Gaso Ganuun, Gasiin (Q12aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

pizap-com14733349429952

Gaso Ganuun, Gasiin (Q12aad)  

Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!

Odaygi ayaa dhulka ama hoos fiiriyay, oo haddana wejiga kaduuday. Waxa uu isku dayey in uu maankiisa garadsiiyo mugga iyo muraadka halbeegsiga u noqon karay eraydi igaarku iska soo daba tuuray. Xow yahay kacaan? Xuurkuse xow ula jeeday? Waxaa jalaf ku soo yiri wadarta meel ee loo jeedikarey erayga naftiisa. Waxa uu xasuustay iida ama iyada oo la yiraaa, “Hebel iyo heblaayo ilmahoodi waa keceen,” oo loola jeeday, waa koreen ama qaangaareen. Haddana waxa uu xasuustay in tuuladi Saciid Maxaad Raage laga dhihijirey, Daruuraa kacay,” oo looga jeeday in lagu cabbiro roob soo curtay. Odaygi ayaa igaarki deymo kale u celshay, isaga oo u riyaaqaaya erayadi ow soo tuuray, asii uusan hubin in wiilku fahmay dulucdooda.
“Maandhow, kacaan xaad u taqaannaa?”
“Waa marka ay bulsho gadooddo ooy ka dhirifto heeryada dul saaran. Waa kacdoon duul la dhibay oo sedkoodi la daffaray ama la inkiray ay ku soo xaqdhacsadaan. Waa u kicitaan xuquuqdaadoo loo kaco, oo la diido kac iyo kir aan la muteysan.”

Odaygi ayaa wiilki mar seddexaad deymo kale u celiyey. Goorba waa yaqaan waxa ow ka hadlaayo, ayuu laabta iska yiri. Shimowse bartay, yaase baray, waa yaabe?
“Maandhow, intaad ka baratay amaad ka maqashay inta aad sheegtay?”
“Buugtey ku qoranyihiin. Waa kan fiiri …buuggaan ayaa ka hadlaaya noocyada bulsho kacaameedyadi adduunku soo arkay ama soo maray.”

Odaygi ayaa indhaha la raacay baalashi wiilku gedgedinaayay ama rogrogaayay. Madmadoobe Allaa ku yaqaan, ayuu hoosta ka yiri. Wiilki ayaa gartay in odaygu uusan wax akhrin karin.
(“Arrooy, arreey, ii kaadi. Kanna karkabadaan ku nacay.” Akhristow, ee dul qaado, waxaa hoosta ka guuxaaya kan sheegta in ow sheekada qoro. Waxa uu i leeyahay sheeg in ay ceeb tahay in uusan wax akhrin Karin ruux ku abtirsada ummad eraygi ugu horreeyay ee loo soo waxyiyyo rasuulkoodu yahay “Iqra’.” Maxaa tiri, “xaggee wax si ka noqdeen?” Waa su’aal mug weyn, waajibna tahay in la isweydiiyo. Waa su’aal da’weyn oo maskaxda iyo madaxaba daalineysa. Waa runtaa in ay haboontahay in la baadigoobo dabka dhaxamooday, goortow dhaxamooday, iyo in ay suuragaltahay in magmaaggiisu markale dhimbilo nool dhalikaro. Ilama aha in aan wax isku diidannahay. Waxa aanan jecleeyn oo keliya qaabka haruufka ah ee aad ii qalindaarto. Xikmaddu waxay ku fiicantahay in loo dhiibto si ay ku jirto tixgelin iyo is-ixtiraam u dhaxeeya labada maan isweydaarsigu ka dhexeeyo.)

“Adeer, waxaa ii muuqata in aadan wax akhrin. Waxaa jira goobo wax laga barto oo habeenki la dhigto. Haddii aad doonto waxaad iska diiwaangeli kartaa goob aan mahaan ka fogayn. Minaad waqti heysana, anaa hadda ku geynkara.”
Odaygi ayaa ka cudurdaartay, wiilkina u sheegay in ow sii soconaayo. “Mar kalaad i geyheysaa, minow Eebe idmo.”
Waxa uu soo aaday xaggi ay joogeen reerkiisa. Waxaad moodday in uu luudaayay. Mar ow u soo dhowyahay mihi ay ciddu joogtay, ayuu maqlay qosol ka soo baxaaya meel luuq ah. Isha ayuu la sii raacay. Waxa uu arkay wiil iyo geber haasaabaaya ama is-xodxodahaaya. Waxaa dhegtiisa ku soo dhacay wiilki oo leh,” Abaayooy, adduunka oo dhan waxaan ka dhex arkaa labadaada indhood …”
Odaygi ayaa dhegta kor u taagay. Haddana waxa uu maqlay igaarki oo isla inti ku celcelinaaya. Raynrayn aan la aqoon meel ay salka ku heyso ayaa odaygi harqisay.
“Maandhow, ma runtaahaa in aad indhaheeda adduunkoo dhan ka dhex arki karto? Mase, waxa kuu dhow oo keliya aad indhaheeda ka dhex aragta?”

Wiilki ayaa qosol la highigleeyay. Odaygi ayuu kor iyo hoos u deymooday. Waxuu qosol-dadab ula hadlay gabarti, odayguse ma maqal waxa uu wiilku hoosta ka sheegay. Isaga oo weli faajafaajoonaaya ayuu si kulul oo yiri, “Badawyahow, waxaa loola jeedaa isticaara ama metaafuur.”
“OO xey yihiin, maandhow?” Odaygi ayaa hoos u yiri, “Ruux samaanyo laga bixiyey uma eka. Xaa istijo meesha keenay?”
Wiilki laga waa’ jixinjixo. Geberti ayaa tiri, “U debci, nooh? U sharax, nooh?”
“Adeer, dhabarka i tus.”
Maandhow, kolleey weertaada ulama jeedid in aad dhabarkeyga aragtid ee, waxay kaa tahay sarbeeb. Waa kuu jeedaa in aadan ii hayn jawaab.”
“Isticaara ama kinaayad ama metaafurna waa sidaas oo kale.”
Odaygi ayaa qoslay oo yiri, “Aragtidaada adduunkana waa sidaas miyaa, oo waa sarbeeb?”
“Whatever.”
“Xaa warriiqna meesha keenay? Dhur lahaaw, maandhow. War san.” Odaygi ayaa u sii hilhishay rabti ay fadhiyeen reekiisa.

La soco Q.17aad
W/Q. Prof.Cali Jimcaale Axmed
ali.Ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN