Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:28AAD
Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!
Waxay meeshoodi fadhiyeen muddo dheer. Odaygi ayaa soo miirsaday ama miyirsaday, markaasuu hareerahiisa dhugtay. Waxa uu arkay Jabaq oo agtiisa yuurura. Waxa uu haddana arkay qandi lugahiisa reedooda qotoma. Indhaha ayuu isku qabtay sida qof raba in uu xasuusto waxa meesha dhigay. Waa uun qof makalaalaxay. Waa kii haddana qooraansaday. Jabaq ayaa yiri, “Aabo, daal iyo xanuun aa isugu kaa darsoomay asaa waxoogaa indhahaagu isgaleen.”
Waxa uu odaygi isweydiiyey inta ay meesha joogeen iyo wixi ay qabteen. Waxa uu weydiiyey, “Maandhow, xaa noo qabsoomay ilaa iyo saakay inta aan mahaan soo aadnay?”
Jabaq ayaa deymo kale u celiyay odaygi. “Xaanan noo qabsoomin…Waxaa qandiga ku agyaalla ku jira naasihi saccayni sumada badan. Muggi aan soo aruurinay tomanki iyo sagaalki naas aa adiga qandho shakab ku tiri. Waxaad u ekeed ruux qarqaraaya sida qof ay duumo hayso. Marki aad tiri waxoogaa aan inta fadhiisano aan anna goostay in aan agtaada kabruursado.
Odaygi ayaa haddana Jabaq weydiiyey, “Muggi ay indhahaygu isgaleen, wax hadal ah afkayga ma ka soo baxay?”
Jabaq ayaa waxoogaa aamusay, kadibna yiri: “Haa aabo. Waxay iila ekeed in aad la hadleysay sicci. Waxaad ku celcelisay sida ruux wax iska hubinaaya oo kale wadar eray oo aan ka xasuusto kuwaan: jid-cadde, waqooyi, taag, gacmoodis, beretan. Waxaad kale ood tiri, ‘Waayahay, waxaan aniga iyo Jabaq kula kulmeynaa shinbiraha aad sheegayso Dalluugta agtooda.’ Intaas oo afkaaga ka soo baxday aan anigu maqlay. Wax kalena goorba waa jirikaraan, ilowse hadda ma xasuusto minaan maqlay. ”
Odaygi ayaa yiri, “Waa tahay kheyr-qabe. Waxaa na sugaaya hawl culus ee bal na soo kici aan aadno geed dalluugga taagga saran oo aan riyada ku arkay. Waxaan filaayaa in aan jidki aan ku nimid gadaal u raacidoono. Taagga ow saccu sheegaayo waxaa ku yaalla geed dalluug ay shimbiruhu ku soo aruuraan milaygaan oo kale oo ku aaddan maalinta toban iyo shanaad ee bisha Sabbuux. Marka, maandhow, bal na soo kici.”
Jabaq ayaa weydiiyay aabihii waxa ay ka yeellaayaan naasihi iyo riyadi Jabaq ee kal hore. Odaygi ayaa u sheegay igaarkiisi in waxa ay u socdaanba tahay sidi loo asturi lahaa naasihi saccu ka dardaarmay.
Jabaq ayaa yiri, “Aabo, middaan i fahamsii… Intaan ku arkaynaa geedihi ow saccu ka ballamay oo aan qaarkood goorba laga helin deegaankaan aan hadda joogno?”
Odaygi ayaa yiri, “Waxaa saccu tibaaxay in aan arkidoono sagaal iyo toman shimbir oo ka soo dhexbaxa shimbiraha intooda kale, kuwaas oo midkasta ay afka ku qaadandoonto hal naas oo naasihii sacca ka mid ah. Iima sheegin magacyada shimbiraha isu xilsaaray in ay hawshaas fulindoonaan. Waxaanse isleeyahay in ay iyagu nagu soo dhoweyndoonaan goobta iyo geed dalluugga. Marka igaarkey aan bal saanta boobsiino. Waxaan rabaa inta aan casirka la gaarin in aan ka wardoono nin aan shalay isku soo baranay meel kabdhood lagu dheelaayey.”
Waxaa isdabgalay Jabaq iyo aabihiis, iyada oo markaan odaygu hoggaanka haayo. Waxay ku soo dheceen jid cadde diqdiq ah. Waxyar ka dibna waxaa u soo muuqday geed meel taag ah ku yiil. Muggi ay u soo dhowaadeen ayey waxay maqleen shimbiro heesaaya oo aad u qabtey in ay ku luqaynaayeen soo dhoweyn iyo martigelis mug weyn. Waxaa Jabaq iyo adoogiis soo koreen ama soo fuuleen buurti yareyd dusheeda. Waxaa hal mar cirka isku shareeray hugunki ay ka maqlaayeen marki ay maraayeen taagga hoostiisa oo markaan isu beddelay bulxan iyo baalal fidis. Waxaa geedki ka soo duulay oo odaygi garabkiisa midig ku soo degay baalfallaar aad moodeysey in loo igmaday soo dhoweynta Jabaq iyo aabihiis. Odaygi ayaa sida qof wax salaamaya oo kale shimbirti baalfallaarta ahayd madaxa u salaaxay. Jabaq ayay isna sidoo kale u soo dhoweysey dhebed. Odaygi ayaa isha saa ula raacay dhebeddi igaarkiisa garabka bidix uga soo degtay. Hoos ayuu u yiri: Waxaan dhicin asii dhici rabeey dhebeddu sheegtaa. Waxaa ku soo xigay galayr aad u qabtey in uu bahwadaag la ahaa shinbirihi yaryaraa ee geedka saarna. Odaygi ayaa la yaabay kulanki ay shimbiruhu isugu yimaadeen rabta dalluugu ku yiil iyo weliba noocyada kala jaadka ah oo intooda badani aan shuqul ku lahayn xilli hayaanka iyo xuduud kagudubka ama dal ama goob kaguurka. Waxaa Jabaq iyo aabihii ka muuqday raynrayn iyo farxad mug weyn. Waxay u muuqdeen marti u soo hoyatay xidid iyo xigaal sokeeye.
La soco qaybaha dambe
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu