Farsmada Gacanta W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

1264201_231557887002179_696387047_o

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Farsmada Gacanta

Farsamada gaacantu, waa xirfad aad muhiim u ah. Waa shaqo qofka bartaa uu ka xoroobo, in uu cid kale ku tiirsanaado. Farshxanku waa shaqo asaas u ah nolosha, waa billowga wershedo casri ah, haddii aad barato farsamada gacanta, waxaad noqonaysaa qof madax bannaan, shakhsi naftiisa gaarsiiya is ku filnaasho.

Farsmada gacantu waa tan keenta, in uu qofku noolaadu, uuna ka badbaado saboolnimo. Soomaalidu waxay lahaan jitray farsamo gacameed ay caan ku ahayd, oo jiilba kan ka danbeeya u gudbin jiray, dadku waxay ahaayeen kuwo wax soo saara; dadka qaar waxay sameyn jireen agabka wax lagu karsado iyo weelal wax lagu cuno oo tayo leh, qayb kale, oo bulshada ka mid ahi waxay toli jireen, dharka, kabaha iyo waxyaabo kale oo muuhiim ah.

Heerka ay Soomaalidu ka gaartay farsamada waxaa na tusaya – oo aan anigu arkay – iyada oo markii loo baahdo in cunto la karsado, dabka geedaha laga dhaliyo (madag), dabka cuntada lagu karsadu waxaa laga dhaliyaa qaar ka mid ah geedaha sida: (GOOSAY) waxaase nasiibdarro ah fikirka qaldan, ee ay Soomaalidu ka haysato farsamada gacanta, kaas oo ah, in la liido xirfaddaas iyo dadkeedaba, arrintan ah, in laga faano farsamada gacanta iyo weliba, in la yaso beelaha ku shaqeysta, runtii waa mid aad u qaldan, diin iyo damiir ahaanba.

Dhallinyarada oo ah qaybta ugu ballaaran bulshada, ahna kuwa baahida ugu badan u qaba shaqa abuurka, iyaa iyaguna inta badan is ka la wayn shaqooyinka la xiriira farsamada gacanta, dhallinyaro badan oo helay fursaddaas ayaa dayacay, ha yeeshee, dib uga shallaayeen, oo maanta waa shaxaad ku nool, halka, kuwii ka faa’iidaystay ay naftooda, qoyskooda iyo bulshadaba dhaqaale ku soo kordhiyeen.

Abwaan Maxamad Gacal Xaayow, Alle ha u naxariistee, ayaa ka digay arrintan ah in farshxanaka laga faano, dibna looga qoomameeyo, xilli aysan shallayto wax tarayn, wuxuu yiri:

 

“In farshaxanku taariikh u yahay, faciyo jiirkeenna,

Mar haddaan farshaxan jirin, Fandhaal dheri ma yeesheene

Farsamada harguhu howla badan, ku ma filnaadeene

—————————————————————

Farsamada gacmuhu soo waxaan, laga furseyn maahan!

Allaa faxane Soomaaliyeey, yaa idin fahamsiiya

Wax adduunka lagu faano, yaad weli ka faantaane!”

 

Soomaaliya hadda waxay mareysaa xilli dib u dhis ah, waana markii loogu baahi badnaa farsamooyinka ka la duwan, ee gacanta laga qabto, baahida farsamo ee jirtana ma dabooli karaan farsamayaqaannada hadda jooga waddanka, oo badankoodu sii gaboobaya. Dagaalladii sokeeye ka dib, dalka ka ma jirin iskuullo farsamo oo badani. Si loo horumariyo farsamada gacanta, waxaa i la habboon, in lagu dhaqaaqo waxyaabaha soo socad:

 

1)     In la furo iskuullo lagu barto farsamada gacan, si ay uga aflaxaan dadka leh hibada farsamo, kuwaas oo u baahan dhiirrigelin iyo tababbar.

2)    In la sameeyo wacyi gelin ka baxda warbaahinta, taas oo dadka aad loogu sharraxayo, muhiimadda ay farsamada gacantu u leedahay horumarka qofka, la dagaallanka saboolnimada iyo faqriga, shaqa abuurka iyo guud ahaan horumarka dalka iyo dadka.

3)    In carruurta yaryar iskuullada lagu baro xirfado ka la duwan oo farsamada gacanta ah, iskuullada Somaalidu aad ayay ugu liitaan barista farshaxanka, horayna waxaa loo yiri: (Farsamo waa fara ku hayn), taasna waxaa loo la jeedaa, in carruurta iyaga oo yaryar la baro farsamada gacanta, si marka ay waynaadaan ay aragtiyo kale ugu dhafaan, si ay ugu suurtagasho, in ay wax cusub keenaan.

4)    In qayb kamid ah suuqyada loo qoondeeyo farshaxanleyda, is la markaana canshuurta laga dhaafo, lana maalgeliyo hadba sida loo awoodo.

5)    In ganacsatada waaweyni ay maalgeliyaan farsamayaqaannada.

Ugu danbeyn, farsamada gacanta dhinac walba oo ay tahayba, waa mid diinteennu ammaantay, Nageenna (NNKH), aad ayuu u ammaanay dadka gacmohooda ku shaqeysta, dhallinyaradana waxaan ku la talin lahaa, in ay bartaan farsamada gacanta, si ay uga badbaadaan shaqa la’aanta, faqriga, daroogada, dagaallada, denbiyada iyo walaaca.

Farsamada iyo farshaxanka yaan laga xishoon, haddii wax laga xishoonayo, ha laga xishoodo waqti lumiska, shaxaad raadinta iyo baagamuudada. Waxaa nasiib darro noqon doonta, in dhallinyarada Soomaaliyeed oo dalka joogta, farsamoyaqaanno kale dibadda laga keeno, taasina waa ciyaartii oo gurigaada lagaaga badiyay.

 

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

abdulkadiralieco@gmail.com

SHEEKOOYIN