Dusmoreeb iyo Dhagaxdhigga xarunta Abwaan Faarax Shuuriye 

Dusmoreeb iyo Dhagaxdhigga xarunta Abwaan Faarax Shuuriye 

Dhagaxdhigga xarunta dhaqanka iyo suugaanta Abwaan Faarax Shuuriye ayaa galabta ka dhacay xaafadda Horseed ee magaalada Dusmoreeb, gobolka Galguduud.

Kulanka dhagaxdhigga waxaa ka qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Senatarad Jawaahir Axmad Cilmi, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Axmad Shire Falagle, guddoomiye ku xigeenka Amniga ee degm ‘, xubno ka socday golaha abwaannada Soomaaliyeed oo uu hormuud u ahaa Abwaan XersiDhuux Maxamad, Maxamad Bashiir Midnimo, oo ka mid ah xubnaha sarsare ee xarunta, xubno ka socday ururrada bulshada sida: Ubax Ugaas’ Heeganaladala, porf waxbarashada iyo dhaqanka degmada.

Kulanka ayaa habsimi iyo hagaag ku qabsoomay, iyada oo ka qaybgalayaashu xoojiyeen kaalinta xarunta hadda ay ku jirto iyo booska ay berri buuxindoonta, ee aqoon keydin iyo ogaal gudbin ah dhan walba.

Dhanka kale, waxay bulshada dhan ugu baaqeen in laga wada qaybqaato dhismaha xarunta iyadoon loo kala harin, maadaama ay tahay arrin filnaanteeda la awoodo.

Maamulka xarunta ayaa aad uga mahdiyey qabsoomidda dhagaxdhigga, isagoo hambalyeey guddiga qabanqaabada shaqada quruxda badan ee ay qabteen.

Sidoo kale, maamulku wuxuu sii xoojiyey baaqa madaxda iyo waxgaradka ee ahaa, in laga wada gacangaysto dhismaha xarunta.

W/Q: Ina Cubtan!

SHEEKOOYIN