Duul la dayacay?!

Duul la dayacay?

Sidaan u jiifay dhinacana furaashka ugu hayay uun baa iftiin aad mooddo in toosh laygu hayo indhaha iga qabtay. Sidii qof labada indhood laga qaley ayaan midba mar biligbilig ka siiyey. Waaba iftiinkii waaberi. Samadaas intaan u boodey ayaan goorsheeg halkan tiil eegay mise waa 7:00 subaxnimo. Habsan baan isku tirinayey hadda se garowsadey inaan aheyn. Salaadii subax baan qale kaga daba tagey anigoo ogsoon in salaadda hurdo iyo illowshiiyaba lagu qaleyn karo.

Si fiican baan u quraacdey, labis muuq wacan lehna gashaday. Deetana waraaqo miis halkeer ah daadsanaa intaan si habsami leh u hagaajiyey shandad gacmeed halkan taalley ku ritey. Iridka guriga laga baxo markaan furey waaba arrin yaableh! Dhulku sidaan ku ogaa iyo si u dhow toona maaha. Meel kastaa wey qoyantahay oo biyo ayaa fadhiya. Malahayga Biyohu dhuumo hoose oo ay ku dhaadhacaan ayey waayeen.

Dhirtu dhibic bey la dhereraysaa guryuhuna qurux. Shaw xallay baa saqdii dhexe roob na mirrey intaannu gama’saneyn. Shaley waxwaliba siddan way ka duwanaayeen. Dhulka harraadka hayey, omoska, iyo abaarta waad yaabeysay. Siigada iyo boodhka saxarihii Carabta ayaad moodeysay. Kuleyl kana in cadceedda dhakadayada lakeenay ayey u eekayd. Waddanku sallaad roobaad buu isla oogsadey min bari ilaa galbeed.

Illaahey baa aqballey ducadii dadka wanaagsan naguna deeqay naxariistiisa. Subaxan saaku waa mid tilmaaman, indhahaagu waxay ku mashquulayaan daawashada daarrahan maydhmay bilicdooda waxayse diiddayaan daymashada waddooyinkan burbursan biyohuna ka buuxaan.

Dariiqyadii dooxyo ayey u eegyiin oo biyohu dushaasey marrayaan. Neecow udgoon ayaa dhinac walba kaa mareysa. Waxaana ku galaya firfircooni jidheed iyo furfurnaan maskaxeed, markaasad dareemaysaa farxad tin iyo cidhib ah. Gawaadhidii guuxa xumaa iyo lugta dadkuba waddoda wey ku yaryihiin.

Meesha waxa yaacaya barbaar dugsiyo aadeysa oo indhuhu ku doogsanayaan quruxdooda qalbiguna ku dararayo. Anigu waan degdegayaa oo talaabodheeraynayaa

Ku xunnoo cadaan ah ii na madaxa ayaan ka werwersanahay qayladiisa hadaan habsaamo ilbidhiqsi. Maalin kasta waanu isqabsanaa wuxuu nagu canaantaa wakhtiga ilaalliya, annana ka dib dhacnaa. Luuq cidhiidhi ah, qashinna ka buuxo istaanka basaskana loo marro ayaan daf soo idhi. Anigoo isla hugmaya ayuu korey yar oo habaas weyni I jiidhey. Deetana imiba soo daymoone toow buu yidhi. Inkaari ku dhacdeygu mobilekii cusbaa ee galaksi (galaxy)ga ahaa ayuu iga saarey. Cadho intaan madax wareeray ayaan iska sii dabadaayey.

Waan bursadey, bursadey oo miyaan gaadhayaaba waxaad mooddaa dabayl sida uu u ordayo. Wuxuu suryo iyo sakaddo iiga laablaababa markii dambe ayuu kufay. Intaan soo dul istaagey anigoo hiinraagaya xoogna u neef tuuraya ayaan dhabannada casseeyay dhirbaaxo cayna ugu darrey waliba “nejiska nejisku dhalley ee tuugga ah” Waxaan eegayay innuu ooyo lakiin may dhicin kaliyana dhabannaddii uunbaa u eekaadey dhiig. Indhuhuu igu gubayaa, malahayga hadduu awood lahaan lahaa wuu iraamsan lahaa. Waa korey darxumo iyo daranyo ka muuqato korkiisa oo dibadyaal ah. Qiyaastii imika uun buu gu’gii shan iyo tobnaad madaxa lagaley.

Wuxuu xidhan yahay labba calcalyood oo duug ah dhinac walbana ka jeexan, kabbana laguma oga wuu caggaagan yahay. mid jidhkiisu sii diciifayo ayuu u eegyahay. Gacantaan dhafoorka ka saarey mise kulaylka dab inaan gacanta galliyay ayaad mooddaa. “waar maxaa ku haya? Iyo gaajo ayaan bestay ahay” Bestay? Maxaa tuugnimada kuugu wacan haddaa?” Waxaan islahaa wax aad wax ku cuntid siiso.” Miyaad I weydiisatid lacag? Kuye “wax nafleh imaad siiseen, haddaanad iiba diideen”.

