Gabayga: gaf Rageed W/Curisey: Hodan Sheekh Cumar

 

pizap.com14578284629151

Gabayga: gaf Rageed

 

Gabaygani magaciisu waa “ Gef rageed” waana gabay Garnaqsi ah, waxaan ku tilmaamayaa, God daloolooyinka iyo gulcubaha muuqda ee Ragga Soomaaliyeed, waxaan sidoo kale ku gubaabinayaa, haweenka Soomaaliyeed, ineysan sugin inta raggaas gama’sani soo toosayaan ee ay guntiga dhiisha ka dhigtaan una soo jeestaan, waxka qabashada dayaca iyo darxumada taalla dalkooda, Raggii Soomaaliyeed 25 sanno waxay ka gudbi la’yihiin, Xarig   soohan oo dhulka loo dhigay inay ka boodaan ama ka talaabsadaan, taasoo ka hortaagan guusha horudhaqaaqa, Maalinba geed iyo goob ayay hogganayaan sidii ay xarigaan dhulka yaalla uga talaabi lahaayeen, mana aysan helin habkii iyo qaabkii, Haddaba haddeynu nahay Haweenka Soomaaliyeed waa inaynu ragga tusnaa inaynu ka boodi karno, xarigaas dhulka yaalla, Gabayga oo ku wajahan Ragga Soomaaliyeed waa kan eek a bogasho wacan.

