Gaso, Gunuun iyo Gasiin: Qiso jid-bixiyeen ah (Lafa-gurkii Dr: Maxamed Daahir Afrax)

Gaso, Gunuun iyo Gasiin:
Qiso jid-bixiyeen ah W/Q: Maxamed Daahir Afrax

  • Magaca buugga: Gaso, Gunuun iyo Gasiin.
  • Qoraha buugga: Cali Jimcaale Axmed
  • Daabacaadda: Laashin Publishers
  • Katrinehalm, Sweden.
  • Guga la daabacay: 2018
  • Bogagga buugga: 219-bog.

Hordhac

Buugga la magac-baxay Gaso, Gunuun iyo Gasiin oo uu dhawaan soo saaray Bare Sare Cali Jimcaale Axmed wuxuu ku bishaaraynayaa ifbax-suugaaneed ugub ah; ifbax Cali horseedayo in uu hore ugu sii tallaabsado fanka sheeko-falkinta Soomaalidu. Waa buug xambaarsan aqoon qota dheer iyo erayo dhumuc weyn. Waa sheeko jiilka cusub ee hal-abuurka qalinka u furaysa waddo jid-bixiyeenimo oo ku hagaysa hilin cusub oo loo mari karo hal-abuurka ku qoran Afka Soomaalida. Waxaa la yaab leh awoodda qoraagu u yeeshy isku dhafka sheeko-tabin hal-abuurnimo, aqoon-gudbin macallinimo, is xusuusin sooyaalkii Soomaalida ee ka sii baxayey maskaxda da’yarta iyo erayadii Af-Soomaaligu hodanka ku ahaa ee in badan oo ka mid ah ay ka baxeen ama ka sii baxayaan qaamuuska Af-Soomaaliga maanta lagu hadlo. Waa sida qacda horeba laga dhadhansan karo magaca sheekada ‘Gaso, Gunuun iyo Gasiin’.

Akhriskan aan ku indha indhaynayno sheekada Gaso, Gunuun iyo Gasiin waxan diiradda ku saari doonaa ku far-fiiqa dhinacyada muujinaya ugubnimada aan ku tibaaxay billowgii erayadayda. Dhinacyo kala duwan oo la isla yaqaan ayaa laga abbaaraa guud ahaan lafagurka buugaagta iyo faaqidaadda shaqo-suugaaneedda. Teennaanse waxan tooshka la qeebsan doonaa dhinacyadaas kuwooda ka marag kacaya oraahdii an hadalka ku furay ee an buuggan ku tilmaamay ifbax-suugaaneed ugub ah. Intase aynaan sii gudagalin gorfaynta sheekadan dhinacyadeedaas kala duwan, an hordhaca ku khatimo eray akhristaha hor-keena sawirka guud ee fanka sheeko-curinta Soomaalida iyo kaallinta ay ka galayso sheekadan oo ka mid ah waxqbadyadii ugu dambeeyey ee fankaas ku soo biiray.

Fanka sheeko-xardhiddu wuxuu ka mid yahay jaad-suugaaneedyada ku gaamuray sooyaalka hal-abuurka Soomaalida. Wuxuu soo maray xilliyo ama marxalado kala duwan: xilligii sheeko-xariirada ama sheeko-hiddeedda afka laga wariyo; xilligii sheeko-qoridda hidde-raaca ah iyo xilligan falkinta sheeko-faneedda casriga ah. Xilliyadaas midba mid ka xuubsiibanayey ma aha wax annaga noo gaar ah Soomaali ahaan; balse waa geeddi-socod ay soo wada martay taariikhda suugaanta quruumaha dunidu. Xilliga koowaad ee an ku magacaabayo xilligii sheeko-xariirada ama sheeko-hiddeedda, taariikh ahaan wuxuu ku beeganyahay qarniyadii ka horreeyey xilliyada magaalowga iyo nolosha casriga ah.

Waa sabankii hab-nololeedkii soo jireenka ahaa ee xoolo-dhaqashada, beero-falashada iyo kalluumaysiga. Gayiga Soomaalida saddexdaas hab-ba way ka jireen (walina way ka jiraan) aqlabiyadda weynse waxay ahayd xoolo-dhaqato reer-guuraa ah. Noocyada kala duwan ee fanka iyo suugaanta qayb ka mid ah waxaa la isku maaweelin jirey waqtiga laga nasanayo hawl-maalmeedda dhibta badan, qayb kalena waxay ku lammaanayd hawsha qudheeda, sida hees-hawleedda noocyadeeda kala duwan, taas oo la isku maaweelin jirey marka hawsha la hayo, si la isaga khafiifiyo culayska shaqada adag. Sheeko-hiddeedu waxay ka mid ahayd qaybta hore, micnaha qaybta la isku maaweeliyo xilliga laga nasanayo hawl-maalmeedda. Xilligaas aalaaba wuxuu ahaa habeenkii marka la soo hoydo inta la sugayo caweyska xoolaha ama waqtiga hurdada. Matalayaasha ugu caansan ee sheeko-hiddeedda Soomaalida waxaa ka mid ah Dhegdheer, Arraweelo iyo Cigaal Shiidaad.

Xilliga labaad ee ah xilligii sheeko-qoridda hidde-raaca ah. Wuxuu ku beegnaa xilligii magaalowga, wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee dunida. Waxgarad qalinley ah ayaa u tafa xaytey dadaal laba qaybood ah: qayb ku dhaqaaqday ururin iyo qoraal-galin sooyaalkii ummadda oo ay ka mid ahayd sheeko-curintu iyo qayb u qalin-qaadatay allifaadda sheekooyin ugub ah haseyeeshee ku salaysan sheekooyinkii soo jireenka ahaa ama raacaya habkii loo tabin jirey sheekooyinkaas, halka nuxurkoodu ku saabsanyahay nolol-bulsheedda xilliga cusub. Qalinleydaasi waa kuwa Prof. Andrzejewski, qoraalkiisa la magac baxay ‘The Raise of Written Somali Literature’ uu ku magacaabayo ‘transmuters’ oo Af-soomaaliga lagu oran karo xiriiriyeyaal. Micnaha waxay soo saareen qoraallo lagu tilmaami karo kaabad ama buundo isku xiraysa wixii hore iyo waxa cusub.

