Faylasuufkii Waddada!!

10636306_790840967635370_3679207470137846768_n (1)
—————————–
Faarax waa wiil Soomaaliya, kuna dhashay Koofurta Soomaaliya. Wuxuu ku soo hana qaaday magaala madaxda Soomaaliya Muqdisho, halkaas oo uu ku soo gunaannaday waxbarashadiisa, ilaa heer Jaamacad. Horraantii 2009-kii ayaa hortiisa lagu qaarijiyay aabbihiis dhex baratamada suuq weynaha Bakaaro, isaga oo la socoda. Wuxuu ahaay cunugga kaliyah ee hooyadiis iyo aabbihiis is ku dhaleen. Shilkaas waxuu ka qaadday naxdin iyo walbahaar. Faarax wuxuu ku hadlaa saddax af, markii laga reebo afkiisa hooyo, Ingiriiska, Carabiga iyo Faransiiska. Aabbihiis waxa loo dilay ma yaqaan ilaa iyo haatan, hooyana waxaa ku dhacay xanuun xagga dhimirka ah. Faarax waxuu go’aansaday in uu is kaga soo hayaamo dhulkii aabbihiis lagu dilay, intaasna uu wax ku dhex baranaayey, hooyadiisna ey hadda ku dhex waalantahay. Wuxuu soo caga dhigay carriga Talyaaniga, isaga oo aaminsanaay in uu lugaha la soo galay jannadii Yurub, balse riyadii waxay is ku rogtay murugo iyo amakaag, waxuu infariir ka qaaday dadka si guud, gaar ahaan Soomaalida, wuu diiday in uu ku noolaado xarumaha dib u dajinta ee dawladda Talyaanigu dajiso soogalootiga.

Faarax waxuu hooy rasmiya ka dhigtay guryaha duqoobay ee ku yaalla daafaha magaalada uu hadda ku noolyahay, shaqadiisu waa in uu is taaggo isgoysyada waddooyinka waaweyn, isaga oo gacan hoorsanaya, kuna hadlaya luqadda waddanka uu jooggo si talantaalliya, shaqo ma helin, xirfad kalana ma yaqaan, nolashiina maareeyn ayey ka rabtaa, dalka uu jooggana waa dal ku dhisan shaqo. Boorso yar ayaa garabka ugu jirta, wuxuu ku sitaa xasuustii hooyadiis, iyo shahaadooyinkii waxbarashada, magaalada waxuu saxiib kala yahay 2 qof oo Soomaaliya, inta kale is ma fahmaan, waxay i xasuusinayaan waxii aan ka soo cararay ayuu ku celceliyaa. Hal-abuurnimada waxaa u sii dheer Faarax nadaafadda, anshaxa iyo in uusan lahayn wax balwad ah, salaaddi kama tagto, meeshii ey ku qabato ayuu ku tukadaa, waa 30 jir, waxa kaliyah ee ka dhaadhic la’ ayaa ah in uu dadka soo dhex galo, guri la kiraysto.

Faarax ma aaminsano dal soohdin gaara leh ee uu ka soo jeddo, iyo in nolashaan ey ka soo qurxoonaan doonto sida ey hadda tahay, qofka qura ee uu ka eegto adduunka waa hooyadiis, oo markii uu codkeeda maqlo is ka ooyo, ilaa uu koontoroolka lumiyo, guur iyo dhexgalka dadka waa ka reebantahay nolashiisa, waxaa aad u jecel dhallinta wax barata ee ajnabiga ah, oo wax badaan ka dheehata nolashiisa, dalkiisii hooyo in uu ku laabto rajo kama qabo, waxaa u soo sawirmaya dhiiggii qulqulaayey markii la dilaayay aabbihiis, eexdii iyo dulmigii loo gu gaystay qoyskiisa.

Faarax wuxuu la kulmaa codsiyo fara badan oo uga imaada gabdhaha shisheeye ee inta badan la yaabo aqoontiisa iyo qaab nolaleedkiisa, balse ma aaminsano nolasha lammaanaha, wuxuu ku noolyahay meeshaas idiin muuqata, waa nin aad u faraxsan, deeqsiya, nolashiisa oo dhan waxay ku salaysantahay bini’aadnimo, dadka yaqaan shaqsiyaddiisa waxay ugu yeeraan “Faylasuufkii Waddada” Waxa ugu weyn ee ka maqan nolashiisa ayaa ah in uu dadnimadisii ku waayey dalkii uu intaas kula soo ekaaday, kaas oo lagu magacaabo Soomaaliya.
—————————————————————————————
Waxaa qoray: Cabdicasiis Maxamed Shidane.

SHEEKOOYIN