Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:36AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:36AAD 

Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir! 

Subaxii dambe ayaa jikada laga waayay hooyadii guriga. Odaygi ayaa subaxaasi wiilashi u qooshay wax u eg afbilaw.  Duhurki marki ay dugsigi ka soo noqdeen ayaa rajaygi sidi caadada u ahayd ku leexday xeradi geenyadu ku jirtay. Waxay geenyadi u sheegtay igaarki shirqoolki ay eeddadiis ama aayadiis la damacsanayd. Waxay hadalkeedi ku soo jartay, “Marki uu aabahaa kula hadlo haka hor imaan warkiisa. Waxkasta ow kaa  codsado “hawraarsan” ku jar. Waxaadse ka codsataa usnaa in aad dushayda seddax jiiro ku soo gasho, adiga oo ka dhigaaya in aad i sagootinayso.” Rajaygi ayaa isaga oo madluunsan daashki xaggiisi aaday. Haddana waxa uu soo xasuustay in loo baahnaa in aan foolkiisa laga akhrisan cabsi iyo welwel.

Qadadi kadib ayaa odaygi dibedda ula soo baxay rajaygi uu dhalay. Waxa ow u sheegay in ay aayadiis bugto, daawadeeduna ku jirto in geenyadiisa loo qalo. “Wixi aad garato ayaa go’aan ah,” ayuu wiilki ku soo gaabshay hadal oo dhan. Odaygi ayaa yaabay oo yiri, “Maandhow, weligey waan ogaa in aad baari tahay, laakin uma haysan in aad si fudud u yeelayso in la gawraco waxa keliya oo aad ka dhaxashay hooyadaa.”

Wiilki ayaa ka soo dhexgalay oo yiri, “Aabo, wax intaa ka badan ayaan ka dhaxlay hooyadeey oo ay ugu weyntahay in aan weligeey weertaada aan weerar gelin. Marka wax kasta oo aad i tiraahdo waa samcan wa dhaacan.  Hal wax ayaanse kaa codsanaayaa. Inta aan la qalin geenyada waxaan rabaa in aan seddax jiiro dusheeda ku soo galo. Waxaan rabaa in aan qumaati u sagootiyo.”

Odaygi ayaa yiri, “Maadaaba  wax weyn i weydiiyay, igaarkeygiyow. Anna sidoo kale waa hawraarsan.”

Maalinti madasha ahayd ayaa timid. Dadki deegaanka ku noolaa ayaa intoodi badanayd isugu sooo baxay goobti lagu qali rabay geenyadi rajaygu lahaa.  Waxay u ekeed in tacdaad la isugu soo baxay. Gawaanki dadka oo dhan ka dhexeeyey ayaa la isugu yimid. Maqaawiirti iyo ruugcaddaagii deegaanka ayaa safka hore soo tubtay. Waxaad arkeysay madaxyo lagu bilay koofiyado kala nooc ah. Waxay akhyaartu lebisnaayeen jubbadooyin cadcad iyo macawisyo sabarhindiya. Waxaa garbaha u saarnaa cimaamado jaadba jaad ah. (Waxaa iyana meesha fadhiyey, asii aad u qabtay in la takooray, akhyaar kale oo dhar maxalliya xirneyd. Waxay lebisnaayeen dhar ilindi.) Waxaa goobti la keenay rajaygi eeddadiis oo bareelo lagu wado. Waxaa kale oo meesha fadhiday Faaliso oo aad u qabtay in ay ahayd sida qof safradaysan.

Waxyar ka dib waxaa gawaanki soo galay rajaygi oo dul saran geenyadi oo kebed xariirihi dusha looga goglay. Raar medebbo badan oo aad arkaysay in aan in muddo ah bannaan loo soo bixin. Dadki meesha fadhiyay ayaa mar qura indhaha la raacay geenyadi oo aad u qabtay in ay ulakac iyo haaneed ku talogal ah lugaha, sida bilcaan laafyoonaysa, u balfaysay. Rajaygi oo geenyadi saaran ayaa soo ag istaagay halki ay eeddadi tiil. Waxa uu isugu daray salaan iyo dhoollocadayn aan hore loogu baran.

Geenyadii ayaa lushay sayn dahab aad mooddo. Rajaygi aayadiis ayaa indhaha ku xajisay saynti geenyada. Waxa iska dhexgalay hummagyo isdiidsan. Waxay ka dhex aragtay geenyadi hummaag u eg kii bilcaantii dhimatay.  Sirir aan la aqoon salkiisa ayaa mar qura ku habsaday rajaygi eeddadiis ama aayadiis. Waxay gadaal gadaal ugu dhacday barkimanki dhinacyada loo geliyay si ay u bilaan muuqaalkeeda guud. Faalisadi ayaa aragtay gabadheedi oo sii luudaysa. Inta ay jaf soo tiri ayay gacanta dhabarka ka gelisay, madaxana mar kale kor ugu soo qaaday.

