FOOLAADKII FALSAFADDA & ARAGTIYAHOODI (1)

FOOLAADKII FALSAFADDA & ARAGTIYAHOODI

(1)

waxaa qoray Cali M. Diini

 

Gogoldhig

“Falsafaddu si dhib yar bay ku jiirtaa xumaha tagtada iyo timaaddaada, laakiin waxaa legda xumaha taaganta (Philosophy triumphs easily over past, and over future evils, but present evils triumph over philosophy.)” -François de la Rochefoucauld

 

Falsafadi Waa Maxay?

Su’aashaa qudheeda ayaa ba falsafadaysan sow ma aha? Eraga philosophy asalkiisu waa labo eray oo Giriig ah: philia oo la macne ah jacayl (love) iyo sophia oo macnaheedu yahay xikmad (wisdom). Sidaa daraaddeed falsafad macneheedu waa xikmad jacayl. Falsafaddu waxa ay jawaabo u goobtaa wayddiimaha ku gedaaman mawduucyada ay ka midka yihiin jiraalka (existence), anshaxa iyo akhlaaqda (ethics and morality), dhabta (reality), ogaalka (knowledge), baraadka (consciousness), siyaasadda, luqadaha, dhaqaalaha, iyo qaar kale oo badan.

In badan oo ka mid ah waxii falsafad la oran jiray maanta waa aqoono iskood u taagan oo falsafadda ka madaxbannaan. Waxaa ka mid ah sayniska oo idil, iyo saykoolojiga oo ah laan-aqooneeddii u dambaysay ee falsafadda ka madaxbannaanaata. Yeelkeede, lix laan-aqooneed oo waawayn oo falsafaddu maanta deristo waxaa ka mid ah:

1. Anshaxa: waa barashada akhlaaqda iyo sida ugu habboon ee ay tahay in aan u noolaanno.

2. Falsafadda Siyaasadda: waxaa lagu dersaa dawladda/xukuumadda/xukunka, xuquuqda siyaasadeed ee qofka aadmiga ah, doorka degaanka (the role of the citizen) iyo hannaanka ugu habboon ee dadku isu maamuli karaan/dawlad ku dhisan karaan.

3. Ebistimooloji: Epistemology waxaa lagu dersaa abuurta ogaalka/aqoonta (nature of knowledge) iyo sida bini’aadanku ogaal ku kasban karo.

4. Bilicda: Aesthetics waxaa lagu dersaa fanka iyo quruxda (art and beauty); in kasta oo aanan hubin saxnaanshaha eray bixinta aan adeegsaday.

5. Meetafiisigis: waa laanta lagu barto koonka iyo dhabta (universe and reality).

6. Loojig: sidaa oo kale na Soomaalida qaarkood mandiq u yaqaannaan waxaa lagu daraaseeyaa sida loo dhiso dood ansax ah (valid argument).

Meelkasoojeedka Falsafadda

Shaki ku ma jiro in qof walba oo eraga falsafad maqla ay ku soo dhacayaan: Giriig, Suqraad, Balaato iyo Aristootal, taa oo dhalin karta wayddiimo ay ka yihiin: falsafaddu ma Giriig bay ka bilaabatay? Giriig ka hor dadku falsafad ma aqoon miyaa?

Sida Suqraad, Balaato iyo Aristootal rumaysnaayeen falsafaddu yaab bay ku bilaabataa xikmadna waa ku idlaataa. Peter Kreeft oo ah qoraaga buugga ‘Socrates’ Children: An Introduction to Philosophy From the 100 Greatest Philosophers” oo sii faahfaahinaya yaabka falsafaddu ku bilaabato iyo xikmadda ay ku dhammaato waxa uu yiri hadal macnahiisu sidan noqonayo: Yaab bay ku bilaabataayoo aniga oo nolosha jecel baan dhimanayaa; taa na waxaa ka dhalanaya su’aasha ah: maxaan u dhimanayaa? Taa oo iyana i na gaynaysa yaqiinta ah: si walba oo aan uga baqo dhimashada haddana ka ma aan maarmo geerida. Haddii qodobka dambe ee dhimasho-doonku kaa daadegi waayay, bal in yar sawiro haddii awoowgaagii 5aad ama ayeeyadaadii 6aad oo maanta nool, dadkii ay dhaleen, kuwii ay sii dhaleen iyo kuwii ay sii dhaleenna aan hal qof ka noolayn. Bal qiyaas nolosha awoowahaa iyo ayeeyadaa ku noolaan lahaayeen? Duni aysan qof ka aqoon, qof la da’ ahi joogin, qof ay sheeko garanayaan joogin sidee ugu noolaan lahaayeen? Geeridu waa lagamamaarmaan, mar ba haddii aan uunku wada noolaanayn oo qof gabow iyo geeri ka badbaadayaa uusan jirin, markaa in aad keligaa dhiman waydo xikmaddarro keliya ma aha ee waa caddaaladdarro.

Docda kale, caqligal miyaa in caaqiliintii Giriigga oo keli ahi nolosha iyo jiraalka la yaabeen dabadeedna ay xikmad burqanaysa noqdeen. Maya, taasi caqligal ma aha falsafadduna Giriigga ka ma bilaaban. Goor horena waa anigii iri: falsafaddu Masar bay ku dhalatay (in kasta oo tan xataa laga doodi karo), Giriig waa ku hanoqaadday, Yurubta galbeedna waa ku qaangaartay. Haddii xataa dood laga keeno in falsafaddu Masar ku dhalatay midda aan la dafiri karin waa in Giriiggu ay Masar falsafadda ka soo barteen. Filasuufyadii Suqraad ka horreeyay (presocratic philosophers) badankoodu Masar bay tageen oo wax ku soo barteen. Balaato ayaa ka mid ahaa ragga Masar tagey, sida uu qabo Martin Bernal oo ah qoraaga buugga “Black Athena: The Afroasiatic Roots of Classical Civilization” Balaato Masar buu kala yimid aragtidiisa “boqor filasuuf ah/philosopher King” waayo hannaanka filasuufyadu xukunka hayaan dadkuna u qaybsan yahay saddex derajo oo kala boqorro (oo ah filasuufyada), ciidan (the auxiliary guardians oo ciidanka amniga iyo nabadda ilaaliya), iyo inta kale ee dadka. Qodobkan markaan Balaato gaarno ayaan faahfaahin doonnaa; laakiin warka oo koobani waa sida diimihii Masaaridu Giriig u sameeyeen ayay falsafaddii Masar na Giriigga u raadaysay.

Qormadani waxa ay ibofur u yahay qoraalka toddobaadle noqon doonta kaas oo aan ku soo gudbin doonno taariikhdii iyo aragtiyihii qaar ka mid ahi foolaadkii falsafadda.

Waa inoo Axadda dambe iyo qormada tan xigta. Idan Eebbe.

SHEEKOOYIN