Gaso, Ganuun, Gasiin Q1AAD & Q2AAD W/Q: Prof.Cali Jimcaale Axmed

Gaso, Ganuun, Gasiin Q1AAD_Q2AADpizap-com14733349429952

“Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir! ” 

 

Gacan aan la aqoon kula tagtay! Maya, mid aan loo jeedin kula boodday. Maya, tuf iyo dabeyla xagaa ku bax!” Dadki hadalka maqlaayay kuwa ka midihi ayaan wax weyn u qaadan waxa u ekaa in ay aheyd inkaar aan guri lahayn.Qaar kale oo goobta fadhiyay ayaa ka muujiyay cabsi iyo dareen inkaar is-naci hore kordhisa, ama mid horleh hafisa. Maqalkaa nactar! Yaasiinka iyo burdaha! Kaa megen!Waxay ahayd barqo cadceeddu weli si aadihi u soo duxin, balse ka muuqatay, ama u ekeyd, in kulaylkeedu soo tarmaayo. Dadki meesha fadhiyay ayaa hawlahoodi u kala baqoolay. Ganacsato iyo gedisley ayay u badnaayeen. Kuwaas oo subax walba u baqoola inay dhoobada caano u beddelaan, si dadkoodu ciil iyo cabsi soo jireen ah mar uun kaga baxaan.

Waxaa kale oo meesha fadhiyay qalinshubato qandigoodu qaawanyahay, oo quudkooduba ku jiray in ciir la kala tuugo. (Tuuge tuuge lama tuugee tanaadkaa loo tagaa.) Waxaa iyana goobta fadhiyay koox fara ku-tirsi ah oo dhowaan u soo hiloobay kob ama buqcad ay beri hore ka hil-hesheen. Maya, ma aha kuwii ka qaxay maan-wareerki miir-laawayaashi mudcaha la wareegayey. Ha, waa kuwaas, miirlaawayaasha aan ka hadlaayo. Waa kuwi sheekadooda awowgaa kugu sheegay Geed Shimbiraale hoostiisa. Mar dambe ayaan ku xasuusindoona, haddese, aan dib ugu noqdo sheekadeyda. Abkow Aawow sheekadiisi maqashay, maxaa anna ii diiday in aan teyda sheegto? Carrab dalableh. Buuladi shalay buula kale boobtaay, maxaa adna dibir kuu dambeysaa! Dilaaygii dilaay dilow, …

Barqadaasu kama duwaneyn kuwa kaloo badan oo soo maray deegaanka Dhiif Ciin Tanaad. Waxay dhashay maalin aan yaab gooniya lahayn, marka aad ka tagto inkaarta la xooray, iyada oon weli suqaarki quraacda la  dhameysan. Sida maalmihi kaloo badnaa oo soo maray degaankaa isaga ah, waxay qorraxdu soo jiitantaaba  soo gaartay bartama cirka. Waxaa markaa dhashay boqoolki labaad ee astaantiisu duhurka ahayd. Milay loo bartay in waddooyinka la faaruqiyo. Ma rabo in aan ku celceliyo sheeko taxana ah, maalmo aan is dhaamin, beryo aan is-doorin, sanad la wadaaga dhigiisa dhismo iyo daroor, tawaad iyo faajofaajo, hoygoodu yahay dhiil aan la cugin ama la culin tan iyo  Maqaar-saarki Koobaad, boqollaal sano ka hor.

Hashiina waa tii garatay inay tahay igar, oo diiday in ay ku godlato xoodaamis cubcub aan dhameys aheyn. Garashadaa ka horse, waa tii sasabku shaqeeyay. Mar I dage… Maya, xumaha uun layma tusine,  waxaan weli isu key dhaamin hertida iyo haraatida xanuunka badan ee xilliyadii i soo maray. Welina aan la noolahay. Haddaadan ahayn goroyo madaxa ciidda kula jirta, adiguba waa kuu muuqataa tawinta aan daboolneyn. Ha, cudur kastaa waxaa wehliya astaamihiisa u gaarka ah. Maya, marmar waxaa loo baahanyahay in qalab kale loo adeegsado sidi loo arki lahaa kobta iyo mugga ooddinta aad la il-darantahay.  Oof kasta iinteeda ayay sii shaacisaa, waase qof iyo garashadii.  Kor waayeel waa wada indho. Hadal waa merge.  Waa tahay. Waxaan arkaa in aad indhaha marmareyso.

