Gacaladeey haddaan guursaday ma gef baan galay?! Q1AAD Bashiir M. Xersi

11356261_10204470325014702_325041519_n

Gacaladeey haddaan guursaday ma gef baan galay?! Q1AAD

Waxaan ahaa ardey xoogga saara, sara u qaadidda aqoontiisa iyo siduu u kobcin lahaa garaadkiisa ogaaleed. Galab anoo ka soo rawaxaya dugsiga sare, ee Ganacsiga iyo Xisaabadka ayaan is barannay gabar la yiraa Mudan.

Mudan waa gabar da’yar, amusnaan badan, howlkar ah, shaqeysata, haddana, waxbarata, sidayda oo kale. Inta badan waxaan ku wada xariirijirney qadka taleefanka maalin iyo habeen, oon ku haasaawi jirnay.

Waxaan ka go’ay bulshada inteedii kale, oo waxaan u gooni noqdey Mudan, maadaama ay si walba ii qancisey.

Waxaan xasuustaa inaan bishii ugu horraysay, ee xiriirkeenna, aan ku hadalney lacag gaareysaa 950 Doollar, intaas iyo in ka badanna, Mudan wey igu bixisey, oo wayga jeeb rooneed, igana dhaqaale fiicneed, ha yeeshee, iima muujin hantida ay haysato, balse, waxaan ka heley, waxaanan waligey ka helin dumarka intiisa kale!

Sheeko wadaag anaga oo ah, lix bil ka dib isbarashadeennii, ayaa waxaa geeriyooday aabbeheed, oo u ahaa jaalle iyo wadaay, mar iyo wax walbana ay kala tashato, sidii ay u maarayn leheed. Maalintaa waxaan la qeybsadey murugada iyo mashaqada ku dhacday, gacan iyo garabgalna aan u noqday. Geeri lama celinkaro, haddana, haddaan cududdeeda lahaan lahaa, waan ka cabbin lahaa.

Shukaansi, sheeko iyo shaahiyeyn ka dib, Mudan, ayaa waxay ii soo bandhigtay guur, igana codsatey inaan lammaane la noqday, si aan u wada qaybsanno nolosha, maadaama uu aabbeheed ifka ka tagey!

Inuusan guur sahlanayn waan ogaa, aqoon fiicanna u lahaa. Sidaa awgeed, waxaan kala soo tashtay walaalkeey iga weyn, aabbe oo kalana ii ah, ahna curadka hooyadey Idil, korriimadaydii iyo waxbarashadaydiinna gacan mug leh iyo ka gastay gargaar wacan. Walaalkeey Mahad, wuu oggolaaday, nalka cagaarna ii shiday, in aan hore u galno guurka.

Waan ajiibey codsigii Mudan, oo waxaan wada saxiixannay, qalinkana ku duugnay, inaan ka gungaarno xiriirkeenna, guur xalaal ahna yeelanno, aqalna aan yagleelno.

Hal bil ka dib, waxaa i casuumey hooyadeed Xasiino, oo ogeed, warna u haysay xiriirka naga dhaxeeya gabadheeda Mudan. Waxey ii sheegtey hooyo Xasiino in gabadhan gabadhii ka weyneed lala baxsdey, oo lala tagay, lana meher xaday, igulana dardaaran tahay inaanan sidaa oo kale yeelin, ee aan waddada wanaagsan iyo dhabbaha suubban soo maro! Waan ka aqbaley, anoo muujiyey sida aan uga xumahay in gabadheedii lala dhuuntay, una ballanqaaday inaanan la mid noqon doonin wiilkii hore, ee gabadha masaafaystay!

Erayada hooyo Xasiino, mar waxay iila mid ahaayeen madfac la igu ganayo iyo hoobiye la igu ridayo, waran iyo mudac la igu mudayna iiga darnaayeen, toorreey, faas iyo iyo godin la ila dhacayana iiga xanuun badnaayeen, halka ay dhanka kale, ii ahaayeen in aan helay fursad kale, oo aan ku kasban karo kalsoonida hooyo Xasiino iyo gabadheeda Mudan, haddii aanan sidii hore u dhacday aanan u dhaqmin, iina eheed awood iyo xoog aan ugu sii dhiirrado inaan ka miradhaliyo guurka Mudan, maadaama uu walaalkey Mahadna ila aqbalay.