Aqoonyahankii u guntadey ururinta iyo qoraalgalinta hormuudkooda waxaa ka mid ahaa, Allaha u wada naxariistee, Muuse Galaal, Cumar Aw Nuux, Axmed Cartan Xaange, Xasan Yaaquub “Sheeko-xariir” iyo rag kale. Qaybta labaad ragga qoray sheekooyinka kaabadda noqday tusaalaha ugu caansan waa Faarax Cawl iyo buuggiisa ‘Aqoondarro waa u nacab jacayl’.

Xilliga saddexaad ee an ku magacaabayo xilliga falkinta sheeko-faneedda casriga ah waa xilliga la billaabay qorista sheekoo-faneed si buuxda u casriyaysan, xagga mowduucyada ay ka hadlayso iyo xagga farsamooyinka ay u adeegsanayso soo bandhigidda mowduucyadaas, farsamooyinkaas oo la jaan-qaadaya hababka falkinta sheeko-casrida dunida kale. Arrinkaas billowgiisu wuxuu ku beegnaa bilashadii 1980nada. Xeeldheereyaasha suugaanta darsa waxay tilmaamaan xilligaas in ay iba-furtay sheekada Maana-faay ee caanka ah.

Haddaba sheekadeennan Gaso, Gunuun iyo Gasiin waxay ku abtirsataa xilligan saddexaad. Waxaa lagu tilmaami karaa sheeko-faneed casri ah haddana la timid farsamooyin ugub ah oo ka baxsan kuwii hore loogu bartay. Haddii si kale loo dhigo, waa sheeko-faneed lagu falkiyey farshaxan nooc cusub ah. Canaasirta ku cusub hababkii la isla yiqiin ee sheeko-falkinta Soomaalida waxaa ka mid ah fanka magac-bixinta, habka sheeko-tabinta, adeegsiga luqadda, dhex-muquurka sooyaalkii ummadda, milicsiga murtida laga tilmaan-qaadan karo ee ay kaydiyeen culimada caalamku iyo is dhexgalinta farsamaysan ee murtida la tixraacayo iyo majarihii sheekada lagu hoggaaminayey. Qormadan ubucdeeda waxan ku qaadaa dhigi doonnaa sii iftiiminta qodobbadaas.

Magac-bixinta sheekada

‘Cinwaanku waa in uu ka tarjumaa nuxurka buugga asagoon si qayaxan daaha uga wada rogin’ Cali Jimcaale Axmed doorashadiisa cinwaanka qisadan waxay na xusuusinaysaa oraahda kor ku qoran oo laga hayo hagaha sheeko-falkinta, Khaalid Al-Nasrallah (النصرالله خالد(.) Doorashada cinwaanka iyo helidda sadarrada furitaanka waxaa lagu tilmaami karaa udubdhexaadka guusha ama guuldarrada qisada ama buugga, sida ay isku raacsan yihiin qorayaal badan oo waaya-arag ah. Tusaale ahaan qoraagii weynaa, Gabriel García Márquez waxaa laga hayaa, waqtiga ugu dheer waxaa igu qaata hanashada cinwaanka iyo furitaanka; mar haddaan helo sadarrada ugu horreeya inta kale sidii tusbax go’ay ayey u shubantaa.

Cali Jimcaale xulashadiisa cinwaanka qisadeennan, Gaso, Gunuun iyo Gasiin, marka loo fiirsado waxaa lagala soo dhex bixi karaa saddex natiijo: kow, in uu waqti dheer ku qaatay, sidii Marquez; laba, in uu ku talagalay in uu tibaaxo ama ka tarjumo haddana si qeexan u kashifin nuxurka sheekada, sidii uu ku taliyey Nasrallah; saddex, sheekada magaca noocaan ah loogu wanqalay kolleyba inay tahay mid jirriddeedu ku aroorayso moolka durugsan ee soo-jireenkii ummadda Soomaaliyeed iyo dhanka kale inay tahay mid adeegsanaysa sarbeeb iyo duurxul, sida cinwaanka laga dhadhansan karo.

Xagga daboolidda nuxurka, daaha cinwaanku saarayo wuxuu gaarsiisanyahay heer laga yaabo in uu akhristuhu is weyddiiyo buuggu ma sheekaa mise waa gorfayn toos ah (non-fiction). Tani waxay ka mid tahay fursadaha Cali Jimcaale akhristihiisa u siinayo in uu kaga qaybgalo qorista sheekada; micnaha in uu ka dhex helo su’aalo ku khasbaya in uu maskaxdiisa ka raadiyo jawaabahooda. Akhristaha indheer-garadka ah “looma saafee waa loo saraa” asagu ha saaftee; in kastoo ay badan yihiin in dhow-garad kuu cuskanaya “damiin far waaweyn baa wax loogu dhigaa”. Taasna way jirtaa talo-bixin faaqideyaashu ku taliyaan in daaha culus laga ilaaliyo suugaanta casriga ah. Gaso waa dhigane loogu talagalay akhrisyahan aqoondhaari ah, indheergarad laf geel dhuuxi kara / haysta dubbe weyn oo laf geel u jabin kara, si uu ugala baxo dhuuxa dhex fadhiya ee nafaqadu ka buuxdo! In dhow garadkuse waa ka caajisayaa marka dhagaxa yar ee uu haystaa lafta geel u jabin waayo!

