Filan waa Q36AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q36AAD

Maxamed hooyadii oo yaaban isla markaana warka dulucdiisa aan  wali helin ayaa odayga ku tidhi: “ee bal hadalka noo saaf oo si fiican noogu sharax waxaa aad soo ogaatay waxa ay yihiin”

Wuxuu yiri: “Waxaan u tagay Jaamac Geedi, iyo Axmed Sanyare oo ilma adeer yihiin Deeqa aabbaheed waa sida uu Maxamed ii sheegay, waraysi iyo xog ayaan u doontay si aan wax badan u oggaado ka hor inta aynaan howsha guda gallin, laakiin qaabka uu Maxamed wax inoogu sheegay iyo sida arrintu ay noqotay waa kaaf iyo kala dheeri”

Wuxuu yidhi: “Horta odayga Cali la yidhaahdo, wuxuu dhalay laba gabdhood oo gashaantimo ah oo iskuulka dhigta, sidoo kale gurigaas qof Deeqa la dhaho ma joogto, waxaa jirta gabadh garooba ama carmala oo dhawaan la soo furay, waxaana adeer u ah oday Cali, isagaana soo korsaday, waa gabadh rajo ah oo waalidkeed mar hore ayay dhinteen, waxaana la dhahaa magaceeda Fartuun, mida kale wax shil gaadhi oo dad wax ku noqdeen ma jiro, wax sheegayana ma maqal, dabcan Magaalada waa lays wada yaqaana, wixii dhacana ma qarsoomayo oo durba idaacada ayaa laga maqli lahaa, markaa Maxamed wuxuu sheegayay waxba kama jiraan, been iyo huuhaa ayuu dadka ku lug  gooyay”

Odayga oo hadalkii sii wata ayaa wuxuu yidhi: “Anigu awalba waan ogaa in wiilka wax badan ka qaldan yihiin, laakiin waxa aan tallaabo u qaadi waayay waad ogtihiin, Maxamed idinkaa ka daran, oo haddaan hadal idhaahdo afka i goosanaya, hadal iyo dhammaan wixii dhacay waa ay dhaceen, waxaan doonayaa inaan idiin sheego qorshe aan damacsanahay ayaa jira, waxaan rabaa inaan beri Magaalada Jowhar u ambabaxo oo gabadhii aan abtiga u’ahaa ee Najmo inaan Maxamed u doono isla toddobaadkan guddihiisa aan Maxamed ugu aqal  geyno, sidaana aan arrintaa ku soo afjarno, waxaan kaloo ku darayaa inaad howsha guriga halkeedi ka sii wadaan oo bariba alaabta wixii dhiman aad soo iibisaan.

Maxamed hooyadii yaab ayaa ka soo hadhay, sheekadu waxay ku noqotay af kala qaad, waxay ku hadasho ayadoon garanayn ayay odayga ku tidhi: “Waan dareensanaa in xaaladda Maxamed aanay daganayn, laakin is malahayn wiilkaagu waxaan jirin ayuu kugu jahwareerin, balse hadda wixii ka dambeeyaa adigaa arrinta ka masuula ee mar uun wiilkaa gabadh u guuri” Islaantu waxay odayga ka codsatay in marka hore Maxamed la quraan saaro, kaddibna sidaa uu sheegay gabadhaa ilma abtiga yihiin loo doono.

Maxamed walaashii oo xog badan haysa ayaa waxay tidhi: “Waxaan aad wadaan wax ka socanayaa ma jiraan, sababtoo ah Maxamed hal qof ayaa ilaa iminka qalbigiisa ka bixi la, qofkaas hadduu helo, waxaa hubaala inuu farxad badan ku noolaan lahaa, idinkuna dhibkiisa aad ka nasan lahaydeen, haddii kale cisho noolba wax idinka yaabiya waad arkaysaan.

Halmar ayay islaantii iyo odaygii la soo boodeen maandhay adigaaba dab yar shidaynee bal qofkaas noo sheeg aan wiilka u doonee, haddiiba ay saa tahay.

Nuura  intay qososhay ayay tidhi: “Waan ka xumahay oo waxay noqon la haydba qofkaasi maanta magaalada Baladweyn ma joogto, laakiin waxaan rajaynayaa wakhti dhow in walaalkay Maxamed uu heli doono qof wanaagsan oo nolasha la qaybsata.

Maalin kaddib, odaygu wuxuu u ambabaxay magaalada jowhar si uu uga dhabeeyo go’aankii uu qaatay ee ahaa in uu Maxamaed u doono gabadhii ay ilma abtiga ahaayeen, safar dhowr iyo toban saac qaatay kaddib, si nabadda ayuu ku tagay halkii uu socday, dad iyo duunyaba deegaanka waa lagu nabad qabay, inkastoo abaar aan sidaa u badnayn ay jirtay.

Odaygii markuu gaadhigii ka dagay magaalada kuma uuna hakan, isagoo xitaa koob shaaha ka cabin ayuu u soo jihaystay guriga walaashii, nasiib daro wuxuu yimid gurigii oo dadkii waaweynaa ay ka maqan yihiin, odaygu wuu daalanaa wuxuu jeclaystay inuu yara seexdo, hadhow ama barina ay reerka iswareystaan, balse ma ladin oo waxaa hurdo u diiday sawaxan iyo mushaxarad  ka baxaysay guri aan sidaa uga fogayn oo aroos ka socday.

Wax yar kaddib, waxaa odayga qolkii uu jiifay ugu soo galay  wiil uu abti u yahay oo washaashii dhashay, salaan kaddib,  wuxuu yidhi: “Abti aad ayaan ugu faraxsanahay xilli wanaagsan ayaad timid, waxaa sharaf noo ah inaad  xafladda arooska nagala soo qayb gasho, Najmo ayaa shalay wiil ay iskuulka wada dhigan jireen muddo dheerna xidhiidh ka dhaxeeyay ayaa lagu meheriyay, maantana arooskooda ayaa dhacayaa, reerku waxay ku mashquulsanyihiin arooska Najmo oo hadda galbiskeedi socdo, wuxuu intaa u raaciyay sawaxanka iyo daryaanka durbaanka halkaa ka yeedha inuu yahay aqal galkeedi.

Odaygi fajac iyo Filan waa ayay ku noqotay arrinta uu wiilku ka dhawaajiyay, gabadhii uu islahaa Maxamed u doon waaba qofka uu daryakanka iyo durbaanka qaylada arooskeeda uu ka seexanwaayay, yaab.

La soco qaybaha dambe.

W/Q: yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

SHEEKOOYIN