Gaso, ganuun, Gasiin (Q.4aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso, ganuun, Gasiin (Q.4aad) 

pizap-com14733349429952

Sheeko, sheeko Sheeka Xariir!

Minaad si kale u dhigto ama aad dhinac kale ka daymooto, waxaan muran lahayn in reer Jabaq ahaayeen sabool soo barakacay, mar haddii hantidooda adduun ku koobneyd qaalin lo’aad—runti waa sac– iyo hebed-ri. Saccu, sidi aan soo sheegnay, waxuu ahaa mid aan gurin, markastana caano dhaay ah laga liso. Waxaa taa loo nisbeeyay mucjiso madax iyo maan aadmi ka weyn. Saas darted, ma aha in aan isku hawlno sababta saccu u guriwaayay. Ama, haddii aad doonto, waxa saca madow caanihiisu u cad yihiin. (Inta aanan hilmaamin, weligaa ma ka fekertay waxa “sac” oo dheddig ah loo siiyo qodob lab ah. Waxaan iri “caanahiisu”, inta aan siin lahaa qodob dhedig oo aan dhihi lahaa “caanaheeda.” Macallin Nuuriyow oo ahaa macallinkaygii fasalka sagaalaad ayaa qodobkaan si qeexan ugu sheegay buuggiisi koowaad ee Af-Ingiriiska lagu qoray oo Soomaali ku noqon kara: “[ka ama ka timid] Feer Qalloocan.” Haddana marka aad dulmineyso dhedig dad ama duunyo waxaad tiraa, “saceey.” Aan taa u dhaafno xeeldheerayaasha naxwaha lafagura. Waxaan filayaa in mar dambe dib loogu noqondoono wax badan oo turxaan bixin u baahan, si loo aslo af-qaran oo sal ballaaran leh, si simanna loo boqro minhaj cusub oo yagleela walcan horleh. Madasha lagu murxaanbixin doono naxwaha afka, laguna jaangooyndoono tusmada iyo tayada reerka dhalandoona, waa in ay ahaataa mid ka reeban cantoobsi ama xantoobsi. Raalli ahaw, marmar waxaan galaa waxa aan sheekadaba la socon. Waa talaxtag aan qiil loo hayn. Marka, aan halkaan ku hakiyo faallo beeraleyda. Sheeko baraley. Sheeko Baraley, Sheeko Sheeko sheeko Baraleey Shacni badanidaa..Cabdow berisamaadkii //..mase Sheeko baraleey //kaftan laysla beegsado//ma baraarugtaayoo//boholyoow ma ooydaa??) .

Reer jabaq ayaa guuro ama dheelmad Xamar xaggiisa ugu soo baqoolay. Odayga reerka waa nin meel dhexaad ah, da’ iyo dhirir ama dhererba. Waa maarriin aan fildarneyn, foolkiisase laga dheehan karo feejignaan culus oo ku abuurta aadmiga walaac uurka laga gubto. Waxuu reerkiisa u ahaa duddun aan dareen laheyn, dugaal dhib iyo dhaxan oo dhan laga dugsado. Hooyada reerka ayaa iyaduna ahayd qof joog iyo jamaalba loo dhameeyay. Waa ay ka sheegnayd tuulada iyo nawaaxigeeda. Waxaa kuu muuqatay in ay beri aheyd haween boqorad ah. Waxay lahayd cirrid madow oo lagu xardhay ilko simman oo marka ay qososho sii bila bilicdeeda. Waxay ahayd mid yaraanteedi garatay dheefta laga helo maradhaarinta ama tashiilka iyo dhaquurinta. Waxay ku barbaartay dhegeysiga murtidii Gobeey ina Biyow Yerow oo ahayd: “Adiga iyo tanaadnimo taakaa nii dhaxeyso/ To’ ha kuugu taalo/To’na fiiqow ku haay.”

Waxa reer jabaq ay ku soo gaareen sida ay ahaayeen xeelada iyo fekridheeridi hooyada guriga. Ilmo waa guriga ay ka yimaadaan. Reerkaan isaga ah, waxaa curad u ahaa Jabaq. Kuray reerkiisa taakuleeya, ka damqada dhiifta iyo nolosha adag ee reerkiisa la soo gudboonaatay. Waxuu ahaa igaar aan caasi aheyn, una beernugul hadalka ama weerta waalidkiis. Marka odaygu saca soofiyo oo meel caws leh la doono, hooyana xaabo gurbis iyo dhamcaso abuur u hayaanto, waxaa ilmaha haynjiray Jabaq. Waxaad is dhihi kartaa waxuu Jabaq ahaa waalid aan wax dhalin, walaal kobocsan oo sida waalid ula dhaqma afarta sebi ee ka yaryar. Waxaad arki kartay usugoo shafka ku haaya muluqa cidda, kuna luqeeya heesti hooyadiis isaga ku hurdin jirtay marki uu nuunaha ahaa: “Hobeey, hobeeya/Hooyoy maxaad weysey oo aad la waalan/Hooyooy, maxaa wiiwiida kuu leh/Hobeey, hobeeya.”