Haddaan isku dayo inaan wax yar ka bidhaamiyo furfuridda halxiraalahan uu maskaxdayada kaga shaqaysiinayo cinwaankan ah Gaso, Gunuun iyo Gasiin, an si kooban u tibaaxo micnaha guud ee erayada. Hal-xiraalaha Macallin Cali nagu intixaamayo waa laba-dhudoodle ama dheh laba dhinac ayuu leeyahay: wuxuu naga rabaa in aynu akhristeyaal ahaan maankeenna ka helno, kow, micnaha erayada; laba muraadka laga leeyahay ama dheh murtida ay sarbeebayaan ahna saldhigga mowduuca sheekada. Labadaas dhudood an isku dayo inaan wax yar ka bidhaamiyo tan hore ee ah micnaha erayada. Ogoobe saddexdan eray ee soojireenka ah mid kasta waxaa loo isticmaali jirey dhawr micne oo kala duwan haseyeeshee ka siman kaalintii halbowlenimo ee ay kaga jireen hab-nololeedkii Soomaalidii hore ama nolosha miyiga. Tan kale dagaannada kala duwan waxaa dhici karta in ay ku kala duwanaayeen micneyowga qaarkood. Sidaa awgeed, haddaan soo qaadanno uun micnaha guud ee la isku waafiqi karo: gaso waxaa loo yiqiin amaba loo yaqaan gudaha aqal-Soomaaliga salka ugu dambeeya ee lagu adkeeyo yacayga. Waa halka marwada qoysku ku xafiddo ama ku kaydiso agabka iyo anfaca qiimaha gaar ahaaneed u leh qoyska. Waaa kaloo loo yiqiin gasada xerada ama moorada xoolaha.

Gunuun oo asagu ka sii micneyaal badan, labada micne ee loo badan yahay waa weel lagu intifaaco, sida haruub / aabbur ama il ceel salkiis biyo ka soo maaxdaan. Tan weelka, waa haruub yar oo ariga lagu maalo ama lagu daboolo dhiisha ama haanta. Gasiin waa oomati ay quutaan dadku ama duunyadu. Isku soo wada duuboo saddexduba waa agab asaas ama lagama maarmaan u ah noloshii caadiga ahayd ee Soomaalida, isla markaasna suugaan ahaan lagu sarbeebi karo guud ahaanba saldhigga nolosha aadmiga. Marka aad u sii fiirsato, saddexdan eray saddexduba waxay ka simanyihiin ugu yaraan saddex arrimood:

  1. Waa mar ee saddexduba waa erayo aad u fac weyn loona isticmaali jirey waxyaalo kaallin weyn kaga jirey nolosha Soomaalida, haddase ka baxay qaamuuska casriga ah ee Af-soomaaliga magaaloobey;
  2. doorashada isu geynta saddexdan eray waxay na dareensiinaysaa sheekada magacan lagu suntay kolleyba inay tahay sheeko salka ku haysa sooyaalkii Soomaalida (Somali heritage) iyo inay tahay sheeko adeegsanaysa sarbeeb iyo duurxul;
  3. saddexdan eray waxay ku midaysan yihiin xarafka ay ka kacaan (g) micnaha waxaa loo adeegsadey af-shaxanka lagu magacaabo xarafraac. Isu keenidda saddexda eray ee isku xarafka ka kaca waxay noo muujinaysaa qoraagu hibada uu u leeyahay fanka maansaynta ama gabayaanimada, sida ay u yaqaanniin Soomaalida caadiga ah.

Cali Jimcaale ma aha oo keliya xeeldheere suugaaneed oo heer caalami ah ee waxaa u weheliya in uu yahay suugaan-curiye hal-abuur ah. Hal-abuurkii lagu yiqiinna wuxuu u badnaa dhanka maansada. Wuxuu faafiyey maansooyin badan oo intooda badan uu ku curiyey afka Ingiriiska. Sidaa awgeed la yaab ma leh adeegsigiisa cinwaanka qisada iyo meelo badan oo sheekada dhexdeeda ahba uu u adeegsanayo af-shaxannada maansada qurxiya. Labada af-shaxan ee Cali marar badan halkan u adeegsanayo, ahna kuwa lagu yaqaan fanka maansaynta waa xaraf-raac (alliteration) iyo hummageyn (imagery). Waa labada hormuudka u ah quruxda lagu caashaqu suugaanta Soomaalida. Waxaa soo raaca habdhaca miisaaman.

Waxaa ku talagal mudan, magacbixintan ugubka ahi ma aha mid ku kooban cinwaanka, balse, waa summad lagu tilmaansan karo sheekadan Gaso, sida aynu ka arki doonno xubnaha soo socda oo ay ugu horrayso magac-bixinta matalayaashu.

Matalayaasha sheekada iyo magac-bixintooda

Matalayaasha sheekada waxaa hormuud u ah xubnaha qoys qoraagu ku magacaabayo Reer Jabaq. Waa qoys ka kooban oday, ooridiisa iyo afar carruur ah, laba wiil iyo gabdhood. Hadduu caado ahaan magaca qoysku ahaan jirey magaca odayga, halkan qoraagu magaca qoyska wuxuu ka dhigay magaca wiilka curadka ah, xikmad malaha sheekadu ka maarmi weydey aqwgeed. Sidaa darteed “Jabaq” waa magaca wiilka curadka ah. Asaga iyo aabbihiis ayaa ah labada matale ee ugu firfircoon ama ugu kaallinta weyn nolosha qoyska iyo silsiladda sheekadaba. Walibana marka la is barbar dhigo kaallinta wiilka ayuu qoraagu siinayaa ahmiyadda weyn, taas ayuuna qoraagu ku tilmaamayaa inay tahay sababta magaciisu uga muhiimsanaadey magaca aabbihiis. Waliba tan ka sii daran, odayga maba la siin magac u gaar ah. Taa baddelkeeda waxaxaa lagu lifaaqay magaca wiilkiisa; waxaa loo yaqaan Jabaq Aabbihiis iyo odaygii reer Jabaq.

Marka laga reebo Jabaq xubnaha kale ee qoysku lama siinayo magac u gaar ah. Tusaale ahaan marwada qoyska waxaa loogu yeeraa hooyadii reer Jabaq; carruurtana waxaa lagu tilmaansadaa ‘gabadha weyn’, ‘gabadha yar’, ‘wiilka yar’ iwm. Intaas oo dhan waxay ka mid yihiin astaamaha ugubnimada magac-bixinta qisada Gaso….

Isla ugubnimadaas ayaa ka muuqata magac-bixinta iyo noocyada matalayaasha kale oo isugu jira dad iyo xayawaan. Tusaale ahaan magacyada matalayaasha waxaa ka mid ah doorshaan ina Saancaddaale, Ulgeeddan ina Uu’leey, Gobey In Biyow Yarow, Oday Toob, Toxob, Shiil Kebed, fiqi Falliir, Mirmohanna, iwm. Wabarka Wabarrada iyo wiilkiisa oo shirqoolaya ayaa iyana sheekada ka soo galaya meel micne weyn samaynaysa. Matalayaasha kale ee dadka ah waxay u badanyihiin kuwo sheekada soo galgalaya haseyeeshee an lahayn kaallin asaasi ah ama joogtaysan. Waxaa ka muhiimsan kaallinta matalayaasha xayawaanka ah, sida saca iyo rida ah labada keliya ee ka soo haray xoolihii reer Jabaq ee abaartu dabar-goysey.

Labadaan neef iyo laba libaax oo ay qoyska reer Jabaq ehel yihiin ayaa waxay sheekada ka ciyaarayaan kaallin-falsafadeed mucjisa ah oo ay ku sarbeebantahay xikmad weyn, taas oo u muuqata in dabool-ka-qaadkeeda qoruhu ugu talagalay inuu ku intixaamo awoodda akhristuhu u yeelan karo furfuridda halxiraaleyaasha sheekada ama dulucda qotada dheer ee daboolku ka sokeeyo. Tanina waa mid ka mid ah astaamaha jid-bixiyeenimada qisada Gaso.

Nuxurka sheekada/Arrimaha ay iftiiminayso

Xagga nuxurka (themes) sheekadani waxay tooshka ku ifinaysaa mowduucyo ama arrimo kala duwan oo mid kastaa leedahay ahmiyad weyn: hab-nololeedkii soojiraanka ahaa ee ay u noolaan jirtey una dhaqmi jirtey bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan miyiga iyo miyi-xigenka: hab-maamuleedkii ku dhisnaa tolnimada beesha, is xurmyntii, is taakulayntii, kala dambayntii iyo tixgalintii hoggaan-dhaqameedka; dhanka kale dagaalladii qabaai’lka iyo dhibaatooyinkii nolosha miyiga, sida abaaraha iyo cayrnimada ay dadka dhaxal-siiyaan; ciyaarihii iyo hal-abuurkii kale, maqaamkii sare ee suugaanyahanka iyo sidii ay u damin jireen colaadaha, wallow halkan uu qoraagu kaallintaas hormuud uga dhigayo dumarka oo ay matalayaan Gobey Ina Biyow Yarow iyo Batuulo.

Halkan akhritayaashu way ku kala aragti duwanaan karaan: qolo ku doodda kaallintaan ina rag ayaa lahaan jiraye muxuu qoruhu xaawaley u siiyey iyo qolo ku difaacda waa loo baahnyahay in la soo saaro kaallinta dumarka ee aalaaba ay daaha saaraan ragga oo ila aammanuu laga kari la’yahay duudsiga xuquuqda dumarka. Qisadaan oo guud ahaan u muuqata cashar Bare Sare Cali Jimcaale Axmed u dhigayo da’yarta Soomaaliyeed ee ka sii durkaysa aqoonta sooyaalka ay ku abtirsadaan, casharrada ay sooyaalkaas ka bixinayso halkan laguma soo koobi karo. Xitaa waxaa ka mid ah magacyada dhirta, summadda xoolaha, wanqalka ama waqlasha ama walqalka iyo magacbixinta iwm.

Intaas oo dhan ka sokow, mowduuca sheekada tiirdhexaadka u ah wuxuu u muuqdaa in uu yahay mowjaddii magaalowga iyo barakaca reer miyiga ee Soomaaliya sida xawliga ah uga socdey nuskii dambe ee qarnigii labaatanaad. Barfasoor Jimcaale wuxuu si xeeldheerenimo ah u sawirayaa dhibaatooyinkii reer miyiga ku kallifi jiray inay u soo haajiraan magaalooyin ayan aqoon u lahayn iyo dhibaatooyinkii ay kala kulmi jireen saldhigidda magaalooyinkaas iyo la qabsiga hab-dhaqanka iyo hab-nololeedka ka jira oo si walba uga duwan kii ay aqoonta u lahaayeen.

Mowduuca tiirdhexaadka ah ee ah barakaca magaalada loo soo hayaamayo qoruhu wuxuu u adeegsanayaa qoyska Reer Jabaq, kuwaas oon hore u sheegay xobnahoodu in ay yihiin matalayaasha asaasiga ah ee ku taxan qaybaha sheekada intooda badan, sida aan ka arki doonno xubintan soo socota.

Silsiladda Iyo silsiladaynta qisada

Qaab-dhismeedka silsiladaynta Gaso wuxuu ka mid yahay dhinacyada muujinaya jid-bixiyeenimada qisadaan. Waa qaab-dhismeed ugub ah. Sheekada waxay ku saynsaabantahay dhacdooyin kala duwan, si murugsan isu huwan, si doqoni-ma-garato ahna isugu biya-shubanaya dulucda weyn ee ku arooraysa darsiga qoruhu bulshdiisa u tabinayo. Dhacdooyinka intooda ugu waaweyn, ahna kuwa ay ku taxantahay silsilidda udub-dhexaadka ah, waxaa hoggaaminaya qoyska Reer Jabaq een hore uga soo tilmaan-bixiyey. Waa qoys ka mid ah bulsho qarniyo badan ku noolayd tuulo lagu magacaabo Saciid Maxamed Raage. Waxay qayb ka tahay degaanka loo yaqaan “guri waqooyi oo loola jeedo wixi Xamar waqooyi ka xiga” (B. 8– nuqul soft ah).

Bulshada degaankaas ku dhaqan marka hore sheekadu waxay sawiraysaa beri-samaadkoodii, habkii ay u noolaayeen iyo sidii ay u wada dhaqmi jireen. Waa hab-nololeedkii ay ka dhaxleen abkood iyo awooweyaashood. Waa hab-nololeed ku agaasiman halbeegyo soo jireen ah. Wax kastaa waxay leeyihiin hilin loo maro oon laga habaaban. Xilliyada barwaaqada waa nolol ka fayow hammiga iyo hubantila’aanta ku hareeraysan hab-nololeedka magaalada. Maxayse kuugu taal, marka abaari dhacdo ayey talo faro ka haaddaa. Waa tan ku dhacaysa Reer Jabaq iyo khalqigii kale ee ay ku wada noolaayeen tuulada Saciid Maxamed Raage iyo nawaaxigeeda. Aafooyin is dabajoog ah iyo abaaro ba’an ayaa cagta marinaya dad iyo duunyo wixii lagu soo tiir iyo tacab beelay. Barakac an loo kala harin baa afarta jaho loo kala dalaabay.

Waa halkii abwaan Cabdi Muxumud Amiin ka lahaa “markay dihatee sun daacdey, ayaan nafta la soo dalaabay”. Reer Jabaq danio waxay badday inay jaho koofureed nafta ula dalaabaan. Waxay u soo jahaysteen dhanka magaalada Muqdisho. Waxay la soo hayaameen hal sac iyo hal ri’ oo ka haray hantidoodii abaartu dabargoysey. Waa labadii neef ee an hore u soo xusay inay kaallin muhiim ah kaga jiraan jilitaanka sheekada. Reer Jabaq hayaanka dheer oo gaadiidla’aanta iyo jiscinla’aanta ku qabsaday waxay kala kulmayaan dhibaatooyin badan. Waxaa ku dhexjira dhacdooyin kala duwan oo ay ku jiraan qaar mucjiso dahsooni ku daboolantahay. Tusaale ahaan, maalin maalmaha ka mid ah qaxootigii tabaalaysnaa waxay ku argagaxayaan ridoodii keli ahayd oo intay sida haadda u duushay cirka ku sii libraysa! Kaaga daranta waxaa dul-saaran oo ay la duushay labadii gabdhood mid ka mid ah! Mucjiso kale, wiilkii Jabaq oo kob reerku ku sii nasanayey duurka uga sahan tagey ayaa wuuu ku argagaxayaa laba libaax “oo harqooqa. Cabsi yar ayaa gashay. Haddana labada libaax uma ekeeyn kuwa duullan ah” (B. 25). Qacda hore marka nala hor keeno Jabaq oo laba libaax ishiisu qabatay, annaga akhristeyaasha ah wadnahaa na boodaya. Waxaa na hor imanaya libaaxii oo soo boodey iyo wiilkii oo qaylinaya. “Xiddiggii sheekadu” waa kaas af libaax ku dhammaaday! Ha yeeshee si degdeg ah ayey sheekadu walwalkaas nooga saaraysaa. Amarka Ilaahay, libaaxyadii waxay noqonayaan ciidan ay cidda ehelyiin oo ugu yimid inay caawiyaan!

Dhacdooyinka noocaas ah oo sheekada ku badan waxay ka mid yihiin hal-xiraalayaasha falsafadaysan ee sheekadani kaga duwantahay kagana culustahay kuwii caadiga ahaa.
Reer Jabaq waxay soo rafaadaanba ugu dambayn waxay soo dagayaan Ceel Cadde oo ka mid ah cirifyada Waqooyi ee magaalada Muqdisho. Halkaas ayey nolosha Reer Jabaq baal cusub madaxa la galaysaa. Waxaa billaabmaya intixaankii la qabsiga nolol magaalo.

Sidaan hore u tibaaxay, Gaso, Gunuun iyo Gasiin ma aha hal sheeko oo hal qof ama hal qolo ama hal silsilad ku socota. Waa sheekooyin badan oo dallad guud ugu midaysan qaab-dhismeed falsafadaysan. Akhristuhu markuu wax yar socdaba wuxuu la kulmayaa sheeko hor leh oo daaqad ka soo booddey! Asaga ayaa laga rabaa in uu maskaxda xoog uga shaqaysiiyo si uu isugu xirto sheekadii u socotey iyo tan cusub ee af-duubtay. Qoruhu markaas oo kale wuu afeefanayaa, si uu akhristaha u dareensiiyo inaan hadalku la taraarixin, balse, ay tahay xeelad-suugaaneed cusub oo uu ku talagalay. Habka uu afeeftaas kuu dareensiinayo qudhiisu ma aha mid toos ah. Waa mid cilmiyaysan ama farsamaysan. Mararka qaar wuxuu ka dhigayaa afeef sheeko-tabiyaha (oo ka madax bannaan qoraaga) uu ugu cudurdaaranayo dhageystaha oo laga dhigayo sidii qof hor fadhiya oo uu u sheekaynayo: “Xaal qaado dhegeestow. Waxaan galay wax aan laayiq u ahayn, kana baxsan usuusha iyo asluubta sheeko sheegista… Waxaan kugu harfacay akhbaar inta aan kuu soo gudbinlahaa aqoon.” (B.35). ama (meel kale): “Ma u jeeddaa, waxaa mar kale leyga weeciyey dulucdi sheekada. Raalli noqo.” (B. 28).

Marar badanna waxaa lagaaga dhigayaa muran ay isku qabsanayaan sheeko-tabiyaha iyo matale daaha shishadiisa u fadhiya oo lagu magacaabo “qoraha” ama “kan sheekada qoraya”. Waa cilmi cusub oo faham dheer iyo furfurid u baahan, sidaan dib ka soo sheegi doono.

