Faa’iido mise Qasaare?! W/Q: Anab Diriye

Faa’iido mise Qasaare?!

 

Nuur wuxuu ahaa, wiil dhallinyaro ah, oo ku soo barbaaray Soomaaliya. Nuur markii uu gaaray da’da 18jir buu ka soo tagay magaaladii uu ku soo barbaaray, wuxuuna u soo baaqoolay magaalo madaxda waddanka Muqdisho, si uu uga shaqaysto. Wuxuu ku soo degtay reer ay qaraabo ahaayeen, muddo markii uu la joogay baa la geeyey shaqo harqaan, maadaama uu wax ka yaqaannay dhartolista. Mushaar fiican, oo ku filan ma qaadaneyn, wuxuuse la joogay, oo ku biil gaabsanaayey reerka uu la joogo. Wuxuu sidaa ahaadaba, waxaa galay damac guur, illeyn shilimaad yar buu kaydsadaye, laakiin, ka ma uusan fekerin, haddaad xaas yeelato, oo guri gooni ah degtid, lacagtaan ma idinku filnaan doontaa?.

Nuur gabadhii uu guursan lahaa, ka ma raadsan meesha uu joogo, ee wuxuu dib ugu noqday magaaladii uu ku dhashay, oo uu is lahaa, gabdho guurka ku wanaagsan baa jooga. Waalidkii buu u soo bandhigay, sababta uu u yimid, oo ahayd inuu helo, gabar uu guursado. War lagu ma soo celin, oo haye baa la yiri, waxaana lagu wargeliyey, in loo doonaayo gabar baaddiyaha joogta, oo qaraabada ah. Hadal ka ma soo celin, oo marxabba buu yiri, waana loo doonay gabadhii. Maalmo ka dib, waa laysku mehriyey, duco iyo farxad ka dib, wuxuu dib ugu soo laabtay Muqdisho, isagoo lammaantiisii wata. Guri uu geeyo ma haysan, ee wuxuu dul keenay, reerkii uu isagu markii hore martida ku ahaa, wuxa uuna ka codsaday, intuu guri ka helayo, in loo hayo, oo asxaan kale loo fidiyo.

Soomaalida oo soo dhaweynta ku wanaagsan, ciddii wax dhibaato ah u ma arkin, oo waa yahay baa loogu jawaabay. Shaqadiisii buu dib ugu laabtay, markii uu bishii ugu horreysay mushaarkii soo qaatay, wuxuu ku dhaqaaqay inuu raadsado guri, uu xaaskiisa la dago. Nasiib wanaag, waa uu helay guri aan ka fogeyn, halkii uu daganaa, markii hore, waana ka soo guuray reerkii, uu dul saarka ku ahaa, gurigii cusbaa, oo uu yagleelay, buuna soo dagay.

Bilihii hore biilka waa ku filnaa, oo wareerku ma badnayn. Reerkii waa lagu soo siyaaday, oo wiilkoodii curad baa dhashay, xogaa dhaqaaluhu, sidii hore ma ahan, oo nafta nool, oo ku soo biirtay baa xannaano gooni ah u baahatay, halkaanna waxaa ka yimid, in uu gurigii ijaarkiisa bixin waayo.

Islaantii ay qolka ka daganaayeen baa tiri, waxba ha welwelin, markaad heshana i sii, markii aadan awoodinna waa kuu cafis, ee hays murjin. Nuur arrintii islaantu soo jeedisay, ku ma uusan farxaynin, maadaama aysan iyaduba xoolo kale lahayn. Wuxuu sidaa ku noolaado, haddana, waxaa dhashay wiilkii labaad, reerkii waa sii ballaaratay, oo sidii hore ma ahan, wax kastana waa sii qaaliyoobeen.

Waxaa dhacday, in hooyadii guriga is ka lahayd tiraahdo, wax ijaar ah kaa ma rabo, ee yaysan carruurtu kaa caano beelin. Cidihii deriska la ahaa baa maqlay, sida wax u jiraan, waxayna billaabeen, in wixii ay ugu kaalmayn karaan ugu deeqaan, oo qaarkood dharka bay carruuta ugu soo gadi jireen, qaar cunto bay u gayn jireen, sidaa bayna carruurtii lix ku gaareen.

Xaaskiisu ma ahayn, mid ku dhibsata dhaqaaloyarida, oo wixii uu u keeno bay is kugu celcelisaa. Ninkii Ilaah baa jidka u furay oo, harqaan uu isagu leeyahay buu furtay, xoogaa dhaqaalihii wax yar buu kor u kacay, muddo yar ka dib, wuxuu ka guuray gurigii uu hore u deganaa, maadaama uu hal qol ahaa, oo uu cariiri badan ku hayey. Labo qol buu ka kiraystay is la xaafaddii gudaheeda.

