Gabaygi (Koonfur Afrika ) Curiye abwaan Bilaal Axmed Wali

GABAY2-250x163

Gabaygan wuxuu soo baxay 22/04/2015, kadib markii soomaali badan lagu laayey
amase lagu gubay laguna boobay xoolahoodii iyo hantidoodii.

sidaan wada ognahayna wadanka Koonfur afrika ( South afirca) Wuxuu ka mid ahaa wadamadii soomaalidu ay ka
taakulaysay siday u heli lahaayeen xornimada, kolkii uu gumaystuhu haystay, Gabaygan waxaa curiyey abwaan Bilaal Axmed Wali, waana kan gabaygu:

Gabaygi (Koonfur Afrika)
1)madaxwayne ayagoon lahayn maamul iyo dawlo
2)ayagoo mushaarada ku nool ama majaacaadka
3)madawgoo ku saaqiyo darxumomahadho saamaysay
4)midab sooca dhulkoo laga manhiyey madalka ciidooda
5)madfaciyo gumaystuhu kolkuu muran ku beeraayey
6)maydkooda ayagoon dhaqayn murugtu saaqawday
7)masagada shisheeyaha dalbada ama maraykaanka
8)marwo iyo ninkeedi kolkii lays ku wada miiqmay
9)maxadkiyo aqoonay bartaan mahadho loo diiday
10)masraciyo dhulkooday fashaan laga mamnuucaayey
11)maalin iyo dharaarteed kolkii madaxu waynaaday
12)muddo badan kolkii lagu hurdee laga macaashaayey
13)midigtooda ayagoon lahayn cid u maciinaysa
14)qaramada midoobiyo intii magaca laatiina
15)ayagoon midkoodaba helayn meel cid la ah jiifa

16)waataan muftaaxiyo u furay mararna laaluushe
17)muruqooda waataan ag dhigay maalka lagu faano
18)mooskoon u keeniyo khudaar laga macaashaayo
19)marwo iyo haween iyo intii magaca soomaala
20)abaalkooda waataan marshoon maxasta qiimaynay
21)madfaciyo rasaas miigan iyo miino qalalowda
22)malyuumaadka waataan u diray ciidaniyo moode
23)halgankooda waataan u maray mowsar iyo qiiqe
24)calankooda waataan mudnoon mahadna geeraarnay
25)aduunyadaba waatay muteen labada meeloode

26)afartaas ma’da iyo wowga iyo marinadaydi dheh
27)afrikaanka mudankaan u galay lagu maleeyaa dheh
28)madashaan ka qaadniyo darxumo mililicdoodi dheh
29)badarkaan u miisiyo galay mudantadaydi dheh
30)abwaan miigle halyeeyaan murmayn mara kaciisii dheh
31)afarkalana waxa aan mutiyo mudanka qaybtay dheh

32)malaaq iyo cuqaal iyo intii maamul iyo dow ah
33)masuulada dhulkoodiyo intaan lagaba maarmaynin
34)waakaa dukaanada maroo mahadho boobaaya
35)ubadkayga waakaa marshoon qaxarka moodsiiyey
36)madfaciyo dagaalkiyo colaad muranka yeeraaya
37)maalkayga waakaa ka dhigay mudan la qaybtaaye
38)makhluuqay gubaayaan dhamaan maalin iyo laylba
39)waakaa aduunyada martiyo midiyo qaaraade
40)mid wax dila midaan ka celin kuwow maciinaaya
41)masalkooda waakaa ka dhigay muruq la tuujaaye
42)alahayoow adaa maaligoo maamul taliyaaye
43)adigaa aduunyada madd dhigay laga macaashaaye
44)adigaa musiibiyo wanaag mawlahoow haga e
45)muslimiinta duulkaa ka qabo magane laynaaya

tarikhda:22/4/2015
curiye:abwaan bilaal axmed wali

SHEEKOOYIN