Gaso Ganuun, Gasiin (Q7aad)
“Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!”
Raq waraabe. Waraabe dhintoo, tuuladii waa nabad. Dhegdheer dhimatoo/dhulkii waa nabad. Waxay ahayd maalin lagu diirsaday, kal iyo laabna loo khashuucay hiillo ka timid libaax rixin iyo qaraabo aqoon ah. Raynrayn, faajafaajo, iyo farxad ayaa tuuladii afarteeda dacal laga dareemay. Waxaa maalintaas la sheegay in dadki tuulada oo aan naffar ka harin isugu soo baxeen Gawaanki Makrilaawe ee ku yiil bartamaha deegaanka. Waxaa kale oo la yiri, waxay maalintu ahayd beri ay soo noqotay qadderin iyo is-tixgelin mug weyn oo aad ka dheehan kartey qaab wanaagga ay dadku isu gacan qaadaayeen, ama ay is kula hadlaayeen. Waxaad arkeysay dadki oo isla hadlaaya oo aan kala hadleeyn. Kala sariigasho iyo is xaqdhowr suuban ayaa tuuladii hareeysay. Isku soo duub oo waxay maalintu tilmaan iyo milicsiba u ahayd hilow horleh oo ku dhowaadey in tabihi iyo dhaqanki laga bartay wabarki wabarrada dib u soo noqdo. Waa dhaqan aadmiye, waxay guushi keentay in la helo isu soo dhowaansho ku meel gaar ah. “Tagto daa ee timaado qabo,” ayaa af kastaa oo qoyani ku celceliyay. Qawaar ul aan baakoor ahayn cuskanaa ayaa yiri, “Xasuustaa ma xiriiriyo. Cawo dhalad Allow nooga dhig!”
Qawaarka hadalkiisa ayaa ahaa mid sarbeeb xambaarsan. Waxuu si dadban dadka u tusaayey qoonsimaad isa soo taraayey, asii afka lagala maagay. Hunnu hunnu ama nuxnux diraddiraale dadka isku nushiya. Hunnu hunnu hadal maaha, himbiriirsi arag maaha. Waxaa maalintaasi lagu midoobey iska dhicinta horor waraabe, oo igaarti ulaha ama dhengedaha iyo warmaha isu haysan jirey ay hal cadaw oo keliya yeesheen. Barbaarti goobta joogtay ayaa iyuna gartay dulucda ducadi qawaarka. Waxay bilaabeen in ay ku baratamaan hal-abuur maanso lagu cabbiraayo wax aan weli hore loo arag, asii kaabiga dhugmada qofka jalbeysani muha karto. Qaar ayaa yiri jalbeysane waa Dhebed ama galow ama fiin. Waxaan dhicin asii dhici rabo ayuu dhebedku sheegaa. (Ma is-tiri, maxaan u dhehi waayay, “ayeey dhebeddu sheegtaa”? Waxaan rabaa in aan maankeyga ka hadlo, iyada oo aan ka madaxbannaanahay kan sheeganaya in uu sheekada qoraayo. Mururuq badan oo aad hore u soo aragtay, waxay marmar ka tarjumeysay, loollan anigaan sheegaya sheekada igala dhexeeya kan qoraaga ah. Waxaan marmar isku heeysannay qaabka iyo tubta ay sheekadu qaadeyso. Waxaan in badan oo hore ka codsaday qoraha in uu iga daayo qalindaarka. Waxuu iigu hanjabey in uu akhristaha u muujin doono in aan ahay wax ka abuurmay maankiisa, oo la’aantiisaba aan ahay qalfoof meel duur ah qandoodda. Waxaa ka maqan in kurtigeyn ama dhammaanteynba isu baahannahay. Waa tii la yiri, “biyo qabe iyo budo qabe waa isu baahanyihiin.” Teeda kale, haddii sheekadu qurxanaato oo aad loola dhaco, usuga ayaa mudnaanta koowaad helaaya. Marmar, waa taynu hore u niri, waxaa jira masayr ama hinaase doqomeed oo is cirib tira sida tirxiga ka dhasha marka badarku radin ku raago. Akhristow, haddaad doonto waa na soo kala dhexgeli karta oo noo kala gar naqi kartaa. Waxaan soo jeedinayaa oo keliya in aad taladaada ku soo hagaajiso kan sheegta qoraalka sheekada. Marka aan leeyahay, “kan sheegta,” quursi iyo naceeb igama aha. Waxaan u hayaa tixgelin gaar ah. Teeda kale, ma rabo in uu u qaato in aad ka hiillisay. Waxaan rejeynayaa in lagu dawoobo taladaada.)
Waa tahay. Aan dib ugu noqonno sheekadi. Barbaarki gawaanka joogey ayaa sacab iyo bootin isku daray. Igaar ayaa bus yiri, mar kaasuu u mahadceliyay qawaarki ducada tubay. Waxuu hadalkiisi ku so af jaray: “Waaniyow, aawow, wal feylan yaa sheegahaaytay.”
la soco qaybaha kale
W/Q.Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.Ahmed@qc.cuny.edu