Odaygi rajayga dhalay ayaa foori iyo fiijo isku daray. Waxa uu ka hadlay wixi meesha la isugu yimid. Waxa uu ku soo xiray hadalki in igaarkiisu dalbaday in ow seddax jeer ku soo wareego gawaanka inta aan la gawricin geenyadi uu hooyadii ka dhaxlay. Hal mar ayay dadki goobta fadhiyey isla guuxeen. “Waa dirac! Waa dirac! Waa dirac!” Nin ka mid ah duubki safka hore fadhiyay ayaa yiri, “Haaneed iyo xarrago soo bandhig. Dadka tus wixi ay hooyadaa kaga fardheereed filkeed.” Faalisadi ayaa faruuryaha ama bushimada ka bugbug siisay. Inta gabadheedi madaxa u salaaxday ayay tiri, “Dheg jalaq haw siin. Waa cajuus yaraantiisi ku soo koray moordi iyo soor aan la iidaamin. Haddana waxaa isaga iyo kii dhalayba lagu yiqiin marki ay tagaan meel waliimo ka jirto in ayan ka xishoon badar darbin aan loogu aaboyeelin kuwa xeradakula  jira. Ma istaahilo in lagu magacaabo wax aan ahayn dhuuniraac.”

Rajaygi ayaa geenyadi tunka u salaaxay oo haddana jeenyaha ka taabtay. Si xarrago leh ayay luqunta kor u qaaday oo ay haddana lugaha midba haaneed u lushay sida iyada oo majo baxsanaysa. Foodley fadhiday meel aan ka fogayn ayaa dhoocil agteedaa ku tiri, “xaa dhacaaya mineey igaarka la baxsato?”

Dhoocishi ayaa ku jawaabtay, “Yaa hee kawaanka saaran?”

Foodleydi ayaa garbaha kor u dhufatay oo tiri, “Intaan ku arkaynaa hal usugoo kalaa?”

Iyada oo aan weli jawaabin ayay geenyadi raqle ama orod gaabisa bilowday. Waxaa loo begay ama loo riyaaqay haaneed u orodkeedi. Jiiradi labaad ayay orodki orod ku dartay. Waxay hardaf la naashnaashiyey ku indhosarcaadisay dadki goobta joogay. Jiiradi seddaxaad ayay dhabarka tooxday oo isu qaabsamaysay kicid aan soo noqosho lahayn. Waxay dadki meesha fadhiyey isku raaceen in aan miriqdeed dambe la arag. Waxaad codkooda ka dhedhensankartay hilow iyo xiiso. Faalisadi ayaa garatay in geenyadu markale korkeeda ka dheeshay. Gabadheedi ayaa, sida qof geed dheer ka soo dhacay ama orod ulxeyrsiya ku turaanturooday, hal mar ka soo faniintay jiinbaarti ay ku jiiftay. Kufiddu waxay ku roontahay adoo dhulka u dhow, qunyarna u socda. Faalisadi ayaa afka labadiisa daan furatay. “Waa nala dhacay! Waa nala dhacay!” Inta ay dhulka haabhaabatay ayay dusha isaga soo tuurtay gabadheedi oo ahayd sida meyd meel yaalla. Baroorteedi ayaa naxdingelisay dad badan oo meesha joogay. Rajaygi aabihiis ayaa soo ag fadhiistay meeshi ay faalisadu ku dul barooraneysay meydki madidi ay lahayd. Waxaa odaygi ku dhashay baaxaddii aafada la soo deristay reerkiisa.   

Ninki ay Faalisadu ku sheegtay in uu ahaa dhuuniraac ayaa dhawaq dheer ku yiri, “God sireed ha qodin, haddaad qoddana ha dheereyn, ku dhicidoontidaana ma ogid.”

Oday curri ah oo agtiisa fadhiyay ayaa yiri, “Ma waxaad ogtahay wax aan annagu ogayn? Xey tahay siriqda iyo sirta aad ka hadlayso?”

“Dhuuniraac” ayaa yiri, “Falki ay maleegtay Faaliso ayaa dib ugu soo noqday. Waa taa ku weyday tey adduun oo dhan ka qabtay. Haddase ma rabo in aan ku gilgilo, milay ay baroordiiq ku jirto. Ogoobey kuma lihi, gebertu waxay ahayd ceebkasaliim. Iyada ayaa lugaheeda ku doonatay laqdabada ay ku weyday nafteeda.” Inta ow qoorta goday ayuu ku daray: Sirmaqabe saabaa biyo u celsho.

Cagoole ayaa yiri, “Waa nimid gurigi aan u soconay. “

Toxob ayaan maqal Cagoole codkiisi. Cagoole ayaa haddana ku celshay, “Waa nimid, eebow.”

Toxob ayaa, sida qof mankalaalaxday, yiri, “Intaan nimid.”

Cagoole ayaa yiri, “Inti aan soo soconay oo dhan ilama hadal. Waxaan gartay in aad isku maqnayd, asaan anna iska kaa dhaafay. Muggase waxaan joognaa meeshi fiddowga lagu qabay.” 

La soco qaybaha  

 
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.