FAA’IIDOOYINKA AKHRISKA! W/Q: Cali Cabdiqaaddir Maxamed

Eebbe weyne waxa uu yiri: “Wax ku akhri Nebiyow magaca Eebbe ee abuuray khalqiga”. Aayaddaan Quraanka ahi waxa ay ka mid tahay Suuradda (Al-Calaq) oo ah suuraddii ugu horaysay ee kusoo degtay Nebi Muxammed (NNKH) taasi oo la faray in uu wax akhriyo. Suuraddani waxa aan ka dhex arki karnaa in akhrisku sal u yahay wax waliba. Wax akhrisku waxa uu qofka barayaa wax uusan aqoonnin, dadka guulaystay ee dunida ku nool waa dadyow ku kala duwan diin, midab, dhaqan iyo deegaan isla markaasna tabaha iyo farsamooyinka ay ku guulaysteen kala duwan yihiin, mid ganacsi iyo maal ku guulaysta, mid siyaasad iyo aqoon ku guulaysta iyo mid si kaleba u guulaysta waxaa jira hal wax oo ay dhammantood ka siman yihiin waana wax-akhriska.

OG MANDINO waa nin aad u caan ah oo ahaan jiray askari duuliye Maraykan ah oo ka qayb galay dagaalkii labaad ee adduunka, waxa uu duqaymo ka geystay Jarmalka, Kolkii uu dagaalku dhammaaday waxa uu ku biiray adeegyada caymiska, Mandino waa ku fashilmay, Maalin ka mid ah maalmaha waxa uu go’aansaday in uu is dilo, isaga oo ku socda meeshii uu isku dili lahaa ayuu arkay maktabad wax akhris isla markaana waa uu galay, ka dib waxa uu akhriyay buugta dhiirrigelinta gaar ahaan buugga uu qoray: Napolean Hill ee la yiraahdo: “Think and grow rich”, maalintaa ka dib waxa uu sii waday wax-akhriskii oo ka hakiyay in uu is dilo. Waxa uu qoray buugaag badan oo uu ugu caansan yahay: “The worlds greatest salesman” oo laga daabacay in ka badan 50 malyuun laguna turjumay in ka badan 25 luuqadood. Waxa aan ka baran karnaa sheekadaan in wax akhrisku kaa saari karo ciriiri kasta oo aad nolosha ka dareemayso cagtana kuu saari karo toobiyaha guusha.

Haddaba  Waa maxay faa’iidooyinka akhrisku?

  1. Wax akhrisku waxa uu quudiya maskaxda.Wax akhrisku wuxuu innaga caawiyaa in ay maskaxdeennu ballaarato oo xaddiga qaadisteedu aad iyo aad u weynaado, akhrisku wuxu baahi tiraa maanka gaajaysan, waxa uuna siiya aqoon iyo waayo aragnimo aan dhammaad lahayn.
  2. Akhrisku wuxuu horumariyaa xiriirka iyo qaabka qofku u hadlo. Aqoon badan oo aad akhriska ku kasbataa waxa ay kaa kaalmeyn kartaa in aad si weyn oo milgo leh u hadasho isla markaana uga qayb qaadato doodaha, waxaad awood u yeelanaysaa inaad billowdo doodo wax ku ool ah.
  3. Wax akhrisku wuxuu dhiirrigeliyaa hal-abuurnimada. Tallaabada ugu weyn ee aqoon lagu kororsado waa akhriska. Waxyaabaha ugu awoodda badan ee aanay dadku badanaa ogayn ee loo adeegsado horumarinta nafta waa akhriska. 
  4. Wax akhrisku wuxuu kaa caawinayaa inaad noqoto qof maskax furan. Akhrisku waxuu kor u qaadaa qaabka uu qofku u fikirayo, taasi oo qofka ka dhigaysa mid xikmad leh. Marka aad yeelato maskax wax qaabbilaysa waxaad dhaxli doontaa oo aad waayo aragnimo u yeelan doontaa xilkasnimo, xeel dheeri iyo dhiiranaan.
  5. Badi aqriska, si aad u noqoto muthaqaf ama aqoon-xaambaare. Aqrisku waxa uu dib u furfuraa qaanadaha maskaxda, kolka waa inaad qaanad walba aqoon ku xambaarataa. Cilmi baaris qotodheer oo mar dhaw la daahrogey ayaa lagu sheegay: “In qofka wax aqriyaa uu ka aqoon iyo xasuus badan yahay qofka aan wax aqrin 30% boqolkiiba. Sidaa darteed, inaad aqriska badisaa waxay ka dhigan tahay inaad naftaada ku hoggaamisay waddada guusha iyo liibaanta.

W/Q: Cali Cabdiqaadir Maxamed
ceeblaawe23@gmail.com

  • Naga la soo xariir:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN