Gabayga:Hadafsame Curiye; Cabdiraxiin H Galayr

Gabayga:Hadafsame
ga
Gabaygan Curiyey 23 Oktoober 2011 waxaana Gabaygan waxuu ka mid yahay gabayada ama suugaanta aan kaga qayb qaadanayo dib u dejinta iyo baraarujinta umada soomaaliyeed ee dhibaatada baaxada leh ee maalin walba sii fidaysaa haysato.

Ma habayn beryahan ina Shiroow, Hogaggii maansoode
Hannaankeda waa taan dhigayoon, Hilay warkoodiiye
Ha’deediyo ma helin waayadan, Gabay hilaaddiise
Hantidii Abwaankiyo ka hadhay, Hilinkii suugaane
Murtidaan habayn jiray Cabdiyoow, Hoos umaan dayine
Hirarkeeda anigoo ka hadhay, Haatuf ii yimide
Ka hinqaday hurdadii aan ku jiray, Soo hambaabiraye
Hal-abuurka maansiyo la kacay, Kala hufkeediiye.
Halka aan ujeediyo haddaan, Hadafka kuu sheego
Hawraartan maqal jaalkayoow, Ma hurto weeyaane
Hardan iyo dagaaliyo dhibbaa , Helay dadkeeniiye
Habqan iyo qaxbaa soo maroo, Heeray ehelkiiye
Hiirtaanyo ciil bay qabaan, Huq iyo dheeraade.
Hilibkoodii baa habarduugaagtu, U heshiiyeene
Haykalkii dhisnaa iyo la waa, Haybaddii hore’e
Hankii lagu ogaa maba lahoo,Hoos ayuu tegaye
Halkii lagu yaqiin duulkanaga, Wuu ka haajiraye.
Hadhcad baa gumaysigu handaday, Hanaddadeenniiye
Haye mooyee hadal kaleba, Kuma hadaaqaane
Hanaqaadkii waa hore ma jiro, Higil buurnaaye
Hawadeenna sare ciidda iyo, Badaha heelkooda
Hantideena nimaanbaa qortaye, Haysta maantaba’e
Heeryadaan shalay tuurnaybaa, Haatan na hortaale
Hadhkii galaybaa niman hub iyo, Ciidan keensada e
Hadal dhimeyey oo waynagaa, Wada hadoodilane
Haddaan iri hayaan iyo midnimo iyo, Horseed fiican
Haddaan iri hummaagii xumaha, Daayaa hadafkiisa
Haddaan iri hanaan iyo wanaag, Qaada hilinkiisa
Haddaan iri hubsiimada badshoo, Xumaha haadsiiya
Haddaan iri halaaggii dhacay, Haad Ha naga qaado
Haddaan iri hantida iyo hubka iyo, Xoogga ku heshiiya
Haddaan iri hormuud aan helnoo, Haybad iyo muuqba
Haddaan iri haraadiga hadhay, Nabad ha loo doono
Haddaan iri hurdaa ina gashaye, Orod u heensaysta
Haddaan iri hablo wiil midnimo, Horumarkeed doonaa
Haddaan iri halyeey iyo haween, Hawsha fududeeya
Haddaan iri hilmaamaay waxii, Hore inoo reebay
Haddaan iri hengelihii xumaa, Hoosta ha u raacin
Haddaan iri hubkiyo inaga dhiga ,Qoriga hawsaarka
Haddaan iri hamuuntiyo dib dhiga, Damacan heeryeysan
Haddaan iri halgaadkiyo dhibkiyo, Holaca baas daaya
Haddaan iri higaaddiyo barta, Heerarka aqoonta
Haddaan iri hawraarsan iyo, Himiladoo toosan
Haddaan iri Hammiga dowladnimo, Horumarkeed doona
Haddaan iri ma kala hadhi karnee , Heel isugu keena
Haddaan iri hacoo inaga jira, Haybta kala sooca
Haddaan iri hunguri waa xun yee, Hoos wax haw eegin
Haddaan iri hoggaan sama wadiyo , Howlkarka adeeca
Haddaan iri ninkii hadaf xun iyo, Hororka weeteeya
Haddaan iri howl waa wada jiree, Heesta kor u qaada
Haddaan iri hantaqaada ka jira, Lama huraan ciida
Haddaan iri huqdii cadow wadiyo, Diida hadafkiisa
Haddaan iri Haruur beerta iyo, Geeda wada hoora
Haddaan iri harraadkiyo ka baxa, Oonkan hadhi waayay
Haddaan iri hawada geeya abid, Calanka hoodaale
Haddaan iri hog iyo inaga jira, Dabin hulaabaysan
Haddaan iri hal mida wada noqdoo, Yaan la kala haadin
Haddaan iri hujuun baa jiree, Heegan u ahaadaa
Haddaan iri habsaan baa nahee, Horukac soo muuja.
Hadafkeenu nabad weeye iyo, Hoodo iyo guule
Hayeh dhaha hayaankaa midnimo, Horumar weeyaane
Dantiinana Hagaajoo ka hadha, Beenta hadafkeeda
Haddaanse garan lahayn heerka iyo, Hilinka aan joogno
Kana hadhi lahayn haybta iyo, Cudurkan haareeyey
Wallee horumar baan gaari layn, Heersariyo guule.
Hawraar intaan kari lahaa hadal, Wanaagiisa dheh
Habayntii Abwaan lagu yaqiin, Himilladiisii dheh
Hantidii aqoontiyo hiddaha, Horumarkeenii dheh
Hayaay iyo ka soo kacaay dadyahaw, Hiil walaalnimo dheh
Hadafkii midnimo lagu heliyo , Talo heshiiskeed dheh
Waxba hadalku yuu ila tarmine, Hooris gabayaa dheh
Halkii aan la rabay maansadiyo, Hadafkii toosnaa dheh.

Dhammaad.

Sharrax:
Magaca Ina Shire + Cabdiyoow = Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel)

Waa Qalinkii Iyo Hal abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
galayr1977@hotmail.com

SHEEKOOYIN