Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:27AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:26AAD

 

Sheeko, sheeko!Sheeka Xariir!

Hooyadi iyo Aabihi reer Jabaq ayaa bilaabay in ay dib u-milicsadaan waayawaayo tegay. Wax beri hore tegay, asii raadkiisu weli muuqdo amaba qoyanyahay. Wixii muraad iyo qasad loo qabto waxaa ka hara raad, minaan xataa ishu qaban. Waxaa maanka ku raaga wixi bar iyo beegsi fog leh oo aan ku ekeyn wax la dhugto ama la qasdo maalmo kooban. Waxay odaygi iyo hiindadi guriga is-tuseen in ay iyagu wax dembi ah ku lahayn aafadi soo waajahday reerkooda. Hooyadi ayaa tiri, “Marmar shaki aa ku gala oo waxaad istiraa amaad simbibirixatay oo aad wax aan laguu dirsan gashay. Waxaase hadda ii muuqda in ow dhaccu ahaay gardarro aan geed loogu soo gamban. Saas ooy tahay, waa runtaa ma fiicna in la harmiyo dad aan waxba galabsan oo eed aysan lahayna dusha laga saaro. Tuug iyo taroox saad sheegtay sumadoodu waa ka gooni waxaad umaleyso in ay isir iyo walcan wadaag yihiin. Midaanse ka yaabanahay, eebow. Ri’di geberta xambaaratay oo la buubtay si ay u badbaadiso, goorba iyaduna isu badbaadiso…”

Odaygi ayaa ka soo dhexgalay oo yiri,” Arrintaasu anigaba waa ka maagay oo bac ay iga siisay. Ri’ haadda hore uma maqal. Sheeko iyo shaahidna midna laguma haayo. Waase adduun oo wax walba waa laga fishaa. Waxan xasuustaa milay hore oo Ina Adeer Catoosh loo soo diray xaggayna in ow wax ka barto dhaqanki baadiyaha. Ma helo in aad xasuusato, waxow igaarku ahaa hal leked ah oo la rabay in cagahiisa dhulka loo soo celiyo. Adigu berigaas waxaad weli ahayd boojaal aan weli xaad iyo xulus yeelan. Aniguna waxaa markaas ii soo baxaayay hareed yar oo aad u qabtay xaad, dhaldhalaalkiiisuna yahay sida yix fux ka soo tiri muluq caafimaad qaba.”

Odaygi ayaa indhaha isku qabtay si uu u kala hago xasuusta ku soo maaxeysay. Marmar ayaad kala qabanweydaa xasuus sida daadka kuugu soo fatahda, oo aadan ogayn meel ay ka soo qulquleyso. Xasuusashadu sideedaba uma baahna in aad qoorta qalloociso ama aad luqunta jalleeciso. Waa milicsi sarbeebeed oo aad isha dahsoon ee dhakada kaaga taal aad wax ku nishaabto. Waa wax tegay deymooshadood. Waa wax ku hor yaalla hammuuntirkood. Waa wax soo socda oddoroskood. Isha kugta ama dhallada ku taalla ayaa leh awood-arag oo ilaa iyo xad la mid ah tan lagu maneystay guumayska. Isha caadiga ah wixi gadaal ka jira oo dhan ma aragto, xataa haddii aad qoorta jalleeciso; wax dadban ama gudban ayaad aragtaa marki aad gadaal deymooto.