Farsamooyinka falkinta sheekada (techniques)

Farsamooyinka loo adeegsaday falkinta sheekadan, Gaso…, waa marag-ma-doontada ugu muuqa dheer ee na tusaysa ugubnimada an ku tilmaamayo qisadan iyada ah. Bare Sare Cali Jimcaale awood la yaab leh ayuu ku muujiyey adeegsiga noocyo badan oo ah xeelad-faneedyo isugu jira qaar maansada loo adeegsado, qaar sheeko-faneedyo hore loo adeegsadey iyo qaar cusub oo asagu jid-bixiyeen ka yahay. Waa kuwan dhawr tusaale:

b) adeegsiga agabka sooyaal-dhaqameedka

Sidaan horeba u tibaaxay, sheekadan tilmaanteeda guud waa sooyaal-dhaqameedkii Soomaalida oo inta booraan gun dheer laga soo qufo loo adeegsanayo iftiiminta ummuuro ka taagan nololosha casriga ah ee dunideenna maanta. Qacda horeba qoruhu kuu qarin mayee wuu kugu salaamayaa sheekadiisu in ay tahay mid noocaas ah. Wuxuu kugu tusayaa cinwaanka iyo erayada uu ka kooban yahay. Wuxuu kaloo kugu tusayaa erayada u horreeya ee shakadu ku furmayso: “sheekoy sheeko, sheeko xariira”. Waa erayadii lagu furi jirey sheeko-hiddeedda ama sheeko-dhaqameedda. Erayada ku xigaana way u sii marag-furayaan: “Gacan aan la aqoon kula tagtay! Maya, mid aan loo jeedin kula boodday. Maya, duf iyo dabeyllo xagaa ku bax!” (B. 2). Qofna shaki kama galayo erayadaasi inay yihiin kuwii dadkii hore isku habaari jireen. Dhaqan-muujinta ka sokow, waa erayo durba akhristaha ku xiisagalinaya inuu buugga sii akhriyo.

Waxaa ku soo dhacaya su’aalo uu u baahanayo inuu jawaabtooda buugga ka helo: muxuu yahay qofkan habaarramayaa? Tolow yuu habaarayaa, muxuuse ka bi’yey oo uu u habaarayaa? Waa billow muujinaya farsamo-yaqaannimada qoraagan ruug-caddaaga ah, waliba ku xeeldheer darsidda cilmiga suugaanta. Wuxuu ogyahay sheeko kasta guusheeda ama guuldarradeedu in ay ku xirantahay habka loo billaabo iyo erayada lagu furo.

t) Adeegsiga sooyaalka maansada

Si xeeladaysan oo doqon-ma-garato ah ayuu Cali u adeegsanayaa noocyo kala jaad ah, dhammaantood maanso ku abtirsada, dhammaantoodna laga soo amaahday sooyaalkii Soomaalida.Waxaa ka mid ah maanso-hawleed, maanso-ciyaareed, maanso-carruureed iyo xitaa meerisyo laga soo amaahday maansooyin caan ah oo ay lahaayeen gabayaa la yaqaan, sida “waar tolow colka jooga”dii Salaan Carrabey, “Hooyoy la’aantaa”dii Hadraawi iyo hees-murtiyeeddii Xasan Shiikh Muumin, “Caqligii wanaagsani …” . Waxaa iyana ku jira murti uu ka soo ammaahanayo Maymuun Biyow oo sheekada ku matalaysa Gobey Biyow ahna suugaanyahanad ku can-baxday nabadaynta bulshada iyo sama-taliska kaleba.

j) Adeegsiga ciyaar-dhaqameed, shirib, ciyaar-kubbadeed, iwm

Noocyadaas kala duwan ee ciyaaraha, kuwo soojireen ah iyo casri ah (sida kubbad-magaaleedda) intaba qoruhu wuxuu u adeegsanayaa si xeeladaysan. Badankoodu waxay qayb ka yihiin ama soo dhex galayaan sheeko-doceedyada kala duwan haddana iska wada kaashanaya tabinta risaaladda uu ku talagalay qoraaga buuggu. Isla qaabkaas wuuu u adeegsanayaa sheeko-hiddeedyo caan ah, sida sheekadii xayawaanka shiray ee dooradii / digaagaddii shirka ka cudurdaaratay ee iyaga talo-saaratay ku shirqoolay inay noqoto neefka ku xukuman inuu aadmigu qasho. Sheekadani ma aha mid qoraaga isaga soo dhacday uun, balse, wuxuu si kutalagal ah si dadban ugu bixinayaa casharro la jaanqaadaya halkii ay marasey silsiladda sheekada guud.

x) Adeegsiga murtida iyo maahmaahyaha soojireenka ah

Farsamooyinka kaallinta weyn ka qaadanaya kordhinta xiisaha qisada Gaso…, waxaa safka hore kaga jira murtida iyo maahmaahyaha ku xardhan sheekada billow ilaa dhammaad. Xiise-kordhinta ka sokow, maahmaahyuhu waxay maanka akhristaha u soo dhaweeyaan micnihii loogu talagalay. Maahmaahyaha Cali Jimcaale ka soo kalluumaystay moolka shishe ee badweynta sooyaalka Soomaalida, tusaale ahaan waxaa ka mid ah:
– Kor waayeel waa wada indho.
– Hadal waa margi.
– Naftu orod bay kugu aamintaa.
– Hadal haan ma buuxsho.
– Ciyaari waa gallin dambe.
– Hubsiino hal baa la siistaa.
– Hubsiino horteed ha haloosin.
– Iyo qaar kaloo badan.

Kh) Adeegsiga maadeynta

Waxaa xusid mudan, qisadan Gaso…, waxay ka koobantahay isku dhafka sheeko-faneed iyo sheeko-cilmiyeed xambaarsan casharro akadeemi ah. Waxaa ku kulansan labada xirfadood ee cali xeeldhaaraha ku yahay: hal-abuur suugaaneed iyo cilmibaare akadeemi ah (academician). Sidaa awgeed, sheekada waxaa ku dhex hardamaya Cali Jimcaalaha fannaanka ah iyo Cali Jimcaalaha akadeemiyahanka ah. Waa labada ay kala matalayaan tabiyaha sheekada iyo saaxiibkiisa uu ku magacaabayo “qoraaga sheekada”. Tabiyaha marka ay casharbixinta akadeemiga ahi la taraaraxdaba waa kan qoruhu soo kolba qabanaya ee ku leh, oday meel an laguu dirsan baad u taraaraxday ee sheekada ku soo noqo; ama asaga tabiyaha ah qudhiisuba akhristaha u cudurdaaranayo ee ku leeyahay, “Raalli ahaw, marmar waxaan galaa wax aan sheekadaba la socon. Waa talaxtag aan qiil loo hayn. Marka, aan halkaan ku hakiyo faallo baraleyda.” (B. 19).