      Gabayga: Gef rageed

  • Gu’yaal maanan curin maansadiyo, Gabayo dhaadheere
  • Anigoo ka gaabsaday mudaa, Gooh xun ii baxaye
  • Hurdo galow ma siin gacalkayoow, Guud ahaan xalaye
  • Fikir iga dhex guuxaayay baan , Diiday gogoshiiye
  • Markaan gama’ iraahdaba waxbay, Gocotey laabteeye
  • Naftu goohday oo guuxdayoo, Gubatey ciilkiiye .
  • Ka gal eed ismaan lihi raggoo, Gibi cambaareey’e
  • Giriif igama aha koox quroo, Gooni ugu miise
  • Inaan wada garaafeeyo idil, Ma aha goolkeeye
  • Gudbin maayo, eray guux dhalshiyo, Godob xumaaneede
  • Bal gudooma xaajiyo gorfeyn,   Baan gudbinayaaye.
  • Godkaas waan afeeftee haddaan, Gudub u sii dhaafo
  • Oon ararta aan gana jariyo, Gaafo dulucdeyda
  • Hooyada gasiin ay cuntiyo, Gogalba aan haysan
  • Oo gabi bannaan taagan oo, Hoorsan gacanteeda
  • Galin waliba ooyeeyso oo, Gubatayoo oontay
  • Oo abaydin gaajoonayana, Haysa gacantiisa
  • Saygii gambada saartay uu , Gabay xaqeediiba,
  • Oo daanku uu giigsan yahay, Jaadna galinaayo
  • Ayuumbaan ka geeraarayaa, Gubasha awgeede
  • Gaadmuu libaax geel ku dilay,Kuna galaaftaaye
  • Dhurwaaguba goljilicduu hashiyo, Dibiga gooyaaye
  • Gafanaha haddaan laga dhibeyn, Wuu galaa Ariye
  • Gugummiyo Abeesiyo halaq, amase goodaaddo
  • Waxay gaarto micidoodu abid. Geeri waw halise
  • U jeeddada gunteediyo haddaan, Gaaro dulucdeeda
  • Naxariis inaad noo gashaan, Waadka gurateene
  • U garaabi wayseen hablihii, Idin gardaadsheene
  • Gooh iyo jibaad iyo dhibbaan, Gagi la joognaaye
  • Gufaacada waxaad noo dhibteen, Baa na gubayaane
  • Waagii guduutaba hadduu, Galab u meeraayo
  • Oo labaatan iyo dhowr gu’ iyo, Googo’ laga joogo
  • Oo aan intaas gacalo iyo, Garawsi dhawreynay
  • Oon baadi goobnaa waxaad, Gawska gelisaanba
  • Ood naan Galiil yoonnin jeer, Godobi i dheere
  • Geddaas oo kaleytaad tihiin, Garashadeydiiye
  • Gar ALLEEY taqaan xaajadaan, Gabi dhacleyneysa.
  • Afartaas gantaal iyo sidii, Gumac ma liishaamay?
  • Farriintaan gariir qaad lahaa, Maydin gaarsiiyay?
  • Godobtuu lahaa ina rageed, Geed maka caddeeyay?
  • Wax dhimaale godob aanan harin, Gacal miyaan geeystay?
  • Guubaabo weeyee miyaan, Gudub u weydaartey.
  • Afar kalana googgaalahaan , Maydin garansiine
  • Garka iyo intaad soo jartaan, Shaarubbada geeska
  • Garwaaxayta shaalkiyo go’oo, Hoos guntiga tuura
  • Baddalkeedna googarad xirtoo, Kuna garaaryooda
  • Gantuunooyin qaatoo misana, Guriga noo jooga!
  • Gardaadiya carruuraha waxkale, Garanba wayseene!
  • Goobaha shirkiyo madalahana, Gees isaga bayra
  • Gar la naqiyo talo iyo go’aan, Gooni uga jooga
  • Wixii aad gabteen sabanna hore, Gaari maysaane
  • Garba saarta taariikhda waan, Idin galeysaaye
  • Gamba qaata aad Ina ragoow, Guudka dabataane!
  • Afartaas gantaal iyo sidii, Gumac ma liishaamay?
  • Farriintaan gariir qaad lahaa, Maydin gaarsiiyay?
  • Godobtuu lahaa ina rageed, Geed maka caddeeyay?
  • Wax dhimaale godob aanan harin, Gacal miyaan geeystay?
  • Guubaabo weeyee miyaan, Gudub u weydaartey.
  • Afar kalana googgaalahaan , Maydin garansiine
  • Dunidoo gu’joogtaad diraac, Nagu hor gooyseene
  • Gafuurkiyo waxaad duubateen, Jaaha gabalkiise
  • Gacmahaad garnayl holacle abid, nagu galaaftaane
  • Godka aakhiraad noo dirteen, Oodna galiseene
  • Ilmadeenna gobo’laad rabtiin, Goor kastooy tahaye
  • Gablan iyo waxaad naga dhigtaan, Guri madoobaad’e
  • Guudkaad asaay noo surtaan, Goor iyo ayaane
  • Gebi dheer baad naga rideen, Gurada buureede
  • Gabdhuhuba ineey idin dhaleen, Garawsan wayseene
  • Waxaad noogu wada gooddisaan, Mara gadaasheenna!
  • Go’i’ waaya! Ee maadinkaan, Gabinba tiinnii?
  • Afartaas gantaal iyo sidii, Gumac ma liishaamay?
  • Farriintaan gariir qaad lahaa, Maydin gaarsiiyay?
  • Godobtuu lahaa ina rageed, Geed maka caddeeyay?
  • Wax dhimaale godob aanan harin, Gacal miyaan geeystay?
  • Guubaabo weeyee miyaan, Gudub u weydaartey.
  • Afar kalana googaalahaan , Maydin garan siine
  • Gayigeenni Soomaaliyeed, Gaday raggeenniiye
  • Gabre iyo waxaad saaxibeen, Gocorro keenyaana
  • Xudduudiyo waxay nagu gudbeen, Guri qabiileede
  • Ciiddeenii xoonsan gebi, Gaalo sahankeede
  • Inuu xabash na kal gooyo baad, Guul ku sheegteene
  • Gacal baad ka dhigateen raggii, Gaarufta la haaye
  • Galleeydeenna iyo waa kuwaa, Guraya maalkeenna
  • Oo geedaheennii jaroo, Xaaluf galiyeene
  • Maandeeqna wataa gurtooy, Cagaha gooyeene
  • Adinkuna waxaad goobataan, Googa’ lacageede
  • Gaddacadaad u jiiftiin hurdada, Waadna gama’deene
  • Gablamooyin goormaad xaqiyo, Gudan xaquuqdiinna?

Waxaa curisey: Hodan Sheekh Cumar.

 

 

SHEEKOOYIN