Xasuusashaduse waa hawl aad qaban karto adiga oo weli fadhiya kobti aad koobkii bigayska ahaa ku cabeysay. Haddeeyan saas ahayn, waxaad la ciirciirilahayd in ay indhahaagu arkaan surkaaga, qoorta iyo madaxa meeshey iska qabtaan. Waa taan hore u soo sheegnay in noloshu sideedaba tahay kaabi ama ufuq aad eryaneyso; waa sidaas waxa indhaha foolka loogu dhejiyay. In aad fahamto wixii tegay, in aad xisaabtanto, in aad ta’wiisho tagto iyo timaado adoo weli fiijaanki ku horyaal—haa heey, waa waxaas waxa indhuhu foolka ugu yaalaan. Hor u socoshadu ma ahan in aad ilowdo wixi tegay, mase ahan in aad dib u socod noqoto. Waxa taagan waxay ka dhasheen wixii tegay oo aan dhaxalnay iyo wax aan annagu falkinay. Tagto daa ee timaado qabo, wax tegey tiigsimaad ma leh, macnaheedu ma aha in aadan xisaabtamin, illayn waa tii la yiri, “xisaablaawe xoolahiisa lagama duugo.” Saas ooy tahay, waxaa iyana la yiraahdaa, “Xasuustaa ma xiriiriyo,”…”Saan hiirana gadaal looma raaco” oo loola jeedo, sida ay ila tahay, in aadan noqon sidi ninki masku ka dilay halki igaar ow qabay.

Ma xasuusataa sheekadaas? Waxa aanan hadda xasuusan, goorba hadhow ay igu soo dhicidoontaa, in aan sheekada ka maqlay abkowgey Tuhun ama ayeeyadeey Tukubo. Haa, waa runtaa haddaad tiraahdo, “Maxaa ka macnaa ciddi aad ka maqashay, mar haddeey sheekadu aadanoo dhan ka dhexeyso.” Waa taan hore u soo sheegnay in aanan wax weyn u haysan asalka iyo cidda soo waarida sheeko la sheegay. Qola walba waxay sheegtaa sheeko la jaanqaada habkooda dhaqan dhaqaale iyo jowharaadka ku jira caqiidooyinkooda. Ma kuu sheegay horta in sheeko sideedaba aan loo sheegin afgobaadsi iyo eed ka carar, balse loo sheego in ay wax uun ku darto ama ku kordhiso kobaca wacyiga dhegeystaha ama akhristaha u dhuunduleela hal beegsigeeda. Qoraha ayaa sidoo kale ka dhex arka sheekadiisa wax ka dahsoona, asii sheekadu daaha ka qaado. Waxaa hubanti ah in wacyi kobcintuna la xiriirto sidoo kale kobcinta bulsho weyn la rabo in ay baraarugto. Baraarugu waa sida adiga oo mar labaad boqra bar tilmaameed aad muddo ka maagtay. Been kuma sheegin Ina Sheekh Muumin muggow yiri: Dadweynahaan hanuuninaa, hasaawinna, danta u hagna.

Qorihi ayaa yiri, “muddaan ku dhegeysaneynay ee marka naga xishoo oo sheekadi dib ugu noqo. Sheeka sheegistu waa ka weyntahay hanuunin qaawan. Ma aha in aan wax ka qabno dan u hagidda aad ka hadleyso, balse waxay leedahay madal iyo milay ay ku haboontahay. Marka, fadlan, reerki dib noogu celi.”

Caku! Kanna ma xishoodo. Haddana waa runtiis oo marmar waxaan galaa wax aan laa’iq u ahayn asluubta iyo qaabka sheekooyinka loo sheego. Bal aan dib ugu noqdo sheekadi reer Jabaq. Intaan joognay? Haa heey, haddaan helay. Odaygi ayaa ka hadlaayey berigi Ina Adeer Catoosh loo soo diray in ow wax ka barto dhaqanka baadiyaha. Waa kii odaygu xasuusinaayey afadiisa beryo samaadki ay ku jireen dhalinyaranimada. Berigi ow kurayga ahaa, iyaduna boojaal aan weli xaad iyo xulus yeelan aheyd.

Odaygi ayaa yiri, “Waa runtaa oo anigaba waa ka fajacay in ay ri’ sida shimbiraha oo kale u haado. Waxaan isleeyahay waa sidi Ina Adeer Catoosh ula yaabay marki ow arkay qaalin geela oo dhaleysa. Sida anigaba aan ula yaabay marki ow ii sheegay gebireey-maagny badda ku hoos nool oo marmar afduubta wiilasha ay rabto in ay guursato. Haddii aad sheekadiisa dhegeysato waxaa kuu soo baxaayay geber qurux badan asii qaarka dambe mallaay ka ah. Igaar ay la tagtayna dib dambe looma arag.”

La soco qaybaha dambe 
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.