Gabay Mahadnaq ee loogu talo galay Sannadguurada Laashin.

Gabaygan waxaan ugu talogalay Hambalyada Sannadguurada Maareeg aan kaga qaybqaatay Munaasabada Miisaanka huwan ee Mareegta LAASHIN.

11800378_887311184650098_1586803149814188657_n

 

Murtidu waa misbaax nuur leh iyo Muuq iftiin badane.

Mahadho weeye taariikh gashiyo, Weliba maahmaahe.

Mansab weeye uu Eebahaay, Siiyo ruux mudane.

Miid weeyeh ruuxii maqlaa, Uu macaansado’e.

Micne wuxu sameyaa markaad, Xaraf ku miistaaye.

Meel loo dhanyahay iyo markaad, Madal kaqaadaaye.

Maantana mid ugu maaxday baan, Idin muhiimsiine.

Maqla oo murtida dhuuxa yey, Meel cidlaa marine

Maalin farxleh beey noo tihiyo, Weliba maamuuse

 

Magay roob ah baa noo curtiyo, Miire layl da’aye

Munaasibad xus iyo farxleh, Maanta lahayaa’e

Mareegta LAASHIN bey koow utahay, Maalin guuraduye

Meelkastaba hajoogtee bulshadu, Wey mahdinayaane

Mashxarad iyo durbaan bey hablihi, Mawda kuhayaane

Maahirkiyo abwaannadu tixbeey, Marinayaaniin

Mashaa’iikhda ducadiyo baryadeey, Midgta taageene

Maaligow hadumin bey dheheen, LAASHIN waa muhime

Madxaf dhaqanka noo keydiyiyo waa Makaab adage

 

Minan weeye maansadu dhextaal,Maalin iyo leyle

Mareeg weeye ruuxii murti leh, Lagu macsuumaaye

Maqaallada waxa lagu qoraa, Maanka kuu bilahe

Madadaalo iyo waxad kaheli maad, Xasuus badane

Mawduucyo muhimaa dhex yaal, Maadi iyo Diine

Masuuliinta haysaana waa, Maamul hawl karahe

Markastaba lasoco LAASHIN waa, lagama maarmaane

 

Curiye:Cali Saalax Siciid (Cali Daad Shirdoon)

SHEEKOOYIN