GAAJO WAA CADAW! W/Q. Bashiir Ali Hashi

GAAJO WAA CADAW.

ba

Faqrigu colaad buu sababaa, colaadduna faqri bay sababtaa. Haddii aan faqriga iyo shaqa la’aanta la isku dayin in layareeyo, haddii aananba la dabar goyn karin, waxaa hubaal ah in qofka bahani uu isku dayi burburinta nabadda iyo kala danbeynta. Marka ay burburtana faqrigu sii kordhayo. Waxaa aad u adkaanaysa in kala daanbeyn lasoo celiyo marka colaad iyo burbur dhaco. Maxaa yeelay qofka baahani nabada fursad masiiyo, waxa uuna arkayaa kaliya bahida isaga haysa malintaa uu joogo. Tusaale: Waxaa jiray boqor xukumi jiray dalka Shiinaha oo kuyaalla koonfur-bari ee qaradda Eeshiya boqorkaas waxuu awoodi waayay dowlad sal adag in uu ka hirgaliyo dalkaas, boqorkii waxuu la tashaday filasoof aqoon durugsan lahaa, waxa uuna kula taliyay. Saddex arrimood in uu sameeyo si dowlad saldhigataa loo helo. 1. Waxa uu kula taliyay quudin ama shaqo abuuris in uu dadka u sameeyo, quudintu macnaheedu ma ahan in lacag iyo cunto dadka guryahooda lugu siiyo, ee waa in dowladdu qorshe waxbarasho iyo mid shaqo u dejiso dhallinta. 2. Tan labaad waxa uu kula taliyay in uu baahiyo waxbarashada si dadku u kala gartaan sax iyo qaladka. 3. Ugu danbeyntii wuxuu ku yiri xukun dadka markaad intaas sameyso ka dib. Marka taladaas si qoto dheer loo fasiro waxaa cad sida nabad ku soo dabaalista Soomaaliya iyo waddamo badan oo Afrika iyo Carab ah ay qaldan tahay. Inta badan waxaa xoogga la saraa in nabadda iyo xasiloonida qori caraddiis iyo baqdin gelin shacab lagu abuuro, halka awoodda la saari lahaa shaqo abuuris iyo waxbarasho baahda. Soomaaliya maanta dhulka ayay tallaa oo 20 sano ka badan ayaa colaad ka jirtay inkasta oo maanta ay jirto dowlad aan xoogganayn oo aan dalka kawada talin, balse aqoonsi caalami ah mar heshay. Sababta burburkii dowladdii hore keentay waxaa gundhig u ahaa: caddaalad darro, gaajo iyo faqri baahay. Hoggaankii jabhadihii dalka iyo dowladaba burburiyay, waxa ay adeegsadeen dhallinyaro aysan shaqo iyo mustaqbal wacan ka hor muuqan. U malayn maayo dhallinyaradaasi in si sahlan dagaal lagu galin lahaa haddii nolol wacan u abuurnaan lahayd. Nabad iyo deggenaansho waxaa jiro laba eray oo luqadda Ingiriiska ku jiro oo inta badan reer galbeedka saxaafaddoodu isticmaasho oo kala ah: Peace iyo Stability oo macnaheedu yahay Nabad iyo degganaasho ama xasiloonni. Waddan nabadi ka jirto oo haddana waxaa jira aan xasilooni ka jirin. Waddamada nabadda iyo xasiloonidu ka jirto waa waddamada reer galbeedka kuwooda aadka u ladan sida Scandinavianka. Degganaashuhu waxa uu ku yimadaa in shacabka la xukumaa talo ku yeshaan go’aannada siyaasadeed ee sameynta noloshooda ku leh. Abuuris shaqo iyo waxbarasho, sinnaan iyo caddaalad bulshada dhaxdeeda lagu baahiyo. Inta badan waddamada dunida saddexaad waxaa ka jirto nabad xoog lagu hayo, waxaad arkeysaa ciidamo hubeysan oo waddooyinka gaaf wareegaya, xarumaha ganacsiga oo qoryo lagu wardiyeynayo, inta badan madaxdu waxa ay degaan garoomada diyaradaha agtooda si haddii nabadda xoogga lagu hayo u burburto ay u cararaan. Waxaa shaki ku jirin in nabad sidaas ah burbur ku imaanayo dhawatayaa ama dheratayaaba. Sinnaan