Geeljirihii tanaaday! W/Q: Ibraahim Maxamed Cabdi

13548902_1333366953344923_1658245157_oGeeljirihii tanaaday! 

Mooge wuxuu ku dhashay miyaga fog, oo uu inta badan ku soo qaatey noloshiisa. Reerkiisa waxay ahaayeen xoolalleey leh geel iyo ari fara badan, asna wuxuu ahaa mid caawiya reerka, oo wuxuu u raacijirey xoolaha. Ciddu waxa ee lahayd barkad biyood wayn, oo ay biyuhu galaan markuu roobka da’o, xiliyada abaartana ay ku shubtaan booyado biyo ah, si ay u sii gataan biyahaas. Miyaga waxay ka ahayayn reer hanti badan leh, oo la is ku sheego.

Mooge ayaa subax soo aaday safar, si uu xoola ugu soo safriyo magaalada, ciddana  uu ugu soo gado rashin ay u baahnaayeen. Waxa uu yimid magaalo wayn, oo hoos imaanaysay tuuladii uu ka yimid baaddiyaheeda. Wuxuu magaalada ku arkay nima caddaan ah (ajnabi), oo la socday hay’ad markaas ka qodaysay ceel magaaladaas.

Nin oday ah ayuu waydiiyay raggan waxa ee yihiin, waxa uuna ugu jawaabay odaygii “raggan waxa ay ka imaadeen carrigaas Yurub, waxa ay noogu yimaadayn, in ay noo qodaan ceel biyood”

Mooge wuxaa maalintaas go’aan ku gaaray, inuu tiigsado raggaas caddaanka ahaa, oo ceelka ka qodayay meesha. Nolosha miyagu ma ahan wax ceeb ah, balse, waa wax lagu faano, waana nolol abuurta adadeygga iyo kartida qofka qeyb ka mid ah.

Mooge wuxuu soo galey safar uu ku soo wajahnaa magaalo madaxda dalka, ee Xamar. Wuxuu ku soo dagay reer ee xidid yihiin. Gaber la dhalatay oo la qabo xaafaddeeda. Mooge waxaa muddo ku adkaatay la qabsiga magaalada iyo dhexgalkeeda.

Mooge waa wiil af gaaban, xishood badan. Waxa uu fahmi waayana si tartiiba u waydiiya cid walboa, oo u dhaw ka mana xishooda, inuu dhaho; waxaas ma aqaan, ee ha la i baro. Waa wiil aad u taxaddar badan, dhaqankiisa iyo asluubtiisu aad u fiican tahay.

Mooge waxa u soo qaabiley nolol adag, maxaa yeelay, gabadha walashiisa ah, oo uu ku soo dagey, ayaa ahayd gabar aad u xun, aadna u dhibsatey ku soo biiridda Mooge ee guriga. Waa qof leh balwadda qaadka iyo sigaarka. Guriga waxa uu martigaliyaa dadka u saaxiib ah balwadda noocaas ah, oo is kugu jiro rag iyo dumar.

Mooge waa miskiin af gaaban, ma helo cunta uu cuno, balse, waa nin karti iyo cibaada badan, ka ma baaqdo salaadaha shanta ah, inuu aado masjidka, oo ku soo oogo jameecada. Wuxuu saaxiib fiican ku yeeshay masjidka, oo soo dhaweeyey.

Saaxiibka ugu dhaw ee uu Mooge yeeshay, waxaa u noqday Raage, oo ahaa wiil wax bartey shaqeysatana. Mooge guriga waa uun jiiftaa kaliya, balse, ka ma helo nolol kale, oo intaas  ka dheeri ah. Dharka asaga ayaa dhaqda, waxa uu cunana marna waa is  dabbaraa, marna waa uu waayaa, mana muujiyo in ay wax ka maqan yihiin, oo waa farxsan yahay, mar walba dhoollacaddeyn badan.

Saaxiibkiis Raage ma ahan nin aad u caqli badan, oo wax badan dareema. Waxaa si hoose u soo ogaaday nolosha Mooge, wiil ay Raagge saaxiib yihiin ,Moogena ay daris yihiin. Raage ayaa geeyay maqaayad saaxiibkiisa, buugna uga furey, kuna dhahay ninka jooga maqaayadda;

“Wiilkan hadduu ku yimaado, cuntada ha cuno, buugganna ku qoro lacagta, oo boqolkan dollar ha sii taallo”, waxa uuna ka soo raray wiiltii walashiisa ahayd oo sida xun u gashay, wuxuuna u kireeyay qol jiigad ah, dharkana xaafadda Raage ayuu ku yiri keenso, oo loogu soo dhaqi jiray.

