DUCO-HOOYO | W.Q: Ibraahin-Nolosha

Dhaqaalo-yari baahsan ayaa waddanka ka jirta. Mushaarkii shaqaalaha qaranka ayaa aad loo yareeyey. Waxaa socda muddaharaadyo ay dhigayaan shaqaalaha dowladda, oo ay ku dalbanayaan in loo biiriyo faraguutada ay qaataan. Waaxda dab-damisku waxay ka mid tahay goobaha ugu cabashada badan; waxayna halis ugu jirtaa in ay adeegyadeeda hakiso.

Samatar, oo ka mid ah shaqaale dhawaan ku soo biirey waaxdan waa nin aad u nasiib daran, haddana nasiib badan. 5 bil oo uu shaqeynayo, ma uusan qaadan wax mushaar ah, waayo bajad ayaa loo waayey isaga iyo dhowr kale. Sidaas oo ay tahay, aroor kasta waa heegan. Ma habsaamo mana maqnaado.

Wuxuu ka soo jarmaadaa degmada Wadajir. Lug ayuu ku tagaa goobta shaqada oo aad uga fog, mararka qaarna basaska dadweynaha oo iskaashatooyinka gaadiidleydu dhawaan hirgaliyeen ayuu shan kun ku raacaa, shan kalena waxa uu bixiyaa soo-noqodka — waa marka ay ayuutadu u soo dhacdo hooyadiis oo reerku ku tiirsan yihiin. Hooyadiis, Qamar, waxay guriga hortiisa ku iibisaa hilib iyo waxoogaa khudaar ah.

Samatar aabbihiis ifka ma joogo. Isagoo maqaaxi barxaddeeda fadhiya, oo odayaal la caseriyeynaya ayaa maashka la shiishay. Baalooto lala helay ayuu sababsaday. Nafba dhulka lama dhicin. Shiishyahan [sniper] in uu diley baa mar dambe caddaatay, waana sidii maalmahaasba socotay. Waxaa loo toogtay: maxaad ergo u noqotay?

Samatar markii ay shaqadu u soo baxday aad ayuu u farxay, wuxuuna is lahaa hooyadaa waad nasin doontaa. Sanad haafkiis ayuu sii socdaa soona socdaa, isaga oo ku seexda kuna soo toosa rejo rumoobi weysay oo ah: bashqaddii mushaarku ma soo dhacday?

Wuxuu waqtigu is guraba, maalin isaga oo shaqada jooga ayaa loo sheegay in ay u baxayaan gurmad degdeg ah. Dab baa qabsaday guri dabaq ah oo ku yaalla waaxda 5aad ee Degmada Waaberi. Ilmo yar baa ku go’doonsan qeybta sare ee dabaqa.

Halkii bey tageen isaga iyo kooxdiisu, laakiin dabka oo aad u qamcayey dartiis, wey awoodi waayeen in ay iridda dhaafaan. Waa guri 3 qeybood (biyaano) kor u dhisan.

Marba haddii ay jaranjartii iyo iriddii laga galayey ololayaan, Samatar baa u arkay xalka kaliya ee jira in uu yahay guriga oo qeybta dambe laga soo galo. Haddana ma jirto jaranjar derbiga la saarto oo dusha sare lagu gaari karo. Bir ka taagneyd halka uu derbigu ku dhammaado, oo mindhaa loogu talogalay in lagu xiro xargaha dharka lagu wero, ayuu dowli qoolan gashtay. Waa markuu dhowr mar ku tuuray ka dib.

Saaxiibbadiis oo ku leh, “war suurtogal ma aha ee naftaada ha halligin, meeshana ha ka soo dhicin” ayuu ka indho-adeygay. Dowligii ayuu qabsaday wuxuuna si tartiib ah ugu tigeystay derbigii dheeraa. Nasiibxumo kale ayuu la kulmay! Maxaad is weydiineysaa?

Waxaa xirnaa, oo la alxamay albaabkii barxadda kore laga galayey lagana baxayey, oo dadka dabaqa deggen laga bannaday. Waxaa qorshuhu ahaa in biyaano kale oo dheeraad ah lagu daro dabaqaas, sidaas ayey dadkii lahaa u bannadeen una alxameen albaabka.

