nahay dhaha qola hebal. Aabbo haddaynu sheegno qolada aan nahay waxaa ka baqayaa in nalagula dhibaateeyo.

Maxamed ayaa ku hal celiyay aabbahiis Cismaan oo waxa uu yiri: “Aabbo reerka nahay iyo reerka kale maxay kula duwan yihiin aabbo? Waa tan la yiraahda Soomaalida waa dad isku diin iyo isku dunji ah, isku af iyo isku dhaqan ah. Mise qolada aan nahay iyo maleeshiyadka miyaa dagaalka ka dhaxeeyaa aabbo?”

Cismaan ayaa wiilkiisa Maxamed ugu jawaabay: “Maya aabbo ee qolooyinkaas kale ayaga dhaxdoodda is dagaalayo.”

Marka haddaynan wax naga dhexeynin, maa qolada nahay sheeganno aabbe?”

Maxamed aabbe cidda aan ku abtirsanno waa la heybsoocaa oo waxay na dhahaan nasab dhiman waaye.”

Maxamed ayaa yiri: “Aabbo, hadda wiilka adeer Xasan Jaamac iyo aniga ma sinnin miyaa? Ma iga sarreeyaa, wiikiisa sagaal bil ayuu ku dhashay anigana sidoo kale sagaal bil baan ku dhashay, marka maxaa farqi ah ee noo dhaxeeyo. Waliba Alle jalla wacalaa waxa uu aayadiisa Qur’aanka ku leeyahay:

Dadoow waxa aannu idinka abuurnay lab iyo dhedig (Aadam iyo Xaawa) waxaana aannu idinka dhignay ummado iyo qabillooyin si aad isu garataan, ka idiinku sharaf badan Ilaahay agtiisana waa kan idiinku Alle ka cabsi badan.”

Aabbo Maxamed dadkaan hadalka Eebbehood way garab mareen.”

Maxay Islaam ka yahiin haddii ay kalaamka Alle beeniyeen.”

Maxamedow, ha nagu daalin dadkaan ee soo baxa soo baxa dhawaqa hubku wuu sii culuslaadaye.”

Cismaan iyo wiilashiisii intay dariiqa hayeen waxay is bar aqoodeen Geeddi una sheegay Cismaan in waddada ee hadda hayaan inay ka leexdaan oo ay maraan waddada kale maleeshiyada joogaa uu ku mid yahay Cismaan ina abtigiis Nuur.

Cismaan iyo wiilashiisii waxay u weecdeen dhinkii uu Geeddi u tilmaamay. Markii ay in yar socdeen, ciidankii ayaa u muuqday. “Maxamedow, Cumar i hay.” Cismaan isaga iyo labadiisa wiil Saalax iyo Aweys. Ciidanka baa qoriga baaggiisa ku handadayo oo leh ciddaa tihiin sheega, ayaa Cismaan arkay wiilkiisii yaraa oo ka soo baxsan raba Maxamed, markaas buu yiri: “War Maxamedow, wiilka yar yuu ka fakannin!” Cumar baa kolkaas yiri: “Aabbe qabiilkaad sheegtana lahayd waan illaaway ee muxuu ahaa?

Wiilashii aabbahood Cismaan ciidankaa kala haray, guurigoodii bay dib isaga soo noqdeen. Cismaan saddex maalmood ayuu uga gacanjiray maleeshiyada.

Waxaa mooryaanta hubaysan ka tirsan wiil Cismaan abtigiis dhalay oo Nuur la yiraahdo. Markaas buu arkay Cismaan Cali Tukaale oo eeddadiis dhashay oo meesha si xun loogu silciyay laguna jirdilay. Markaasaa Nuur soo daayay Cismaan, kuna dhahay waddo hebel mar. Cismaan jidkii loo tilmaamay, asagoo gaggabanayo oo u socda waddadii, ayaa haddane Ciidan kale qabteen. Nin ciidankii hore ka tirsanaay baa yiri: “Adiga waa kaa shakinnay qabiil been ah baad noo sheegtay kolkii hore haddana waa nagu soo noqotay. “War anigu, nin miskiin ah ayaan ahay oo ilmaheyga ayaa dagaal socda kala bax islaha ee iska kay daaya walaalayaalow.” Markii afkiisa intaas ka soo baxaysay xabbaddu waa ku tiillay Cismaan Cali Tukaale nafna dhulka lama dhicin!

W/Q: Wiilo Daahir Xasan

SHEEKOOYIN