Gabayga Waxbarasho.

ga

waxbarashada waa maanso waano iyo wacyi galin isugu jidha waxaan maansadan hal abuuray abwaan ladane cabdi taariikhdu markay ahayd 27-4-2015.

Da’da gabay markaan doonayaan caliyow dooxaaye.
Dugsigiisa kama leexiyiyo dawga maansada’e.
Waxay laabtu dihataan marqura daacad wariyaaye.
Deelqaafka kuma soo dariyo dalabta guudkeede.
Eegaan ku deeqsiinayaa damac wanaagiiye.
Bal dhageyso dihinkayga iyo dooda hadalkayga.
Aduunyadu dedaal bey wadaa dayrna aan harine.
Tartan baaba loo digarogtiyo horumar daahweyne.
Qof waliba wixii uu dirtuu doogsinkeed helaye.
La’ogaa dagaal iyo qabiil waxay dufeeyaane.
Dib udhaca inay sababayaan waala daabacaye.
Dallab iyo waxbarashaan waqeed lagu dayoobeyne.
Nin waliba wuxuu duni dhigtu dadab ku maalaaye.
Dayaxaba waxaa loogu tagay sahanka duulaaya.
Gama lagu dam yiri ma aha iyo khuuro dabadeede.
Waa dedaal rag hore geystayoo doorkan soo baxaye.
Ninki seexda dibi baa u dhalan waa daliil sugane.
Dadyoowgaas aqoomaha daldalay nama dir dhaamaane.
Dubka laguma kala roona iyo qaarad duu dego’e.
Diihaal la’aantiyo waxaas dabaq wanaageeda.
Dirir laguma hanan guulahaas danan rasaaseede.
Diiwaanada waxaa loogu daray duluc fog weeyaane.
Xaglo duuban deeq laguma helo duul horaa yiriye.
Hayaan ay dakanadiisu tahay farasku yuu daahin.
Ayun baa dulsare lagu tagiyo darajo muuq dheere.
Wadiiqadu waxay kula duntooy dogobku saadhaaba.
Toobiyaha ayay ku dadhaa sida far dooxaade.
Wuxuu uunku daalaa dhacoo dhididka daadshaaba.
Dersiyaal wuxuu daabacoo kaligi daalaaba.
Hogoshiisi waakaa darsaday uu dugaashadaye.
Dacaladiisi waakaa xiroo daaray libintiiye.
Kacaankii duruusuhu hormare daalacna idlaaye.
Nin dellegan cilmiga loo deg-degay wuu daleensadaye.
Dawliskiisi asagaa hagraday dahab la’aaneede.
Waxa la isu daba-roorayaa kabase diimoone.
Inuu diiro dhiigii lawaa xeelna uu u dego’e.
Aqoomaha dahsoon iyo dersiga diriradaa hawle.
Dabuubaha kuwaa lagu saxee maanka lagu doojo.
Kuwa dacarta kala miiray iyo dabacsaneey miida.
Kuwa sharafta daafaca hayee ruuxa darajeeya.
Kuwa dufan sidiisii qalbiga eegan lagu duugo.
Cilmiyadan lawada doonayee lagu dareeraayo.
Dugaalkale majiro oo kolkaan kabase dooroone.
Saw inaan cilmiga doonanaa dawga qura maaha.

 

Waxaa Curiyey: Abwaan Ladane Cabdi Xasan

iccibraahim@gmail.com

SHEEKOOYIN