Dul-marid kooban buugga: Gaso, Ganuun iyo Gasiin W/Q: Amaal Maxamed Adaam ”Amaal Baaloow”

Dul-marid kooban buugga: Gaso, Ganuun iyo Gasiin

Borofaysar Cali Jimcaale ma ahan mid iiga baahan in aan anigu bulshada uga faalloodo ama baro horteey jiraa yaqiinnay. Haddaba, dhiganaha GASO, GANUUN IYO GASIIN ee u qoray: borofaysarka ayaan aqristay aniga oo hammuun badan u qabay waliba ka soo dhex xushay 9-dhigane oo horraantii bishaaan barakeesan ee Ramadaan isoo gaaray hamuunta iyo hanka dheeraadka ah ee aan u qabay ayaa keentay inaan soo qurquriyo kadibna waan idinka qarsan waayay inaan qormooyinkii ku dhex aasnaa aan idinla wadaago.

fikirkeyga aqriste ahaan ayaan rabaa inaan idiinla qeybsado waxii iiga bidhaamay buugga GASO, GANUUN IYO GASIIN. Waxaan ka dhex arkay qiimaha saaxiibtinimadu ay leedahay waayo dhigaha ayaa marar badan ku soo halqabsanaya saxiibkiis ina Wadaad iyo kuwa kale taas waxa ay si toos ah kuu tusineysaa saaxiibka wanaagsan.Waxaan aad uga helay qaab qorista sheekada oo ah mid aan wali horay usoo arkin, waa qosol, foorjo “xifaaltan” iyo murugo wada socda, mana ahan marna mid aad ku caajisi doontid, markastana waxa aaad ka dhadhaminesaa sheekada dhexdeeda caddaalad. Caddaaladdu waa waxa naga maqan annaga ka soomaali ahaan oo aan wali baadi goobka ugu jirno.

Habdhigaalka buugga waxaa kaloo aad uga helesaa barasho erayo farabadan oo soomaali lahjadeed ah. Waxaan dhoowr jeer qaab telfoon ku wacay hooyadeey Faadumo Xasan Allaah ii xafidee oo aad iiga kaalmeesay erayada mugga weyn leh ee buuggaan ku bahoobay. Aniga ahaan waxaan buugga ka dhex arkay ama ku tilmaami karaa noloshe oo buug ah.

Sheekada buugga oo dhan waa 24-saac halka uu ka billaabayna way ku dhammaan doontaa, balse, waxaa bad ah oo aad duni dhan ku dhex mari doontaa caloosha ama baalsha buugga. Mar ayaanba is dhahay buugga ma filinkii titanic baa oo markabka uun ku ekaa hadana halkii uu ku dhammaaday nooga soo billowday. Xaqiiqatan buuggaan haddii aad siyaasi tahay, haddii aad arday jaamacad ka baxay ee raba innu wax qoro, haddii aad aqriste firfircoon tahay, haddii aad tahy qof raba inuu qoraa noqdo aad buu kuu caawin doonaa buugga: Gaso, Ganuun iyo Gasiin ee borofaysar: Cali Jimcaale Axmed uu noo dhigaaliyey.

Sarbeebaha siyasadeesan ee qaabka murtiyeesan laguugu sheegayo ayaaba cajiib ah haddana waa sheeko sheeko. “Waxaa mururuqdaan looga jeedaa in hoosta laga xarriiqo kala duwananshaha waxa qoran iyo weer afka laga tuuro, waxa qoran iyo waxii afka laga sheegay, waxeey labadaba ka soo maaxeen maandadeed” Maandadeene waa sida midabbo xoolaad.

Waxaa la yiri: Wabarku way u sinaayeen sebiga uu dhalay iyo kii jiid kale ka yimid. Waxa loo sheegay in wiilkiisa Cali uu dadka tuulada qaati ka taganyihiin oo u hagardaamo ku haayo. Wadarkii baa arintaas kahsaday (dhibsaday) ama qoonsaday markaas buu si hoose u yiri: “Caliyoow cad iyo caano beel” Labo maalin kadibna Cali Yaxaas ayaa qaaday. Wabarkiina waxa uu u riyaaqay Yaxaas la tagistii wiilkiisa sawabtoo ah dadkiisa ayaa neecaw qabow heleen. Ka waran aabbahaas (Wabarka) ah caddaalad faliddiisa? Sheekadaan waxaan ka soo min guuriyay isla buugga: GASO, GANUUN IYO GASIIN waliba si qurxoon oo sidaan ka qoto dheer baad ugu tagi doontaa oo qaab dareen iyo dood leh qalbigaaga u taaban doonta.

Waan jeclaa inaan waxyaabo badan oo iga guuxayo halhal u dul istaago, balse, waxaan ka baqay inaan buugga idiinkaga faallaado intaas baanna ku gaabsadaye kaalay oo buugga GASO GANUUN IYO GASIIN ila aqriso waa hubaal in aad dhihi doonto hortiis buug somali saan looma qorin. Eebbe ha noo barakeeyo cimriga borofaysar Cali Jimcaale cimri iyo caafimaad raagana Alle ha ugu deeqo isaga iyo intii la asxaab ahba. Borofaysarka oo kalena Alle ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda ha ku badiyo si aan uga faa’iideysanno aqoontooda cajiibka leh.

Waxaan is dhahay sheekadu ma dhammaan ee waxa uu idiin daahay qeyb kale oo uu abaal gud idiin kaga dhigi rabaa borofaysarku qeybtii labaad ee buugga: GASO, GANUUN IYO GASIIN. Waa aragtideyda ee buugga meelna ugama qorna inuu qeyb labaad leeyahay, balse, waxaas oo dhan waxa keenaya sida aan ugu sii hanqaltaagayay aqrinta buugga iyo qaabka aan ugu riyaaqsanaa aqrintiisa.

Mahad badan ha ka gaarto daabacaadda Laashin iyo guud ahaan bahda LAASHIN.

W/Q: Amaal Maxamed Adaam ”Amaal Baaloow”

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN