Gaso, ganuun, Gasiin (Q.5aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

pizap-com14733349429952

 Gaso, Ganuun, Gasiin Q. 5aad

Sheeko, sheeko Sheeka Xariir!

 Dheelmadku kala dhib badan! Reer Jabaq ayaa hiraabti dambe ku soo dhowaadey meel aan ka fogayn War Awliyo. Meeshi ayay ka goobaabteen wax leh hindise waab. Dhib aan yareyn ayay soo mareen. Odayga waxaa marna tunka u saarnaa ri’di, markalena, cunuggi markaa daalku soo jilciyo oo shagcad ama saanta qaadiwaaya. Hiindadi reerka ayaa iyaduna xambaarsaneed yiciski ama muluqi cidda ugu yaraa. Waxay xirneyd maro baatiya oo garxir leh. Inta ay rogmatay ayay ka xaarxaaratey  meel ay yiciska dhigato. Dhibka iyo diiftu waxay ku baraan in aad iska giijiso hagardaamada nolosha. Waxay kobti ka dhigatay meel reerkeedu ku daal gooyo. Hooyadi ayaa haddana la soo baxday dhiil haraambur leh, markaas ayay caano yar ku shubtay haraamburki, kuna habtay muluqi. Odaygi ayaa isaguna inta salka dhulka dhigtay bilaabay in uu labadii gebdhood midba mar u daliigo canqawga.  Jabaq ayaa u xaytay in uu doondoono qardhow ama caws curdun ah oo la siiyo sacci iyo ri’di reerka. Waxaad moodeysay in ay is kala hadlaayeen indhaha iyo laabta. Aqool iyo agaasin mideysan!

Jabaq ayaa kobti ciddu salka dhigatay waxooga ka fogaaday, usuga ama isaga oo baad raadis ah. Aakhirki waxa uu helay geed caleemo caws u ek leh. Haddana agagaarkiisuu fiiriyey, asow arkay caws dhulka daadsan. Balse marki ow is yiri haabo, ayaa waxa uu sheedda ka arkay labo libaax oo harqooqa. Cabsi yar ayaa gashay. Haddana labada libaax uma ekeeyn kuwa duullan ah. Waxay Jabaq ula ekaatay in ayba wehel u ahaayeen. Cawski ayuu soo xambaarsaday, una soo saanqaaday meeshi ay ciddu tiil. Labadi libaax ayaa hareerada ka soo galay, iyaga oo haddana kobbo u jira.  Usugoo weli dareen qaba, asii aan naxdin muuqata foolka kaga aalin, ayuu dhinaciisa midig ka arkay geedo isugu jira qanboob, kobash, deegaan, murcud ama murcood, mareer, docol, yicib ama jicib, muryood, iyo geed gobeed degaankaan koonfurtiisa aad uga baxa. Wixi uu soo haabhaabo karo ayuu faraqa ku soo shubtay. Libaaxyadi ayaa weli hareerada ka taagan, iyaga oo aad mooddo in ay ahaayeen ilaaladiisa gaarka ah. Mar labaad ayuu dhabbaha ku soo dhacay. Libaaxyadii ayaa kobti ay ciddu fadhiday meel u  muuqata dhacadiidsaday. Jabaq ayaa hiindadiis u dhiibay muruhi faraqiisa ku jiray. Waxuu haddana u dhaqaaqay meeshi sacca iyo ri’du tuksanaayeen ama fadhiyeen. Cawski ayuu si naxariisi ku jirto u ag dhigay. Waxaad moodaysay in ay ahaayeen weyl ama qaalin iyo hooyadeed. Labduba weligood lama dabrin.

Waxuu u soo noqday meeshi ay reerku fadhiyeen. Hooyadi cidda ayaa falfaliirki iyo cambuuladi citinta aheyd ku aqooshay sabar iyo sed niyo. Jabaq ayaa ku dhiirageliyay waalidkiis in ay indhaha gaduudsadaan. Weli waxuu ka tuhun qabay libaaxyadii labada ahaa, oo aan meel qaarka ka fogayn ka soo dangiigay. Waxuu ka gaabsaday in uu welwel hor leh geliyo ama ku abuuro labaddiisi waalid. Hooyaa dhinaca dhulka dhigtay, iyada oo laabta ku haysaa muluqi cidda. Odaygi ayaa isna dhacadiidsadey.

La soco qaybaha kale

W/Q. Prof.Cali Jimcaale Axmed

SHEEKOOYIN