ar kalena waxaad sheedda ka arki kartey Jabaq oo biyo can muggoodaa ku sassaba mid yar oo weli beejadii ku taal. Waxaa usuga in yar ka roonaa mid bilo ka hor buuryadi laga jaray. Labada wiil waxaa wehliyay labo gabdhood oo tan ugu weyni ahayd toban jir, tan xigtana siddeed jir. Haddii aadse aragto iyaga oo isla jooga ama wada socdaba, waxaad u qaadaneysay in ay mantaano ama mintaany ama mataano ahaayeen. Labaduba waxay lahaayeen timo yaleex ah, oo, sabab kastaba ha ahaatee, u muuqday in aan weli yixdi laga xiirin ama laga jarin. (Tuulada ay deganaayeen ayaa dhaqan u laheyd in yix-xiirku ahaado madal mudan dabbaaldeg, xoolana lagu qasho.) Labada gebdhood ayaa kaalin muhiim ah kaga jiray taakuleynta iyo isku-haynta reerka. Waxaad arkaysey midda roon oo ri’da ku hawlan, lana raadisa laan qoyan. Waxay si aan caadi ahayn u taqaanay meesha laga helo geesariyoodka iyo dhirta kale oo jirriddoodu dhulka hoose ku aasantahay. Dhirtaan ayaa mar walba lagu baxsadaa, oo marki ay dhii’gaarto laga helaa wax naftu ku dhursugto. Waa dhir aan dhacaankoodu dhammaan. Waxay buruqda dhirtaani gelisaa san ku neefloo dhan jibsiin ama yiddidiilo ama hiddidiilo iyo hami hor leh. Waxay gabadha weyni sidoo kale tiqiin sida dhulka hoostiisa looga soo faago gasangaska, oo sabab u ahayd in calalada ay xirnaayeen had iyo jeer nadiif ahaadaan. Tan yari waxay ahayd mid inta badan wehlisa aabaha reerka marka uu soofinaayo sicci cidda oo dhan dushiisa ku dangiigtay. Isku soo duub oo waxaad arkeysay reer si qumman isugu xiran, oo aad ka yaabeysay qaabka qorshaysan ama u dheelitiran oo ay hawlaha rigliga ahi ee qoyska u wada dadaamin ama dilindileyn jireen. Ood qaadid iyo jiidid waa isla guri geyn. Waalidku waxay aad ugu hanweynaayeen tisqaadka labadooda gabdhood.

Waase adduun iyo xaalkiis. Dani waa ma seegto. Ruunkii abaaraystaa sii jog maleh. Waxaa inta badan kob lagu negaadaa marki ay bad iyo biyo nafta lagu maaweeliyaa ka ag dhowyihiin. Naq raaccu maaha in aadmigu naco meeshi ay ku dhasheen. Noloshaa ku bada; naftuna, waa tii la yiri, orod ayay kugu aamintaa. Reer Jabaq waa kuwi cagaha ka jiidey in ay ka soo hilhishaan tuuladi ay degganayeen, weliba iyagoo aan deris ka ag dhoweyn. Waxay tuuladu ahayd, sida aabaha iyo hooyada reerku marar badan ku celcesheen, meeshi ay xundhurtooda ku duugneyd, oo ahayd meeshi ay addunkaba ka soo galeen.

Talaase ku caddaatay. See looga guuraa kobti ay ku aasnaayeen walcankaa? Haddana waxay reer Jabaq is-tuseen in walcankuba ku farxilahaa haddii reerka la ceymiyo. Waxaad maanka u leedahay in aad tab cusub la immaankarto marki ay kula soo deristo ifafaalle aan walcankaa la soo dersin. Dantaa ku barta, kuna bada, in aad wax allifto. Al xaajah ummul-ikhtiraac. Necessity is the mother of invention. Af-qalaad aqoonta miyaa? Af qalaad aqoonta miyaa? Waxay noloshu kugu kalliftaa in aad nakhtiimiso tab ama xeelad hore oo dayro noqotay ama u baahan guffayn iyo malaas horleh oo habaysan. Waxay reer Jabaq dantu ku kalliftay in ay ka xaabxaabtaan wixi ay lahaayeen, goor dhabbar ahna ka guuraan kobti ay ka soo gaareen isirkood.

Dheelmadku kala dhib badan. Waxaan fududeyn saq dhexe oo la guureeyo, adigoo turuq iyo tigaad midna ku wehlin, oo weliba muluqyo iyo ilmo daadihintoodna kuu sii dheertahay. Waxaa intaa reer Jabaq ula jiray iyaga oon haysan rarey wax la saarto, ama jiscin nuxur leh. Waxa keliya oo ay wateen cambuula yar oo citin ama hambo ah, waxoogaa subag sixin ah oo ku jiray tebbed aamburan, iyo biyo ku jiray buraashad laga dhaxlay dagaal beri Reemaal ku jebshay kolonyo uu la socday Doorshaan ina Saancaddaale. Waxaa intaa u la jiray falfaliir, hamuu iyo diir gacan mugged ah oo aan weli la bislayn. Diir. Digir. War yaqaan ina Afrax-yare ayaan ka maqlay murtidaan: “Dadka diir ow yiraa/Anna dahab aan iraa/Intaan daawga la gaarin, I soo diigsatooy!”

La soco Q.9aad
W/Q.Prof.Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.