Haddaba qoraagu asagoo si buuxda oo ku talagal ah arrinkaas ugu baraarugsan ayuu, si uu sheekada dhankeeda culus ugu sameeyo khafiifin iyo dheellitir lagu nasto, wuxuu farsamo ahaan isticmaalayaa fanka maadeynta. Sheekada waxaad ugu tagaysaa meelo qosolka kaa dhammaynaya. Meelahaas qaar ka mid ah qoruhu wuxuu u adeegsanayaa matalaha lagu magacaabo Odayga Reer Jabaq. Siiba marka ugu horraysa ee uu soo galayo magaalada Muqdisho. Wuxuu la kulmayaa wax badan oo reer magaalku yaqaanniin asagase yaab iyo amankaag ku ridaya. Tusaale ahaan waxaa ka mid ah dhacdadaan yar:

Waxa yar kadib, waxa uu gadaal ka istaagay saf dheer oo rag badan ku jireen. Wuxuu ka yaabay waxa safka loogu jiray. Xuur ama igaar agtiisa roggay ayuu weyddiiyey waxa meesha ka socday. Waa kii wiilku yiri, waxaa saf loogu jiraa “Maana Faay.”

Bissinka iyo burdaha! Ma intaan oo rag ah aa saf ugu jira hal Maana Faay.

Odaygi ayaa isla tallamay oo hoos isugu sheegay: waa wixi aan ka maqli jirnay beled iyo tahluukadiis. Aaway kuwii la dagaali lahaa dhaqanxumida? Cunugtaanse aaway kuwi dhalay iyo kuwii ay la dhalatay? Xaase maalin cad oo barqaa intaan oo nin saf u geliyay hal geber oo isuma turta ah?

Maandhow, Maano ma weyna reer qabin? Wax ka ceshta dulmigaan ma joogaan miyaa?

Adeer, Maano Faay waa sheeko joornaal ku soo baxda. Waa toddobaadle ku qoran Af-Soomaali, kuna soo baxda Xiddigta Oktoobar.

Oktoobarna xeey aheyd?

Waa bil ka mid ah bilaha. Waa muggi ow dhashay kacaanku.

Yaa ma waxaa la waayay bil lagu samiyo…xaa tiri, kacaan? (BB. 41-42).

Qosolka iyo maaweelada akhristuhu ku nasanayo ka sokow, dhacdadan yar iyo kuwa la midka ah ee buugga dhextaal ahaanta u soo galaya qoraagu wuxuu uga gol leeyahay faai’dooyin kale. Tusaale ahaan dhacdadaan kore waxaa laga dhex fahmayaa: 1) is maandhaafka reer miyiga iyo magaalka oo mid kasta qummanihuusu qoorta ugu jiro, kan kalena la yaabbanyahay; 2) dadka asal ahaan reer miyiga ah ka dibna dantu ku khasabtu inay magaalo u hyaamaan dhibaatada ay kala kulmaan la qabsiga nolosha magaalada iyo xitaa fahamka nooca afka ay ku hadaaqaan reer magaalku. Waa halkii gabayaagii weynaa, Ismaaciil Mire ka lahaa:

  • “Afka reer magaaluhu yaqaan waan ka oodnahaye
  • Anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye.”

3) Akhrisjeclida Soomaalida magaalowdey. Halkan dhacdadan oo ah mid ka tarumaysa xaqiiq ay taariikh ahaan jirteen safafka dhaadheer oo loo gali jirey iibsiga qisada Maana-faay, waxay beeninaysaa citiqaadka loo haysto Soomaalidu inay yihiin dad aan wax akhrin. Halkan tijaabadii sheekada Maana-faay iyo sidii akhriskeeda dadku ugu haliili jirey waxaa ka cad dadka Soomaaliyeed haddii loo qoro wax noloshooda taabanaya akhriskoodana la macaansan karo inay ka mid noqon karaan dadyowga akhriska jecel, siiba akhriska sheekooyinka.

4) Ugu dambayn dhacdadan wuxuu qoraagu farsamo-faneed dadban noogu sheegaya xilligii taariikh ahaan ay ku beegnaayeen dhacdooyinka sheekada Gaso…. Waxaa halkan ka muuqata inay ku beegnayd xilligii dawladdii kacaanka, siiba xilligii ay wargeyska Xiddigya Oktoobar ku soo bixi jirtey qisada Maana-faay oo ku beegnaa 1980kii.

Luqadda sheekada

Haddii aad is lahayd Cali Jimcaale AfSoomaaligii hooyo ku soo ababisay waxaa galaaftay qurbaha uu ku abaadey iyo Af Igiriisiga uu ku dhex milmay ee in badan ku maansaynayey, waxaa kuu jawaabi doona wacdaraha aad kala kulmi doonto AfSoomaaliga Gaso. Runtii halkan Cali wuxuu ku muujinayaa heerka layaabka leh ee uu ka joogo hanashada AfSoomaaliga. Waxaa la yaab leh sida uu u xusuusto erayo fara badan oo mar hore ka baxay qaamuuska AfSoomaaliga casriga ah ee isticmaalka ku jira, siiba isticmaalka magaalo-galeenka. Faaii’dooyinka buuggan waxaa ka mid ah soo noolaynta erayada noocaas ah iyo oraaho badan oo soojireen ah. Waa cashar waxtar weyn u leh jiilasha cusub ee a muuqato in marba marka ka dambeeya ay sii wiiqmayso aqoonta ay u leeyihiin AfSoomaaliga sare.

Guud ahaan curiyaha Gaso wuxuu isticmaalayaa afguriga ama lahjadda lagaga hadlo degaannada Banaadirta Waqooyi/Bari iyo Shabeellaha Dhexe; walow erayo badan marka uu lahjaddaas ku sheego uu garab dhigayo eray Soomaalidu wada garan karto, sida, “aallin ama oollin”, “usagaa ama asagaa”, “tacdaadha ama waqdhaacinka”, iwm.

Taasi waa arrin dadku ku kala aragti duwanaan karo, sida ay na xusuusiyeen ka qaybgalayaashii xafladdii daahfurka buuggan Gaso… ee lagu qabtay magaalada Muqdisho. Dadka qaar ayaa ku doodayey mar haddii buug la qorayo waxaa loo baahnaa tabiyuhu in uu adeegsado AfSoomaaliga rasmiga ah (standard Somali) halka qaar kalena difaacayeen hirgalinta lahjadaha.

Gunaanad

Isku soo wada duuboo qisadan la magac-baxday Gaso, Gunuun iyo Gasiin shaki kuma jiro inay tahay sed weyn oo bare sare Cali Jimcaale Axmed ku soo biiriyey maktabadda Af-soomaaliga, xilli ay maktabaddani baahi weyn u qabto in looga miciino saboolnimada ka haysata tirada iyo tayada buugaagta Af-soomaaliga ku qoran. Gaso, ma aha uun dhigane kale oo ku soo biiray dhiganayaasha aan tayo ahaan badnayn ee ilaa imminka soo gaarey maktabadda Af-soomaaliga, balse, waa buug jid-bixiyeen ah oo soo biiriyey ummuuro ku cusb fanka sheeko-falkinta Soomaalida.

Haddaan soo kobo tusaalaynta arrimaha ugubka ah ee buuggani ibafurayo waxaa ka mid ah:

  1. Magac-bixinta matalayaasha sheekada iyo sheekada qudheedaba;
  2. Dib u noolaynta iyo dad-baridda sooyaal-dhaqameedkii iyo soojireenkii aqooneed ee abkeen iyo isirkeen (indigenous knowledge) ayna ka mid yihiin magacyadii dadka, dhulka iyo dhirta. Waxaa kaloo ka mid ah summadda xooluhu sida ay uga tarjumayso fartii ay wax ku qoran jireen Soomaalidii hore;
  3. Habka tabinta ee sheeko-wadaagga ah (interactive) – sheeko-tabiyaha loo ekaysiiyey ruux u sheekaynaya, lana sheekaysanaya dad hor fadhiya. Waa hab-raac salka ku haya dhaxalkii sheeko-hiddeedda ama sheeko-xariirada; malaha waa sababta sheekada loogu billaabay furitaan-dhaqameedkii “sheekoy sheeko, sheeko xariira”. Waxay qayb ka tahay dib u noolaynta an kor soo ku tibaaxay;
  4. Awoodda qoraagu u yeeshay isku dhafka iyo isku soohidda saddex aqoonside oo kala durugsan: hab-raacii sheeko-tabinta ee qarniyadii hore; farsamooyinka sheeko-falkinta casriga ah iyo hab-qoraalka akadeemiga ah ee lagu ansixiyo xigashada ama tixraaca aqoonta jirta iyo aqoonleyda lagu halqabsan karo, laga soo billaabo الغزالى إمام ilaa aqoonyanno Soomaaliyeed oo wali jooga. Si xeeladaysan ayuu qoraagu txiraacyadaas ugu dhex-milayaa tabinta sheekada, sidaan oo kale: ‘Haddaad doonto in aad wax ka ogaato taariihkda goobtaasu leedahay, waxaad ka akhrin kartaa buugaag ay qoreen Cassanelli, Luling, Mad ina Malaaq Mukhtaar, Maadeey ina Eno, iyo kuwo kaloo asaaggood ah. (B.36).
  5. Baaxadda aqoonta guud ee sheekada ku mataansan iyo dhumucda falsafadeed ee ay xambaarsanyihiin sarbeebaha daboolan iyo xikmadaha qeexanba waxay ka mid yihiin aqabka kobcinaya aqoonta laga dhaxli karo buugga Cali Jimcaale.

Erayga u dambeeya, buuggani wuxuu muraayad u yahay mirihii ka soo baxay cimri dhan oo Cali Jimcaale Axmed ku foognaa cilmi-baarista suugaanta iyo isbarbardhigga suugaanaha dunida oo uu muddo dheer bare sare kaga ahaa jaamacadaha Maraykanka. Sidaa awgeed, la-yaab ma leh hadduu akhristuhu dareemo inay xeeldheerenimadaas macallinimo mararka qaar muquuninayso majarihii hoggaaminta sheekada.

Xusuusin muhiim ah, Cali Jimcaale dhiirrigalin iyo bogaadin gaar ahaaneed wuxuu nooga mudanyahay qaadista uu qaaday tallaabo aan looga baran Soomaalida sidiisa oo kale ah barayaal jaamacadeed oo wax ku bartay, ku shaqeeya waxna ku qora afka Ingiriiska ama af kale oo qalaad. Ma xusuusto mid kale oo isku hawlay in uu wax ku qoro afkiisa hooyo, walow mar kasta dad ajnabi ahi weyddiiyaan: maxaad wax ugu qori weydey afkaaga hooyo? Cali si diirran ayaan ugu bogaadinayaa in uu qoladaas ka duwanaaday oo waqtigiisa ka hambeeyey qoondo uu ku hodoneeyo afkiisa dayntaba ku leh.

Bare sare Cali Jimcaale waxan leeyahay hambalyo, inta akhriska iyo aqoon-kororsiga jecel iyo inta aqoon-faafinta ku hawllan ee ay ka midka yihiin xarumaha waxbarashada, cilmi-baarayaasha, qorayaasha iyo maktabadaha, iyagana waxan leeyahay yuu idin seegin aqoonsidahan an hubo inaad ka faai’deysan doontaan wax badan oo idinka maqnaa, sida aan aniguba uga faai’deystey.

W/Q: Maxamed Daahir Afrax
mdafrax@gmail.com

SHEEKOOYIN