Gaso, Ganuun, Gasiin Q2AAD.

Xirmadii hore waxaan ku soo afjarnay in hadalku yahay mergo, oo haddaan si fiican loo calalin ama ruugin laga yaabo in lagu mergado. Sarbeeb sixun loo qaatay ama saawir laga yeelay ama sibiqda loo diiday, waxay kuu horseeddaa ulatan aan shindhalad aheyn. Waxaa mururuqdaan looga jeeda in hoosta laga xarriiqo kala duwanaanshaha waxa qoran iyo weer afka laga tuuro. Maya, taasi macneheedu maahan in midi midda kale dhaanto: waxa qoran iyo wixi afka laga sheegay, waxay labaduba ka soo maaxeen maandadeed. “Maandadaadse waa sida medebbo xoolaad“.

Ka gudub oo ka soco, hor usoco. Indhuhuba waxay foolka ugu yaalaan ayaa jira. Qadaa loo kala dareeray. Kii guri lahaa iyo kii makhaayad daa’imijiray iyo kii intaba ka aradna, asii caynkiisa iyo coodkiisa iyo calafkiisuba ku jireen cagahiisa. Naftu orod ayay kugu aamintaa. Kolley ku tahay in aad mukulaalaha kula dagaasho balaq sar laga soo tuuray. Ninkii sarta fuula Suldaan Cali waaye, ninkii dhulka jooga addoonkiisa waaye. Kuma qabato in aan ku weydiiyo midkaad adigu tahay. Haddaadse qarbaboosh degentahay kuma lihi ha qawedin oo ha saluugin sedka aad ku sugantahay. Eebaa yiri, “Wa inna li kulli insaanin maa sacaa.”   Qofba waa waxuu u kallaho. Dharaar walba astaanteed. Astaan waliba xardhaanteed. Guri aan naqshad laheyn ma waaro. Hawlaan loo riyoon ma rumowdo. Adigu, maxaad ku riyootay habeen hore ama aad ku baqooshay saakay. In aan ku faduuliyo sheekada marna maaha. In aan kugu ligligo haskeey maaha. Xaasha Lillaah!

Qadaa loo hayaamay, ruuxba nasiibkii, nafba ayaanteed. Waxa ka dhaca guryaha kale, haddii aan leygu casumin, ma sheegikaro. Saadaasha waa leyga badshaa. Weli ma sheegan in aan ahay uurkubbaalle. Waxaanse ogahay waxaan ku qadeeyay. Waa tahay, haddii aadan rabin in aan kuu sheego, anna kii kugu dirqiyaa maahi. Waxaanse kuu sheegi karaa in aan guri wax ku cunay, waxey la ekaadaanba. Qadada ka dib waxaan u baranay in indhaha la gaduudsado. Marmar hurdo dheer ayaa la helaa. Waase kii nabad ku seexankaro. Uma danlihi in wax kuu muuqdaa oo keliya jiifka kuu diidaan, laakin marmar waxaa ku dhibta amaba ku hariifta naftaada oo kuu diidda in aad indhaha gaduudsato. Haaheey, waa marka dhimirkaagu kugu noqdo maxaar mudacyo badan. Ama saranseer sirtiisa iyo sinjigiisaba midna la ogeyn. Kuwa badan ayaa nasiib u hela in ay aamusiyaan dhimirkooda, kana nabad galaan dharbaaxo ama lur kaga yimaada muran cakiran oo ay maankooda la galaan. Kuwa badan ayaa jiif aan qaraw laheyn seexda.

Waxaan nasiib uyeeshay in aan hurdo fiican helo. Fiicnaan! Fayoobiyaa fiicnaan leh. Maalintaa iyada ah waxaan u seexday sidi cunug caano hirqaday oo la huwaayeeyay. Huwaaya huuwa/ Habartaa ma joogto/ Kor iyo koonfuray jirtaa/ Koobaheedi qaadatay’/ Hurdooy, hurdooy kaalay/ Indhaha nuunow shab ku dheh, /Shab ku dheh,/ Shalallax ku dheh.

La soco Q.3aad.

Waxaa qoray Prof.Cali Jimcaale Axmed

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.