Waannu israacney, makhaayad laga cunteeyo waddada garabkeedana ku taal ayaanu fadhiisaney. Mudalabkii noo yimid “maxaan idin siiyaa?” “Horta anigu saakaan soo cuurtey ee koob cadeys ah ii dhiib, ka yarna quraac soo sii” ayaan ugu warceliyay. Intii uu dalabku noo maqnaa ayaan ilqoodha ka halacsadey caagad shaani ah oo jeebka daldaloola ugu jirta. Markuu quraacdii dhammeystay ayaan weyddiiyey waxa ku kalifey inuu wax xaddo. Siddan baannu iigu warceliyay:- “Ma jiro qof xumaha jecel samahana neceb ee qofkasta waayaha iyo daruufaha ku geedaaman ayaa beddela. Ilmuhu marka uu dhasho haddaanu helin hooyo iyo aabbo gacan qabta unna kala saafa saxa iyo khaladka , xumaanta iyo samaanta, tubta toosan iyo toobiyaha saxda ah ba wuu ka habbaabaa. Wakhtigaan u baahnaa toosin iyo tilmaamid, tiirin iyo taakuleyn midna ma helin.

Hooyo iyo Aabo toona ma lihi, cid I dhashey iyo meel aan ku dhashey toona ma aqaan waxaan is arkey uun anigoo halkan jooga. Jaceyl waalid ma arag mid walaalna hadalkiisa daa. Waxaan ku barbaarey biriish hoostiis waxaanaan la dhaqmay duulka halkaas ku nool. Waxaan noqday qof adadag oo qalafsan. Gaajo iyo harraad, kuleyl iyo qabow midna ima karo. Waxaan yeeshay dabbeecadii geela lagu yiqiin. Ogow geedka intuu yar yahay ayaa la toosin karaa marse hadduu weynaado wax ka-qabasho ma leh. Walligey luuf luuf iyo hambo mooyee cunto hagaagsan ma quudan. kuwaas oonnu ka qaadno cuduro kala duwan dawo na laheyn.

Adigu haddaad guri diiran oo daar ah habeenkii u hoyato isduldhigatana go’, birkimo, iyo furaash aniga waa ii dibad iyo dalanbaabi waxaan korkeyga qaawan huwiyana ma haysto. Adigu haddaad hadh iyo habeen xaragooto labisba labiskuu ka dambeeyayna xidhato aniga waa ii dhar la’aan iyo darxumo. Annagoo sidaas ah ayaad haddana noogu yeedhaan magacba kuu ka xumaa sida: dibjir, xabagle, tuug,….iwm” Marka uu sidan leeyahay hadaladiisani damiirkayga ayay xadxantaynayaan dubaaqeyga hoosana dab ku shidayaan. “Markay gaajada iyo silicu naga tan bato ayaanu idiin soo weerar tagnaa. Oo ka aanu mugdi ku helno middi gelinaa, tu aanu marrin ku helnana muudsanaa. Cadaawada intaas leeg inaanu idiin qaadno idinkaa u sabab ah. Markaad na deyriseene na dulmiseen eed na daryeeli weydeen maxaannu idiin daawan. Waxba nama siisaan, haddaad nasiisaanna si quudhsi leh ayaad noogu dhiibtaan. Hambada aanu cuno moqorafad baad noogu ridaan ama jaandi aad ka quusateen oo dabadeeyo tuuris ah. Annagu ma nijaas baanu nahay? Miyaanan idinkoo kale aheyn? Soo innagan isku muuqa iyo arraga ah.

Maxaa annaga siddan noo galey idinna sidaas idinka dhigey? Maxaa idinku cuntada ugu wadhwadhateen anna ula’nahay waxaanu afka ku dhufano? Maxaanu u arrag xunnahay idina u qurux badan tihiin? Allaa sidan noo qaddarey idina sidaa idiin qorey.” Fikir iyo foorar baa iga soo hadhey. Tolow duulkan yaa u cid ah. Tol u dooda ma haystaan. cid danaysa, cid daryeesha iyo cid u timaadaba ma arkaan. Anigoo maskaxdaydu maqan tahay ayuu ii dhawaaqey “waad ku mahadsan tahay quraacdaad iga bixisey, kana raali ahow intaan ku xiijiyey” ayuu I yidhi. Dabadeed intuu caagaddii shaanida ahayd shaadhkii jeexnaa hoosta ka mariyay ayuu nuugey siina jaqaafiyay. Ganacsatadan isnacdey ee daaraha wada muraayaddaha ah dhisatey ma waxay garowsan waayeen dhawr guri u dhisa? Oo maxaa ka galley iyaga? Meeday dawladdii xilkooda qaaddey? Mooyi, mooyi… ee iyaguba miyaanney damiir laheyn? Adiguba miyaanad laheyn? Yaab! Saacaddaan fiiriyay mise waaba 8:30 kii. Balo kugu dhacdey! Wuu na habsaamiyay. Lacagtii degdeg intaan u bixiyay ayaan toow idhi tagsina ku boodey. Daaqadda tagsigaan ka halacsadey korey kale oo badan dabaq hoostiisna eey lajiifta. Wali waxaan warcelin u la’ahay weyddiimihii kii yaraa.

Mustafe Cabdirisaaq Haybe “Furre”

Email: Mustafe_haybe2010@hotmail.com

SHEEKOOYIN