Waa layaab iyo xujo kale. Dhismaha yar ee aad dabakaayada mooddo ee albaabka la alxamay ku yaallo, ayuu sii koray. Biro shub ah oo gaaggaaban oo dusha sare saarnaa ayuu hore u sii qaatay. Wuxuu billaabay in uu fujiyo laamayeerigii saarnaa dhismahaas yar. Wuxuu maqlayaa oohinta iyo cabaadka ilmo yar oo gudaha ku xanniban, isna niyada ayuu u dhisayaa, isagoo ku leh “waan idiin soo socdaa ee aamusa!”

Ilmahan hooyadood waxay ka mid tahay boqollaalka qof ee guriga hoos tuban, weyna xiiqday sidii ay u barooraneysay. Ugu dambeyntii, wuxuu bir kale oo u dhow, oo derbigaas ka taagneyd ku xirtay dowligii uu markii hore ku soo tigeystay. Qeybihii kale ee dabaqa in ay dambas noqdaan bey halis ugu jiraan, laakiin qeybta ay ilmuhu ku jiraan wali ma uusan gaarin dabku. Taagtaagsi badan ka dib, gudaha ayuu u galay, wuxuuna u tagay wiil iyo gabar aan da’doodu 6 gu’ ka weyneyn, oo sidii ay u cabaadayeen xabeebsaday, diif badanina ka socdo, oo ilmadii ka hoortay ay shafkooda qoysay.

Ilmihii ayuu midna xabadka ku xambaaray, midna dhabarka, ka dibna xariggii oo sidii hore ka dabacsan ayuu mar kale ku tigeystay, isna ma oga.

Markii uu soo dusha sare u soo dhawaaday, oo uu derbiga qabso is leeyahay, lugihiisuna wali raaracaan, ayuu xariggii ka furtay meel gurtumaneyd… Naxdin! Maxaa xigay?

Nasiibwanaag, intuusan dhicin ayuu derbiga gacanta la helay. Sidii dhacmo-ku-dhegtii ayuu ugu taxannoobsaday derbigii. Isagoo dhididku ka hoorayo oo argagaxsan ayuu si silac ah u soo koray qeybtii sare ee barxadda. Markuu huuf-gooyey ka dib, wuxuu mar kale ku guuleystay in uu carruurta hoos geeyo iyaga oo nabadqaba.

Haweeneydii ilmaha dhashay, oo garoob aheyd, laakiin se la moodo in aan waligeed loo dhixin oon lagu dhididin, ayaa isku duubtay labadeedii cunug. Dhunkasho ayey kala daashay. Wax aan oohin aheyn wey kari waysay, dhallaankuna wey is celin waayeen oo sidii hooyadood ayey u cabaadeen. Waxaad mooddaa oohinta isku jiibiya in la yiri! Laakiin haddii la fasiro, waa oohin u dhiganta mahadnaq Rabbi iyo farxad kale oo fursad nololeed ah.

Mar dambe, Samatar oo xusullada ka murxay, meel gees ahna taagan oo gacmihiisa maqaar ka go’go’ay iska guraya, ayey u tagtay. Waxay iska feyday indhoshareer ay xirneyd. Ashqaraar! Niyada ayuu ka dambaabay… “oo ma malaa’igtan baa ilmaha dhashay?” Iyadoo hoos eegeysa, walina ay ilmadu ka hooreyso, faruuryahana ka jareyneysa oo naxdin aawgeed la shigshigeysa ayey u mahadcelisay.

Isla markii waxaa goobta yimid gabadha aabbeheed, oo ay la socdaan askar ilaalo ah. Markuu goobta yimidba xaggiisa ayey u caratay weyna isku duubtay. Sidii ay wax u dheceen ayey u sheegtay iyo ninka ilmeheeda soo badbaadiyey Alle ka sokow, dabadeedna wuxuu u wacay Samatar. Magaciisa, shaqadiisa iyo halka uu deggen yahay ayuu weydiiyey, wuuna u sheegay.