Aniga iyo Mudan, waxaan isweydiinney; goorta ey ku habboon tahey guurka iyo sida aan isula qaabeynkarno. Waxaan go’aansanney in aan ka dhiganno marka ay iskuulka dhammeyso, inta ka sokeysana aan sii tabaabusheysanno.

Iskuulkii ayaa ku dhaawadey gabagabo. Waa bishii shanaad ee sanadkii farxadda. Sanadkii aan ku lahaa sanaddada. Sidoo kale, waxaa dalka dib ugu soo laabtey walaalkeey Mahad, oo dibadda ku maqnaa. Waxaan u bandhigey taladii ay ii soo jeedisay Mudan hooyadeed iyo go’aanka aan wadaqaadannay aniga iyo Mudan, wuuna iga aqbaley. Wuxuu i weydiiyey; qorshaha aan wadanno, waxa noo diyaarsan iyo habka aan rabno in loo galo ama loo maareeyo guurkeenna. Waxaan si wadajir ah ugu sheegney in uu aqalkii, jiif iyo macuunba diyaar noo yihiin, oo aan isaga kaliya ka rabno inuu qaabeeyo odayaashii hortagi lahaa Mudan waalidkeed iyo sida uu gabadha iigu dooni lahaa.

Mahad halhaleel ayuu u guddoomey, qarasho wuxuu hayo ayuu na tusey, ka dibna, Mudan ajar badan Alle ha siiyee, ayaa waxay ku dartey waxoogaa lacag ah, mahad badan ha ka gaarto iyo abaal aanan illaabine.

Xaajo duni iyo xaal adduunba, sida aad rabto kuuguma socdaane, anagoo ku mashquulsan qabanqaabadii guurka iyo aqalgalka, ayaa waxaa dhacdey in maalmihii ugu dambeeyey, ee arooska, iney carqalad ka timaaddo gabdho la dhashey Mudan, balse, aaqirkii aan ka guuleysanney caqbaddoodii, arooskii iyo aqalgalkiina uu dhacey maalin Khaamiisa.

Toddobadii markaan ka baxnay ka dib, galabtii Shaash saarka, ayaa waxaa dagaaldhexmaray gabdho ka kala socday labada qoys, dagaal laba dhinacle ah, oo uu seeddigeey xabbad ka kor ridey dumaashidey, oo uu qabay curadka hooyadey Mahad.

“Waryaa, qoriga dhig, xabbadna ha ku ridin, waa dumaashideeye!” ayaan ku iri seeddigeey.

“Seeddi cafwan, aqoon uma lahayn, balse, waan kala cirdeeynayey” ayuu iigu warcelshay.

Dhacdadaa ka dib, waxaa shaqadooda qabsanayey xuma u jooggii ku midoobey duminta aqalkan qimaha badan, ee lagu taagey isfaham, kalgacal, dareen iyo dooq.

60 cisho ka dib, waxaan ka soo guurney aqalkii aan ku aqalgalnay, oo waxaan dagney guri ay leheed Mudan hooyadeed Xasiino, waana halka uu ku aasmey gurigeennii quruxda badnaa!

Waxaa batey caraqaladihii, oo waxaan waayay waqti aan xaaskeyga kula qaato waayaha nolosha.

Nafta samaha loo diidey 

Sinnaba waa u dagi wedey!”.

Anigu dhib uma arkin, balse, culays ayaa yimid aad u weyn, oo ka yimid, xagga dhaqaalaha, oo loo arkay in aan ku noolahay dhaqaaladeeda, oo la yiri; wuxuu biishaa, baartaa, oo ka faa’iidaystaa gabadha hantideeda.

Fisha qaybta xigta, ee qormada.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

SHEEKOOYIN