Doob gaamuray! Q10AAD W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

Doob Gaamurey Q10AAD

Laba kala bariday kala war la’ baa la yiriye, Gobaad waa ay aragtay in uusan ahayn Guuleed kii hore ee kalgacalka iyo laab  dabacsanaanta ay ku taqaannay , foolkiisana waxa ay ka dareentay, inuu quus ka taagan yahay oo xaggeeda uusan u soo jeedin, warkeedana aanu doonayn, kamase ay harine dhowr jeer bay magaciisa si dhawaaq sare ah ugu yeer-yeertay, iyada oo leh “Guuleedoow, Guuleedoow, war walaaloow i maqalooha i dhagaysanine  i sug inyar aan wada hadalnee”.

Guuleed wicitaanka Gobaad dheg jalaq u ma uusan siinnin, maxaa yeelay nolosheeda oo dhan, ayuuba caloosha ka xirtay, wuxuuna diiddan yahan kana dhimanayaa “In ay hortiisa soo joogsato gabar kalgacal la soo wadaagtay oo nin asaaggii ah uu ka qaaday  xilihiisana noqotay, in ay mar kale dadka degaanka ay isku arkaan, iyaga oo is hor taagan, loona maleeyo in meesha uu ka jiro doonis hor leh iyo gaabsi raadin gogol dhaaf ah oo aan sinaba u bannaanayn!”.

Gobaad, iminka ninkan ay daba ordeyso dan gaar ah kama laha , waxayse rabtaa “In ay ka dhaadhiciso una sheegto sidii ay wax noqdeen iyo meherkii degdegga ahaa ee iyada oo aan lala tashan lagu jujuubey iyo in aysan iyadu lug ku lahayn ee uu xaalku ka yimid go’aan waalid iyo  helid dhaqaale, si kasta oo ay wax u dhacaanna aanay iyadu marnaba Mahad-dheere doonayn gurina u dhaqaynin”.

Guuleed ka ma uu war qabo, sida ay wax u dhaceen, balse dibadda, ayuu ka maqlay “In Gobaad loo gogol fariistay wiil asaaggii ah oo ay xurgufi hore ka soo dhexaysayna loo meheriyay, taas oo Guuleed han jab weyn gelisay” isaga oo weliba si aad iyo aad ah u dareemay dhallinta la ayniga ah ee degaanka kula nool inuu ku dhex yeeshay iin iyo magac xumo, hasa yeeshee isaga oo dihniga iska la sheekeysanaya aadna u careysan, ayey ka daba timid Gobaad oo aan weli ka quusan, in ay isaga la hadasho, waxa ayna si cabsi leh ugu tiri “ Gacaliye, maxaad ii dhageysaneysaa, maad i sugtid ood ila hadashid”

“Na gacalkaa ha ba’ee mar danbe ha igu oran gacaliye” ayuu Guuleed si kulul u yiri, isaga oo foolkiisa ay caro fara badani ka muuqato dibnahana qaniinsan ciilka haya dartii, wuxuuna intaa u sii raaciyay “Oori rageed baa tahaye, illow magacayga oo mar kale ha ii yeeran, meel aan joogana yaanan kugu arag”.

Gobaad oo warkaasi aad iyo aad uga naxday, ayaa markiiba la soo boodday  “Walaalow, aniga waxaan kuu soo raadiyay arrinka dhabtiisa iyo sida ay  wax u dhaceen, in aan ku la socodsiiyo, ee hadda mid dan iyo heelo kaa leh ma ahi” intaa markii ay tiri bay haddana sii daba dhigtay “Waxaad ogaataa mar haddii aan adiga ku waayay, in aanan Mahad-dheere oori u noqonayn degaankana aana sii wada joogi doonin, waana is argtidii isugu keen danbeysaye aan is dhaafino wixii dhacay walaal”

Markii ay intaa is dhaafsadeen, ayaa meel jiq ah oo goobta ay ku wada hadlayeen ka yara danbeysay uu qosol gaagaabani ka soo dhex yeeray. Meesha waxaa ku wada dhakanayay warkana xuuraansanayay laba gabdhood oo ari raac ah oo midi ay la dhalatay Mahad-dheere, kuwaasi oo markii ay sheekada ka bogteen, intey dibadda isa soo dhigeen, si foolxun  ugu orriyay Gobaad oo markii ay aragtay in warkeeda la maqlay goobta isaga carartay!

Dhawaaqii gabdhaha iyo qeyladoodiiba waa ay sii badatay, waxa ayna aflagaaddooyin u geysteen, Guuleed oo aad uga xishoonayay, inuu dumarka la doodo, waxayne ku celceliyeen “War hooy nin weyn baa tahaye, maxaa ooryaha ragga ku daba dhigay, maad xishootid oo wax isku fashid, wallee Guuleedoow wax xun baad fashay oo maanta cirku kaa ma qariyo baddana kaa ma dhaqdo”.

Guuleed oo warkaasi aad iyo aad u dhibsaday, ayaa ku afti celiyay “War bal hablayahow wax isku la hara, midna ogaada waan iska la weynaha, inaan u hawoodo hambo meherkeeda la iiga horreeyay, rag xilihii inaan raboodaana hankaygu ka weyn” wuuna iska sii dhaqaaqay.

W/Q: Bashiir.  C. Xuseen(Barbaariye)

SHEEKOOYIN