Mooge ayaa galey nolol farxad ah. Waxa uu billaabay inuu masjidka dugsi ku yaallo galo, kana barto quraanka kariimka ah. Mooge waa wiil maskax furan, dadaal badan mudda yarna la qabsadey noloshii magaalada. Waxaa la yaabban wiilaashii la dhalatey, oo rabtay in ay nolosha ku adkayso, si uu ugu laabto miyigii uu ka soo tagay, balse, ma aysan dhicin, oo Mooge wuxuu cagta saaray waddadii horumarka.

Muddo ka dib waxaa uu suurtagashay, inuu galo iskuul dadka waawayn, ee waxbarashada ka soo daahday. Waxa uu noqday ardayga ugu dadaalka badan, ee fasalka, asagoo markaas ka soo billaabay dugsi hoose, oo degdeg ahaa, siddeed bilood ka dib wuxuu ku dhammeeyay dugisii hoose iyo dhexe, waxa uuna u gudbay dugsigii sare, oo uu labo sano dhiganayay. Wuxuu noqday ardayga kowaad, ee fasalka mar kale, fahan ahaan iyo dhibco ahaanba, waxuuna ku dhinac waday barashada aaladda combuyuutarka iyo luuqada ingiliishka.

Mooge ayaa durbadiiba is ka soo qoray jaamacad, kana doortay kulliyadda xisaabaadka, maxaa yeelay, marku soo dhiganayay iskuulka sare, ayuu aad ugu ficnaa xisaabta, macalimiintiisuna ku dhiirrigaliyeen, inuu galo kuliyaddaas, durbadiiba waaba Mooge jamacaddii ka noqday hoggaamiye la jecel yahay, hogaamiyaha hoggaanka ardayda, uuna ku soo baxay doorasha sanadeedka, jaamacaddu ay u qabato ardayda dhexdooda.

Mooge ayaa sanado diraaseedkii jamacadda ku soo qaatay, si habsi leh, noqdayna nin ay jamacaddu aad u jeceshahay, lehna waji furfurnan qaddarin iyo dadaal maskaxeed, oo Allah hibo uu u siiyay. Waxa u dhammatay afartii sano, ee jamacadda, waxa uuna noqday ardaygii kowaad ee is ku darka dhibcaha wadarta guud, ee dhammaan ardayda jamacadda ugu dhibco batay, wuxuuna xaq uu yeeshay waxbarasho heerka labaad, waxaana u ballanqaaday shirkad ka so qaybgashay xafladdii qalanjabinta.

Mooge waa nin ayaan iyo nasiib badan, oo uu ku gaaray dadaal iyo dulqaad, durbadiiba safarkii is ku diyaariyay, wuxuuna ku wajahan yahay dalka Maleesiya, si nabad ah ayuu ku tagay, waxa uuna billaabay jamacaddii, uuna ka sii doortay, is la kulliyaddii xisaabadka. Mooge waxaa u furmay maalmo qurux badan, waana nin la qabsado meel walbo uu tago. Labo sano ka dib waxa uu ku soo laabtay dalkii, asagoo ah nin haysta shahaado heerka labaad ee jaamacadda. Is la markii uu soo laabtay waxaa macalinnimo u qaatay jamacaddi uu ka soo baxay, ayaan yar ka dib, ayuu waxuu joornal ka aqriyay shaqo hay’ad ka bannaan, oo uu aad u danaynayay. Wuxuu codsaday shaqadii, wuxuuna noqday guulaystihii soo baxay, mushaar ku filan waa uu ka qaadanay iyo wax uu ka dhigto kayd, wuxuuna noqday nin is ku filan samaystayna mustaqbal guur. Waxa uuna gatay guri iyo gaari cad. Maba ahan ninkii todobba sanno ka hor ka yimid miyiga, oo geel jiraha ahaa.

Waxaa maalin u imaatay walaashiis, ee sida xun u gashay, balse, Mooge ayaa ahaa nin sharaf badan, oo xumaantii lagu samayay ugu badalay wanaag, siiyana lacag ay ku faraxday meelna u saaray lacag biil ah, oo ay bil walbo soo doonato. Walaashiis ayaa farxad la ilmaysay, kana shallaysay qaladkii ay hore uga gashay walaalkeed ka yaraa, sidoo kale, Mooga ayaa u baalguday saaxiibkiisii garabka siiyay, maalintii uu u baahnaa garab istaaggiisa. Mooge ayaa ahaa nin abaalkii loo galay guday.

Gunaanadka sheekada ayaa ah “in aadan dhagrin qof bini Aadan ah, u baahnan doontidaa la ma ogee!” wanaaji dadka, oo ku la dhaqan ixtiraam iyo xushmad

 

W/Q: Ibraahim Maxamed Cabdi

SHEEKOOYIN