Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:40AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q40AAD.

Sheeko, sheeko!Sheeka Xariir!

Toxob ayaa sidi ruux makalaalaxay fadhi-bood haw ah ku soo toosay. Inta ow indhaha kala furay ayuu saas ula raacay meeshi uu curadkiisu jiifay. Foolka ayuu kaduuday oo haddana indhaha kamirigmirigsiiyay. Waxa uu meeshi ka waayay Jabaq. Dareen horleh oo ka murugo badan riyadi aan qarawga lahayn asii makalaalaxa ku riday ayaa ku dhashay. Inta uu garguurtay ayuu sida qof aan wax arag gacanta midig ku raadshay wax uu meel ku ogaa. Waxa uu soo haabanwaayay wiilki. Haddana gacanta bidix ayuu isyiri ku doon. Waaba xaa ii dhiibatay oo waa meel eber ah. Isaga oo weli indhaha isku haysta ayuu sii garguurtay. Haddana waa kii dib ugu soo noqday kobti uu ka hilhishay. Waxay ula ekaatay in uu jiiro dheer soo galay. Mar labaad ayuu haddana isla sidii hore u garguurtay isaga oo markaan wax uu taabto sugaya iskana hubinaaya.

Jabaq ayaa isna ka maagay waxa odaygu damacsanaa oo ku kallifay in uu kor iyo koonfur u xamaarto. Inta uu begga ama bogga dhulka dhigtay ayuu isna garguurithow bilaabay. Waxaa wiilki u soo dhaqaaqay dhinici odaygu xigay. Waxaa galay tuhun ah in odaygu maqlay ama dareemay bur cad markale soo rogaalcelisay cadawtinimo ay hinighinig horlihi hogaaminayso. Waxaa istaabtay gacmahoodi sahanka ahaa. Odaygi ayaa u qaatay in ay carro nabad ahayn. Jabaq ayaase durbadiiba yiri, “Aabo xaa kugu dhacay ood la garguurahee?“ Waxay ahayd afwaajin loogu talagalay in uusan odaygu sii sasin.

Toxob ayaa yiri, “Maandhow, ma nabad qabtaa? Garguuradkeygu waxaa sababay muggi aan kaa waayay meeshi aad jiiftay.”

Jabaq ayaa yiri, “Goorba waa marki aan u kacay istijoda.”

Toxob ayaa yiri, “Dhib maleh mar haddaan ogahay in aad nabad qabto ee bal isku day in aad waxoogaa hurdaa hesho.”

Jabaq ayaa kobtiisi ku noqday.

Toxob ayaa isna cowdubilleestay. Waxaa isu qabanwaayay hummaagyo aan majo iyo milgo la qabto toona lahayn. Saacadihi hore ee habeenki ayuu ka quustay in uu indhaha isgeliyo. Waxaase hurdo mugleh qabatay mar ay tahay saq dhexe. Isaga oo tawriiraaya hurdo macaan badan ayuu mar qura indhaha ku dhuftay ganuun dhulka yaala. Waxa uu arkiwaayay in ganuunku ceegaagay iyo in uu gembisnaa. Waxaa ganuunki agyiil gaashaan si qurux badan loo xardhay. Usuga oo taasi ka yaabban ayuu haddana arkay hummaag ka farxiya: waxaa u muuqday isaga oo birinbirihaaya Jabaq oo muluq ah. Muluqi ayaa qosol siidaaya ama ka wareega markasta oo Toxob oo dhacadiid u jiifo uu lugaha iyo gacmaha kor ugu qaado isaga oo dheelsiinaaya cunugiisa. Waxaa haddana la tusay igaarki oo yicisa oo xuddunta soo buufsantay. Isaga oo weli ka yaaban meel uu u raacana la’ hummaagyadii sida muuqaallo shaashad lagu daabacay oo kale iskaga soo dabodhacaayey ayaa la tusay humo uu araggeedu ugu dambeeyay galab casirliiqa usuga oo gasangas ka raadinaaya meel Saciid Maxaad Raage waqooyi ka xigta. Waxaa uu soo xasuustay shimbirtii oo sida dafo weerar ah oo kor ka soo sahansatay boojaallo baadiya oo hal mug madaxa ku dhufaysa abuur aan shan taako u jirin meeshi uu kadaloobay.

Hummaaggii ugu naxdinta badnaa ee Toxob riyadii ku arkay ayaa ahaa mid muujinaaya Jabaq oo ku guuleystay tartan orod ka dhexeeyay barbaarti buulada. Saacado yar ka dib muggi uu guuleystay ayaa hal mar xanuun xooglihi dhulka soo dhigay. Igaarki ayaa taah iyo cataaw aan kala go’ lahayn cirka ku shareeray. Minii lagu soo baxay oo la isyiri hala qaboojiyo waxaaba soo baxday in igaarku uusan qaadikarin qaarka dambe. Toxob ayaa isyiri kor u soo qaad si uu wiilku isugu taago addimadiisa. Waaba xaad ii dhiibatay. Igaarki ayaa istaagi kariwaayay. Cod aan la aqoon oo riyadi ka mid ah ayaa ku celceshay in wiilku dabeyl xuni martay, mug dambana uusan socondoonin. Toxob ayaa oohin tiiraanyo leh cirka ku qabtay. Waa markaas marki uu garguurashada bilaabaayo.

Jabaq ayaa hurdadii dib ugu noqday.

Toxob ayaan isagu fursad u helin in uu jiifkii ku noqdo. Waxaa maankiisu dhaafiwaayay ka gudubka riyadii welwalka gelisay. Waxa uu bilaabay in uu hummagyadii dib udhugto. Waxay la noqotay in wax farriin u eg ay ku jirtay riyadii bariirka baday. Haddana waxa uu garanwaayay cid ow ula ciirsado. Tuuladi Saciid Maxaad Raage waxaa beri ku noolaa islaan la yiri waxay caan ku ahayd ta’wiilka hillimothowga ama riyooyinka. Waxaa la yiri waxay sii saadaalisay in tuuladu maalin maalmaha ka midihi noqondoonto mid hal qoys uu ku soo haro, qoyskuna ka koobnaandoono 8 nafleey, oo ay labo ka midihi aadmi ahayn. Waxay tiri waxay gabar reerkaasi ka midihi oo honqor ku leh foolka bidix ay maalmo inta aan laga hilhilan degaanka ay si naxariisi ku jirto xididdada u siibi doontaa geed isbaandhays ah oo weligii ku yiil bartamaha tuulada. Waxaa gebertu ka qaadidoontaa ciriq xanuun jaridda geedka. Toxob ayaa tuhun iyo naxdin cusubi la soo deristay. Hoos ayuu u yiri: “Ma reerkaygeey ka hadlaysay?” Waxa uu haddana ka yaabay waxa ta’wiishaasu aysan muggaan ka horow marna ugu soo dhicin maankiisa. Waxa uu hoos u yiri, “Goorba waa tii la dhihijiray ‘Wixii kugu dhiciraba kun saneey kaa weynyihiin’.”

Inta uu madaxa xogxogtay ayuu qoslay. Isaga oo dhinacyadiisa ama reedihiisa deymoohaaya ayuu yiri, “Ar yaa hadalka iga gura! Ar yaa qarabbax quud ka dhigta!”

La soco 

W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

SHEEKOOYIN