Wuxuu aad u shaqeeyo, waxuu furtay harqaankii labaad. Markan noloshii waa is bedeli rabtaa, oo xaaskii waa faraxday, waxay is tiri, markaan baad dirac iyo kabo qurxoon gashan doontaa, carruurtana nolol wanaagsan geli doonaan, waxbarashana kuu heli doonaa, maxaase dhacay?.

Nuur markii uu arkay, in noloshiisii is bedel wanaagsan gaartay, ayaa hammi galay iyo in uu xaas kale guursado! Mid ka mid ah gabdhihii wax ka tolan jiray buu shukaansi ku billaabay, oo waaba illoobay reerkii badnaa iyo rafaadkii ay soo mareen, asoo weli labaddii qol, oo ku yar qoys sidaa u ballaaran deggan.

Sidii uu rabay waa uu gaaray, oo guursay xaaskii labaad. Guri fiican waa u dhigay, nolol xoogaa tii hore ka korraysana waa u sameeyey. Wuxuu hoos ka qarsadaba, guur ma qarsoomee, waa la soo sheegay, oo xaaskii hore waa ka war heshay. Markii ay weydiisay, waa inkiray, oo waxaas ma jiraan iyo naagaa kuu sheeko xumeeyey buu uga baxay! Waa is ka qaadatay, iyadoo shakisan, oo mar walba hadalku soo gaaraayo, maseyr ayaa sii gala, ka mana quusato, inay su’aasho su’aalo uu isagu inkiro ka sokow, uu la soo taagan tahay waa been, oo wuxuu ugu sheekeeyaa, in uu habeennada qaar, isagu ku qoran yahay, in uu dhexseexdo tukaanka, habeennada kalena wiilka shaqaalaha ah baa sexda.

Waxay maalmuhu is guraan, xaaskii labaad gabar bay u dhashay, dadkii hadal u keeni jirayna waa u soo wariyeen. Markan sheeko waa xun tahay, xaaskii hore waa sugi la’dahay, inta uu ka imaanayo nin baasku, markii uu guriga soo galay bay weydiisay, sida wax u jiraan, ka ma leexleexan, oo warku waa cad yahay, waa sheegay, inay run tahay, oo uu xaas kale qabo!

War ku ma aysan soo celin, ee meeshii baa ugu miyir danbaysay. Waxaa ka dhumay, qaybtii xasuusta, qalbigiina waa jabay. Hadalkii waa ku dhagay, oo maalintaa wixii ka danbeeyey, ma hadli jirin! Is la waqtigaa baa gurigeedii iyo carruurteeddii ugu danbaysay, oo waa is kaga dhaqaaqday, waxay ku darsantay ciyaalkii Ceelgaab joogay, oo waxay noqotay derbi jiif, ciyaalka koollada dhuuqa iyo inta is ka dhunsan baa faraxumayn  jiray, maadaama ay ka mid noqotay, maskax iyo caqli ay is kaga celisana aysan haynin!

Ninkii baas, ee qabay ka ma daba tegin, oo soo ma celin, wax xannaano ah ka ma helin, taas badalkeeda dadkii dariska la ahaa baa markay soo arkaan u soo wadi jiray, oo xaafadda inta la keeno baa loo qubayn jiray, dharkana waa laga bedeli jiray, laakiin, qofna ku ma fekerin, in la geeyo isbitaaka DHIMIRKA ama Quraan la saaro.

Ninkii xaafaddii waa ka guuray, oo wuxuu u guuray, meeshii uu dajiyey xaaskii kale, carruurtana iyaduu u dhiibtay, oo korinaysay. Maalin baa dadkii aqyaarta xaafadda ugu tageen shaqadiisii, oo la yiri; maad xaaska soo qabatid, waad ogtahay xaaladda ay ku jirto iyo in ay suuqa ceelgaab qashinka ka cunto, adigaa ka mas’uul ah dhibka ku dhacat, waana carruurtaada hooyadood, ee waa inaad doontaa, oo qol u bannaysaa, si dhibaatada duurka ay ka la kulantay uga yaraato. Wuxuu ku jawaabay; Naag masayr la waalaytay, waqti u ma hayo, anigu ma eryin, waxna u ma dhibin, ee iyadaa iimaankeedu halkaa geeyey!

Sidii bay hooyadaa ku dhammaatay, oo suuqa bay ari carbeedka qolofta babbaayga iyo tan mooska ku la cuni jirtay. Qof bini Aadam ah, oo ay xasuusan tahayna ma jirto. Ninkii xaaskii cusbaa, carruurtii waa u soo erisay, ma haynayo bayna ku tiri. Waa la cararay, oo wuxuuna u geeyey hooyadiis, haddaba, ninkaas ma qasaaray mase waa faa’iiday?!

 

W/Q: Anab Diriye

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.