Dood iyo dareen!! (Sheekooyin gaa gaaban)

Hordhac:

Dood iyo dareen waa qoraallo koo kooban oo u socda qaab sheekooyin ah, kuwaas oo aan si joogta ah ugusoo gudbin doono dareenka shacabka iyo doodaha ka dhexeeya ee quseeya dhammaan dhinacyada nolosha bulshada Soomaaliyeed. Waxaan qoraaladan ka dhigayaa qaab maadays ah oo maldahan, si ay akhristayaashu farriimaha muhiimka ah u guddoomaan iyaga oo ku raaxaysanaya akhrintooda. Sheekada koowaad ee maanta waxaa ay dhex maraysaa CAMBARO IYO CALI. Akhris wacan.

——————————————–     ——————————————————–        ———————————————

Horta Cambarooy igaarkaagi intoow jiraa? Adeer Caliyoow maadaa wax og ba. Ma igaarka lix bilood sii maqanaad hadda i waydiiyowhaysaa. Yaa intoow aaday waa ii afkaagee? Talyaanigoow hadda joogaa oo gaaladiyaa faraha ka qaadatayaa la lahaay. Yaahuudaa!! Usuga farahiisa ma qarsadoo, ma gaalaa fara muslim oo waysa-qaad iyo wardi bartay loo geeyaa. Haddaysan afka quraanka lagu akhriyay ka goosanaa kheyr ah ee ka carar dheh meesha. Waaba ka carari rabyaahoo inoow Isweedhan isku dhiiboow rajayhaa mar dhaw. Ar haysku dhiibin dheh. Laa ilaaha ila laahu, Ma asagoo lugihiisi qaboow is dhiibaa. Waxaas waa sinji dhaane nimanka ka carar ku dheh wiilka. Eebbaa ogoow wiilkaasu abkoowgiis ma raacin, hadda ka horaa sagaashan nin inta hareeraysay oow waran saf kala maray, markoow sidii beer u falay oo jid jeexdayoow fagaarta gadiyay. Mahoow cagta saaray busta ka kacday waa la yaabay. Ma ninkaasaa hadda wiilkaagiyaa is dhiibay loo sheegi lahaay. Iga tag marxumkaasu waji xumoow ka tagaye. Wallee waa adduun gadaal usii xumaahaayo!!

Markuu intaas marayo, ayuu Oday Cali iska dhaqaaqay isagoo yaab dartiis faraha laa laabaya oo ciil daranna haayo.

 

W/qoray: Maxamed Cabdullahi Abukar (Dhaaley)

Mogadishu-Somalia

Email: mohammed_dhaley@hotmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley

SHEEKOOYIN