Gabay; “Ma gar baa?!” Curiye; Ahmed Hayow

ga

Gabay; Ma gar baa?!

 

Tixdan ee yar oo la yiraahdo (Ma garbaa) waxay is garab dhigaysaa laba walxaad, oo midi leexsan yahay, haddana, is weydiinaysaa sida kan dambe loogu abaalmariyo inuu loo yeelo tii hore lidkeed? Marka gabaygii waa kane, ku soo dhawaada;

 

Gabay; Ma gar baa?!

 

1. Nin garoobba badan soo furoo, Gabar ku waydiistay

Ma garbaa in loo guuriyoo, Gacanta loo saaro?.

 

2. Nin gar eexo uun lagu yaqaan, Gole haddoow joogo

Ma garbaa in gooy lagu yiraa, Wixii la gaaraayo?.

 

3. Gelgelin bacaadliyo kuleyl, Neef galgalanaaya

Ma garbaa in goroflegedka geel, Gaatir laga waayo?.

 

4. Gaawaha haddii lala dhexgalo, Gaaxna laga waayo

Ma garbaa in gowraca kawaan, Geniyo loo siisto?.

 

5. Nin hadduu garneyl uu la dhoco, Guriga uu jiifto

Ma garbaa inuu gebi cidlaa, Gabaxa goowriiro?.

 

6. Nin gacandhaaf yaqaan oon sinnaba, Uga gaboobeynin.

Ma garbaa in geniyaalo badan, Gaarka laga saaro?.

 

7. Nin gafuurka duubtoo khalqigu, Aanu garaneynin

Ma garbaa in geeshkeenni Qaran, Guduri noo doorsho?.

 

8. Nin galaanka caanaha ilmaha, Qaad ku gadanaaya

Ma garbaa inuu dowlad galo, Geganna loo dhiibto?.

 

9. Hadduu cadow ku gaasirahayaa, Gayiga kuu joogo

Ma garbaa inaad gacal cuntoo, Gooyso midigtaada?.

 

10. Hadday gaajo tuulada gashoo, Gabanna leeyneyso

Ma garbaa gargaarkii la siday, Suuqa inaad geeyso?.

 

11. Hadduu gaal ku saaciday gabdhaha, Kaa gujeeynaayo

Ma garbaa inaad gacalsatoo, diiddo gefafkiisa?.

 

12. Adduun gelinba waa ceyn nafluhu, Nuucyo kala gaare

Ma garbaa gumeystuhu inuu, Nabad ku gaarsiiyo?.

 

13. Gef iyo khalad waa dhacaa, Goor iyo ayaane

Ma garbaa inaan gogol nabdeed, Goorna lagu baanan?.

 

14. Gobanimo raggii noo dhalshee, Guusha libin keenay

Ma garbaa godkii ay galeen, Inuu ka guuxaayo?.

 

15. Reer galbeedka gurigeey degaan, Gaala qurunleeyda

Ma garbaa in gabar iyo igaar, Huuri la gaddoonto?.

 

16. Gar iyo gardarro oon sinneyn, Labada goonyoodba

Ma garbaa inay guurti helin, Talada loo geeyo?.

 

17. Gaadiid la raaciyo haddaad, Geela wada laayso

Ma garbaa in Dibi geesa weyn, Reerka lagu guursho?.

 

18. Nin aan kuu gargaareyn markaad, Gebi dhacleyneyso

Ma garbaa inaad ka gudataa, Gelinkuu kuu baahdo?.

 

19. Gambo inanta soo qaadatee, Gogosha kuu xaarta

Ma garbaa in gows laga jebshoo, Hadimma loo geysto?.

 

20. Jiilaal gandoobsay dadkoo, Gacan abaaroobay

Ma garbaa in guga lala simaa, Roobku gororaayo?.

 

21. Afartaa ga’dii aan dhigiyo, Godob ka sheekeynta

Gedmi lagu khaldaa jira carruur, Garasho waa daaw’e.

 

22. Hadday guuto noo soo keceen, Wada gafuur duuban

Waa gef aan galnoo Eebbaheey, Naga gudaayaahe

 

23. Hadday gaalo noo soo fufeen, Wada garneyl haaysta

Waa gef aan galnoo Eebbaheey, Naga gudaayaahe

 

23. Aan gacmaha taagnoo Rabbigeey, Inuu gargaar keeno

Aan guullaheey tuugno inuu, Inaga soo gaaro.

 

Dhammaad.

 

September 11.2014 Khamiis.

 

Curiye; Ahmed Hayow

 

SHEEKOOYIN