Falanqeyntii Gardaadiye W/Q: Cabdikariin Cabdulle (Abkoow jallaato)

Waxaa habeennimadii  Axadda ee 14/05/2022 ka qabsoomay Barta Zoomka  madal lagu lafa gurayey dhiganaha Gardaadiye ee uu Qoray Laashin Xasan Cabdulle Calasoow(Shiribmaal).

Dhiganahan ayaa waxaa isku soo dubariday lafagurkiisa maamulka Hoyga Raadraaca dhaqanka iyo suugaanta ee Laashin,  habeenkan waxaa ku madlaa oo halkaa lagu martiqaaday qorayaal, Barayaal iyo barbaariyaal ku xeeldheer dhaqanka iyo Afka soomaaliyeed dhammaantoodna soo aqriyey Dhiganaha Gardaadiye.

Kaddib markii la furay madasha ayaa waxaa si weyn loo qaada dhigay sida ay ubadka soomaaliyeed lagama maarmaanka ugu  tahay in helaan, dhiganayaal sida Gardaadiye ah oo lagu uruurshay sheeko xariiradii ka hadlaysay dhaqanka iyo suugaanta, deegaanka iyo nolosha bulshada soomaaliyeed.

Waxaa si weyn loogu nuuxnuuxsaday in dhiganaha Gardaadiye yahay mid ibba furaya  habdhaqankii bulsho ee soo jireenka ahaa ee u sheekaynta iyo la sheekaysiga carruurta. Sheeka carruureedka ah oo  mid ay ku af bartaan, loogu gudbiyo talooyinka iyo wax kasta oo la doonayo in ubadkaasi nolosha ka ogaadaan.

Barnaamijka oo si weyn loo soo agaasimay, lagana daawanayey dhegaysanayey qaybaha Baraha bulshada ee Zoomka iyo tooska Facebookga(Facebook Live)  ayaa si aqooneysan

looga hadlay barbaarinta ubadka iyo barashada afka hooyo kaalinta qof walba uga aaddan, waxaa aad loo damqiyay fiitooyin aan bogsoon oo horseed ka noqday aqris iyo qoris la’aanta dadkeenna. Waa tii uu kol hore yiri barbaariye Bashiir Cali Xuseen “haddi dad wax qoro la helay yaan la waayin dad wax aqriya. Faa”iidooyinka aqriska laga dhexlo ayaa ah tan ugu muhiimsan in aad ka heleyso deganaansho nafeed ka warran markii aad la wadaagto carruurtaada?

Sida dhabta   halkaas waxaa ka unkumaya qoys ogaal ehel ah. Isku soo duuboo habeenkii xalay ahaa, waxaa madashaa ku kulmay, aqoonyahanno, qorayaal,  barayaal wax ka dhiga, Jaamacaddaha iyo dugsiyada kala duwan ee dalka, barayaal wax ka dhiga dalka dibaddiisa,  arday wax ka baratayaa Jaamacaddaha,  waalidiin iyo dhallinyaro u heelan wax ka ogaanshaha, hab nololeedka bulsho qaybihiisa kala duwan. Waxaa madasha lagu martiqaaday,  Barbaariye Bashiir Cali Xuseen, Bare sare Cabdulqaadir Cabdi Jubba,  Qoraa Cabdiraxiin Hilowle Galayr iyo Qoraha Buugga Xasan Cabdulle Calasoow,  waxaa iyaduna xubin ka ahayd Barbaariso Nimco Nuur, balse hawlo la soo dersay dartood uga baaqatay.

Daadihiyaasha madasha iyo martidii ka soo qeyb gashay waxa xalay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in barbaarinta ubadka oo ah ubixii dalka in xoog iyo xeel ba la iskugu geeyo si ay dalkooda ,dadkooda iyo diintooda ay hiil ugu noqdaan. Waxaa xusid mudan barbaariso Nawaal Shariif oo aad ugu fogaatay siyaabaha ugu habboon casriga maanta waalidka loogu dhiirigelin lahaa in ay kaalin mug weyn ka qaataan oo aan ubadka caloosha kaliya laga korin ee maanka laga korsho. Madasha laashin ayaa ah mid u taagan har iyo habeen sidii loo hor marin lahaa waana mid ay ku ammaanan yihiin bahda laashin in ay hadafkooda ka gun gaaraan. Waxaa xusid mudan DR Xuseen Wadaad oo ah guddoomiyaha Laashin kaalinta muga weyn uu dhabarka u ritay.

Hoyga Raadraaca dhaqanka iyo Suugaanta ayaa mar walba heegan ugu jira in qayb walba oo ka mid ah bulshada uu isu taago dareenkooda iyo horumarintooda, sidoo kale inuu isu soo dhaweeyo aragtiyaha bulshada,  noqdana madal aqooneed iyo ogaaleed cid walba ay u furan tahay in ay aragtideeda ku soo bandhigto iyada oo aysan jirin kala doorasho iyo kala mudnaan.

W/Q: Cabdulkariim Cabdulle Calasoow(Abkoow Jallaato)

SHEEKOOYIN