la’aan: Qaybsiga khayraadka adduunka. Markaad u kuur gasho degganaasho dhaqan dhaqaale la’aanta dunida saddexaad hareeyay waxaa soo baxaya sababo badan, waxaase ila weyn labo sababood. Khayraadka dabiiciga ee adduunka sida shidaalka, dahabka iyo nuucyada macdanta dhan oon si siman loo isticmaalin. Khayraadka adduunka ugu badan waxa uu ku jiraa waddamada dunida dadkeedu ugu saboolsan yihiin. Caddaanka ladan adduunka waxa ay ka yihiin 20% waxa ayna isticmaalaan 80% khayraadka adduunka. 80% ayay noqonayaan dadka kale ee adduunka ku nool waxa ayna isticmaalaan 20%. Arintaan waa caddaalad darrida ugu wayn ee adduunka ka jirto. Caddaankaas tirada yar waxa ay ku noolyihiin badankood waddamo aan khayraad dabiici ah laheyn laakiin dadkooda ayaa hanti u ah oo waa dad aqoonta aad looga dhisay, waliba midda wax soosaarka xoojisa sida farsamooyinka gacanta iyo Tiknoolajiyada. Khayraadkaas 80% ay isticmaalaan waxa ay kasoo saaraan waxaa loo soo suuq keenaa dunida khayraadku ceegaago laakiin dadkeedu aqoonta iyo dowlad waanagga laga oowday, iyagana isa daboola. In aqoonta iyo ka faa’iideysiga khayraadka adduunka la simo waxa ay keeni kartaa in barwaaqo la wada gaaro, taasine waxa ay dhib ku noqonaysaa ninka aan khayraadka haysan ee aqoonta keliya heysta. Dhibaatada labaad ee faqriga iyo gaajada baahinaya waa xukunka keligii talisnimo ee ka jira inta badan dunida saddexaad. Hal nin marka uu maroogsado talo ka dhaxeeysa dhammaan dadka dalka waxaa timaada in uu noqdo nin dakaneysan oo wax dad ka dhaxeeyay dhacay. Taasi waxa ay sababtaa in waddo walbo uu u maro haysashada kurisigaas dadka ka dhaxeeya. Waxay dhisaan kaligi taliyetaashu ciidamo loo carbiyay kursi ku ilaalintiisa, halka la dhisi lahaa ciidan difaaca danta dalka iyo dadka. Waxaa cadaw u noqda shirkado iyo dhaqaale bulaala ee uusan laheyn, waxay curiyaamin ku sameeyaan dejinta manhaj si xor ah oo toosin iyo hiigsi qaran oo nadiif ah ardayda loogu gudbiyo, waxa adkaata in ardayga iyo macallinku fikrado xor ah oo dhaliil iyo toosin qaran isku dhaafsadaan goobaha waxbarashada. Inta badan waxaa xukunka iyo ka faa’iideysiga dowladnimada lagu koobaa jufada madaxweynaha, taas oo keenta in qolo barwaaqo ku noolaato, inta kalane ciidda cunto. Badanaa siyaasiyiinta dowladaha dunida saddexaad waxa ay iyaguba asal ahaan kasoo jeedaan qoysas faqri ah, taas oo sababta in ay isku mashquuliyaan in ay si dhaqso leh iyaga iyo qoysaskoodaba faqriga uga saaraan, iyaga oo u maraya sameynta musuq maasuq aan xad lahayn. Hantida baabuurta qaaliga ah iyo agabka kale ee aadka u qaaliga ah ee lagu soo sameeyo warshadaha waddamada horay u maray oo awalba khayraadkii adduunka horay u boobay. Kuma raxeeystaan madaxdaasi oo waxaa jiro nin baahan oo indha yucureyn ku jiro, una jeedo boobkaas, maalin ay noqotana sugaya in uu qalalaase dhaco. Miyeeysan habbooneeyn in siyaasiyiintu isku mashquuliyaan yagleelid nabad iyo xasilooni lagu wada raaxeysto oo aan maalin laga cararin, halka ay ku mashquuli lahaayeen abuuris hanti kaligood u gaar ah oo eeysan iyagana calfan:?.

W/Q. Bashiir Ali Hashi

Bashkacali9@hotmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.