Gaso Ganuun Gasiin (Q18aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

pizap-com14733349429952
Gaso Ganuun Gasiin (Q18aad) 

Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!

Sannado badan ka dib ayaan fahmay wixi Aw Bootaale ka hadlaayay. Kierkegaard oo ahaa feylasuuf reer Denmaarka ah ayaa yiri, “Nolosha sideedaba tiigsaad u noolaataa, si aad u fahamtose kadaalaad u dhugataa.” Ma hubo in aan si qurxan u tarjumay hadalkiisa. Macnahuse waa sidaan: noloshu waa orod oo inta aad ordayso wixi kaa horyimaad ayaad qabataa. In aad garatase waxay u baahantahay dib u milicsi aad gadal u daymooto wixi dhacay. Waxaan muddo aan saa u fogayn akhriyey buug la yiraa Tristes Tropiques oo uu qoray Lévi-Strauss-ki Faransiika ahaa, oo lagu tirsho in uu haa aabaha xaraka cilmiyeed lagu magacaabo “structuralism.” Waxa ow ahaa nin wax badan ka qoray bulsho weynta asal ahaan lahayd Qaaradda Mareykanka, khaasatan kuwa dega Kaymaha Amasoon ee Braasiil oo af-Ingiriisiga lagu yiraa, “Amazon Rain Forest.” Waxa uu ahaa nin darsay, wax badanna ka qoray cilmiga uu ku takhasusay ee la xiriira Culuunta Insaanka ama Aadamiga ama “Anthropology.”

Buuggaan, aan ku magacawnno “Lammo Ta’lle ama TT”, ayaa xambaarsan sheekooyin ku saabsan nolosha qoraaga iyo safarki ow ku tegay dhulka ay degaan qabiilka lagu magaacabo Nambikwara oo ka mid ah qabaailka dega Kayma Roobleeyda Braasiil. Ma rabo in aan kaaga sheekeeyo wax dad kale qoreen, balse aan isku soo kobo waxa buugaan ku jira oo dib ii xasuusiyay iskudhici Koorba Nuuda iyo Aw Bootaalihi ku dooday in ow ka soo jeedo duul nasiib u helay in ay akhriyaan faraha ay xarxariiqaan dad iyo duunyaba. Lévi-Strauss ayaa buuggiisa ku qaadaadhigaaya wax u muuqda in ay tahay soo ifbaxa dhaqan qoraal oo u gaara qabiilka ow martida u ahaa. (Waa qabiil, sida qabiiladii meelihi la gumaystay, ku caanbaxay soo dhoweynta iyo martisoorka.) Waxa uu dadki u qaybiyay qalmaan iyo buugaag wax lagu qoro. Maalinti dambe marki ow weydiistay in la soo tuso qabiil kale oo la deris ah kuwi uu martida u ahaa ayaa beeldaajiyihi horboodayay qabiilka Nambikwara bilaabay in ow wax qoro: waxa uu qoray xariiqmo galgaloolan. Markaas ayuu u dhiibay feylasuufki martida u ahaa. Cilmibaarihi ayaa indhaha ka mirigmirigsiiyay. Talaa ku caddaatay. Haddii ow yiraa ma garan waxa aad xarxariiqday, waxaa ka immaan karay cawaaqibxumo, oo beeldaajiye dhirfaa waa dhib badanyahay. Hadduu indho adeego ow isu ekeysiiyo in ow fahmay waxa looga jeeday sadro galgaloolan, iyana waxay abuurikartay dhib hor leh oo saameyn aan yarayn ku yeesha is afgaradka isaga iyo beeldaajiyaha iyo reeki ow matalaayey. Muddo ka dib, Feylasuufki ayaa isna xarxariiqay sadro galgaloolan. Beeldaajiyihi ayaa dhoolla caddeeyay oo qalinki iyo warqaddi is dul saaray. Maalintaa wixi ka dambeeyay waxaa labadii nin caado u noqotay in fikirka ay isku dhaafsadaan sadro galgaloolan. Feylasuufku waxa ow is yiri adigaa aabe u ah dhaqan qoraal oo ay Nambikwaruhu yeeshaan. Haddana waxaa dhaqankooda ku jira eray lagu cabbiro farta qoran: jekariukedjutu oo macnihiisu yahay: sawirid ama naqshid sadro ama xariiqmo.

Waxa iga maqan sidi aan isu waafaji lahaa labadaas arrimood: anaa aabe u ah aslidda far qoran oo uu qabiilku yeesho iyo erayga ku jira afka Nambikwaraha oo tilmaamaya far qoran. Balse, adigaan kuu deyhaayaa in aad calaliso ood ruugto. Waxa keliya oon kaa codsanaayaa in aad wixi kaaga soo baxa tuujinta iyo rogrogidda arrimahaas aad nala soo qaybsato. Waxaan aniga oo ku hadlaayo magaca qoraha kuu ballanqaadaayaa in aan isku dayidoonno in aan ka sii fikirno. Waxa aanan weli rogrogin waa sidi aan isu qabadsiinlahaa afarta wax ee udub dhexaadka u ah labada sheeko: Dooradi uqqa ahayd iyo Aw Uurkubbaalle oo dhinac ah, iyo Feylasuufka Fransiiska ah iyo Beeldaajiyaha qabiilka Nambikwaraha oo dhinaca kale ah. Maxaa xiriir ah oo ka dhexeeya? Maxay wadaagaan? Maxay la wadaagaan dhiggooda kale oo ku daadsan dunida dacalladeeda? (Waxa qoraaggu can ku yahay su’aallo weydiinta, waase laga badshaa jawaab bixinta. Marka noo dul qaado.)

Jabaq aabihiis ayaa isha la sii raacay raggi ow ninku ka sifeeynaayay. Macallin Calasow oo xirna sabarhindi Ban-Calawi ah ayaa fallaarti tuuray. Waxa ow ahaa nishaab yaqaan, muddo dheerna ka dhex muuqday goobaha lagu dheelo kabdhoodka. Waxaad u qabtay in fartiisa mudursato lala jiray: marka ay bahoobaan suulka, waxay wacdaro ka muujinjirtay qorista far Carabiga naqshadeysan; marki ay bahoobaan iyada iyo fardhexo iyo suulgembarna waxaa lala fajacijiray nishaabka aan marna geffin kobti loogu talogalay. Haddana mudarsato waa qalabka loo adeegsado far fiiqqa waxa ama qofka qaldan. Ma aqaan meesha ow qoruhu ula socdo hadalkaan, laakin, ma istiri: far fiiqqu waxow taabbo galaa marka mudarsato oo kale la hindiso isbahaysi huffan oo habsami leh. (Maxaay? I kaadi, bal.”Maya, anigaa ku darsaday inta dambe hadalka.” Qoraagaa i weydiyay in aan kuu sheego in ow bar’ii ka yahay faallada aan ku qabtay hadalkiisa.)
Jabaq aabihiis ayaa yiri, “Xow Macallin ku yahay?”
“Xowsan ku aheyn,” ayaa ninki afka ka soo tuuray. “Wax walba waa yaqaan. Af Carabiga kolleey ku tahay waa ku gabyaa.”

La soco Q.22aad
W/Q. Prof.Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.