Odaygii gabadha dhalay baa isna isbaray, “Wiilkeygiyow” ayuu yiri isaga oo madaxa u salaaxaya, “Anna Ducaale ayaa ley yiraahdaa.” Oday Ducaale wuxuu isla maalintaas Samatar ka codsaday in uu ugu tago mid ka mid ah hoteellada ugu waaweyn Xamar, oo madaxda iyo dadka hantida leh oo kaliya ay tagaan. Samatar waxay ku noqotay lamafilaan in halkaas lagu ballamiyo, wuuna aqbalay.

Intii uusan bixin ka hor, ayaa gadaal looga yeeray isaga oo ku sii socda gaarigii gurmadka xaggiisa. “Samatar, magaceygu waa Sabaax. Mahadsanid abboowe” ayey ku tiri. “Waa waajib ee is ilaali” ayuu isna ugu halceliyey, waana uu sii dhaqaaqay.

Intaan ballanta la gaarinba, goobtii odaygu ku ballaamiyey ayuu iska xaadiriyey. Meel barxad ah oo dad aad u lebbisan ku shaahayaan, kuna sheekeysanayaan ayuu gees ka fariistay. Waxaad mooddaa in uu is weelduwayo. Wuxuu is leeyahay “amaa lagula yaabaa?” Dharka uu wato ayaa caddaad u eg, kabihiisuna waa la’ad laakiin luujito ayaa lagu dhalaaliyey. Waqtigii ballanta oo buuro ah ayuu oday Ducaale ka soo baxay wiish dhanka sare ee hoteelka ka yimid. Qacdii koowaad ee uu indhaha saarayba wuu istaagay isaga oo dhoolacaddeynaya — waa Samatare.

Oday Ducaale waxaa la socda labo nin oo suud madow ku lebbisan, muraayado madow oo beensal ahna wey xiran yihiin. Isna, waa oday Ducaalee, wuxuu wataa fitashaari dahabi ah, tusbax iyo baakoor aad dhalo mooddo oo birbirqeysa. Laabta ayey is galiyeen isaga iyo Samatar, waxaana loo gudbiyey meel kale oo VIP ah. Sheeko iyo isbarasho hoose ka dib, oday Ducaale ayaa jeebka ka soo saaray jeeg saxiixan. Wuxuu gacanta u galiyey Samatar, ka dibna ku yiri, “Waa in yar oo duco ah, ee iga raalli noqo adeer. In aad iga guddoontana waan kaa codsanayaa.”

Samatar ma akhrin karo tirada lacageed ee jeegga ku qoran, oo ceeb ayuu u arkaa haddii uu ku mashquulo, laakiin wuu dareemayaa in laga abaalmarinayo wanaaggii uu sameeyey. Jeebka ayuu gashtay isaga oo ka mahadcelinaya. Wuxuu is lahaa sheekadu halkaas ayey ku eg tahay, laakiin kuma ekeyn.

Oday Ducaale waa maalqabeen leh hanti aad u badan. Wuxuu uga sheekeeyey xaaladda gabadhiisa. Carruurta labada ah ee u joogta, waxaa dhalay nin wadaad ahaa oo ay dileen dhallinyaro uu kitaabbo u akhrin jirey oo la marinhabaabiyey. Geeridii wadaadka ka dib, oday Ducaale ayaa gabadhiisa iyo ilmeheedaba masaruufi jirey, oo daryeeli jirey.

Sabaax waxay odaygeeda waysay iyada oo ku jirta umusha da’deedii labaad. Qarracankii ay geeridaas ka qaadday ayaa nolosheeda saameeyey, guur kalena waa lagu kari waayey. Oday Ducaale oo sheekadaas xanuunka leh uga qisoonaya Samatar, ayaa yiri, “adeer, ishaadaan ka arkaa in aad wiil wanaagsan tahaye aan gabadheyda kugu darsado.”

Samatar waxoogaa ayuu aamusnaa. Waa laga dareemayaa in warkani lamafilaan ku noqday oo uu naxsan yahay. Wuxuu markii dambe codsaday in uu arrinka ka talogaliyo hooyadiis Qamar, waana laga aqbalay. Waxay ku kala tageen in ay kulan kale isugu soo noqdaan. Samatar intii uusan guriga tagin ayuu eegay jeegga lacagta ku qoran. Waa uu rumeysan waayey! Waxaa khalkhal gashay aqoontiisii xisaabta ee uu muddaba soo baranayey. Dhowr eber oo meesha ku qoran ayuu ka shakiyey. Faraha intuu mid kasta dul saaray ayuu tartiib u tiriyey. Ugu dambeyn, wuxuu xaqiiqsasay in lacagtu tahay $5,000 (shan kun oo doollar!).

Isaga oo yaabban ayuu u tagay hooyadiis oo guriga barxaddiisa ku tasbiixsaneysa. Waa salaaddii cishe ka dib. “Hooyo… hooyo… hooyo” ayuu ka bixi waayey. Intey qandho uga shakisay oo foolkiisa taabatay, ayey ku tiri, “Maxaa dhacay kugu bisinkee?” Sheekadii maalintaas ayuu billow illaa dhammaad uga sheekeeyey. Hooyo Qamar waa islaan cibaado badan oo ducadeeda la aqbalay, mar kastana waxay wiilkeeda dhihi jirtay “maandhow meel aadan filaneyn Ilaahey wax ha kaa siiyo.”

Warkaas aad ayey ugu faraxday, waxayna wiilkeeda ugu caqlicelisay in uu lacagta kaalmeysto, na aqbalo arrinta guurka ee Sabaax. Samatar waa baarri, warka hooyadiisna war kale ma dulsaari jirin. Maalintii xigtay ee ay kulmeen isaga iyo oday Ducaale, ayuu ku yiri, “Adeer Ducaale, waxaad iga sugeysay jawaab. Waxay aheyd in aan warcelinta ku siiyo isla shalay. Laakiin, waxaan ahay nin mar walba jecel in uu hooyadiis la tashto, maaddaama ay ii buuxisay booska aabbe iyo midka hooyannimo. Waxaan kaaga mahadcelinayaa wanaagga aad…” oday Ducaale ayaa hadalkii ka soo dhexgalay “maya wiilkeygi, adiga ayaa abaal igu leh. Xitaa kaligey ma aha, annaga oo dhan baad nagu leedahay.”

Samatar baa hadalkiisa sii watay, “runtii waan aqbalay in aan gabadhaada guursado haddii ay iyadu raalli ka tahay.”  Oday Ducaale wuxuuba arrintaas gabadhiisa ka dhammeeyey maalintii koowaad ee ay Samatar kulmayeen, ballanta kor, iyaduna aabbeheed war kuma celin. Maaddaama ay Sabaax guurkaas diyaar u aheyd, Samatar baa hadalka qaatay oo yiri, “adeer waad mahadsan tahay, lacagtii aad i siisayna waxaan u kaalmeysan doonnaa aqalgalka.”

Oday Ducaale, wuxuu ku wargeliyey Samatar in uu odayaasha xigtadiisa ah soo kexeeyo, si howsha loo dhammeeyo. Meher iyo aqalgal ka dib, Samatar waxaa maamule looga dhigay mid ka mid ah shirkadaha oday Ducaale. Shaqadiisii hore ayuu ruqso ka qaatay, wuxuuna billaabay nolol ka duwan tii hore ee daruufuhu ku oodnaayeen.

***

Labo sano ayaa laga joogaa midowgii Samatar iyo Sabaax. Waxaa u jooga labo wiil oo mataano ah, oo ku biirey walaalihii labada ahaa ee geerida ku sigtay. Waxay hadda ku noolyihiin nolol ku dhisan ixtiraan, isfaham iyo naxariis. Waa lammaane iyo ubad aad isugu faraxsan.

DHAMMAAD

W.Q: Ibraahin-Nolosha
Muqdisho, Soomaaliya

Facebook: @Ibraahinnolosha
Twitter: @Ibraahinnolosha

 

SHEEKOOYIN