Geeridii Daahir! W/Q: Mascuud Uurmaax

Geeridii Daahir!

Waa xilli habeennimo ah, abbaaro sagaalkii fiidnimo. Hadda ayuu shaqo ka soo baxay, waxaa wajigiisa ka muuqda daalkii iyo diiftii shaqada uu maalinkaa soo qabtay. Isaga oo luudaya labada indhoodna ay god ka soo jeedaan ayuu gurigiisa soo gaadhay. Labo jeer ayuu gargaraacay markaas ayuu bir yar oo albaabka dhanka bidix kaga taalla cugsaday oo labada indhooda isku jam siiyey si kadis ah. Hal daqiiqo kadib ayey afadiisii meel shishe ka yeedhay, yeedhmo deganaan ka muuqato.

Waa qofma! Iyada oo niyadda iska leh oo waa Daahire maxaad ka wayddiin. Ma cid aan isaga ahayn ayaa haddaaya soconaysa! Yeelkeede wax walbaa waa dhici karaane maxaa ku jaban hadii aad wayddiiso cidda uu yahay qofka xilligan albaabka tumaya. War ma Daahirbaa? Yaa dee? Wali indhaha ayuu isku haystaa oo codka afadiisa wuu maqlayaa, balse, sidii qof hurda weeye oo nabdiga ayuu ka soo jeedaa. Ma Daahirbaa ayey mar kale ku celisay gabadhii? Sida qof hurdo laga toosiyey ayuu isula booday oo uu ku hadray: Haa Haa Canab waa aniga ee iga fur. Maxaad u hadli wayday oo ku aamusiiyey ayey ugu jawaabtay? Ee bal is ka warran garanmaayee, carruurtiina iiga warran ma nabad qabtaan? Ii qabo boorsada. Haa waanu nabad qabnaa, yartii waynad ayaa caawa xoogay qandho haysaa oo ilaa galabta way qandhaysanayd.

Isaga oo daallan ayuu soo dhex galay qolkiisii oo aad u liita sida uu iskugu dhex daadsan yahay darteed. Dabadeedna inta uu dharkii dhigatay ayuu aaday dhanka miiska, si caajisnimo ku ladhantahay ayuu kursi hortiisa qotonsanaa inta uu salka la helay, cabbaarna uu ku mashquulay miiska isaga oo indhaha la raacaya waraaqo miiska korkiisa daadsan oo akh-akhrinaya waxyaalaha ku qoran. Alla maxaa magac ku qoran! maxay maalmo xusuus leh taariikhdu ku xardhay baalasheeda! Dabadeed hal magac oo warqad duug ah ku qoran ayuu sii fiiriyey. Xusuuuso badan ayaa qalbigiisa isku soo taxay? Bal magacaa day! Sannadkaa isaga ka warran? Dabadeedna suxullada ayuu ku muday miiska oo uu gadhka saaray buugaag tobaneeyo ah oo is dul saaraan. Markiiba inta uu kala toosay ayuu xabbad sigaar ah shitay oo kursigii dib isugu kala bixiyey, qoortiisa ayuu dib u laadlaadiyey isaga oo indhihiisu kor u takhlan yihiin oo uu eegayo saqafka sare. Isla markaana wuxuu soo xusuustay heestii Qadro Daahir ee oraneysay:

  • “Mar aan xalayto faallada
  • Waayaha ku foofoon
  • Tiigsaday adduunyada
  • Allahayoow fogayde naftan
  • Meelaan kala faqay fogayde”.

Niyad jabkii uu xalay ku hoyday ayuu saaka la soo toosay. Waa aroor arbaco ah waxa uu isu diyaariyey in uu u jarmaado shaqadii xumayd ee uu ka shaqayn jiray. Boorso yar oo rafaadsan oo waliba hoodhay ayuu garabka soo sudhay. Isaga oo cagaha jiidaya sida oday itaal gabay oo lafo iyo lugo xanuuna u weheliyaan ayuu kadinka gurigiisa ka soo baxay. Welwel iyo walbahaar ayuu la muqlaysanyahay oo waxa uu isku maarayn la’yahay mushaharka yar ee uu maamulka dawladda hoose ka qaato iyo baahiyaha naftiisa iyo qoyskiisu ay la daalaadhacayaan. Mushaharka yar waxaa u dheer damiir xumida intaas lagu maagayo ee dadka oo dhan ay ku sunteen, run ahaantii waa qof han yar oo marka aad aragtid baad dusha ka garanaysaa inuu yahay qof hebed ah oo aan cidina wax ku aaminteen, noloshiisa oo dhan hebedkaas buu ahaa in ay cid wax yeellayso ma jeclayn, in la maago ma jeclayn, asalkaba qof muunad leh oo dadka ka dhex muuqda oo abuuran ayaa la maagaa oo wax la yeelaa, balse, qofkan oo kale cidina ma maagto, xitaa in uu abuuranyahay cidi ma taqaan.

Jagadan uu dawladda hoose ka joogo waxay maskaxdiisa ku furtay buuq badan oo uusan awooddiisa lahayn, hasa ahaatee isaga oo maanta ku sii socda xafiiska ayuu ka fekerey waxa meesha baas geeyay, in uu isagu eedaysane yahay isla sidoo kalena garta qorayo ayuu ogaaday. Jagada uu joogo toban ka sano ka hor ayaa adeerkii lagu dilay, isla maantan isaga oo naxsan oo welwelku duudkiisa culayo ayuu jooga oo aad mooddaa inuu markiisa sugaya waranka, ma oga oo weligii kama fekerin maamulka uu u shaqeeyo cidda uu yahay iyo cidda uu adeego, kollay ma oga in uu maamulkan xitaa isaga dantiisa ku fushado oo uu maalin uu jagada ka tuuri doono oo noloshiisa oo dhan gubi doono.

Maalinkii adeerkii booskan lagu dilay baroortii guryaha ka baxday iyada oo aan joogsan ayaa isaga loo magacaabay, dilkii adeerkiina aamus iyo madow baa wada qariyay sida habaaska, meel loo raaco ma jirto, waxay ahayd ruux baylah ah oo ku dhimatay mag la’aan, sida ay raqdiisii u fududayd ayaa ruuxdiisuna u fududayd, kollay waa shaqo inkaaran, cidda mar ka shaqaysa ee taliska sare amarkiisa diidda ama su’aal ka keenta waxaa lagaga adeejistaa waranka tumaatida ah ee halbawlaha jara, sidaas baa sugaysa haddii uu hadal ka soo celiyo. Inta ay dad badani sidaas u shaqaynayaan waxa ay illawsanyihiin dareenka guud ee bulshada ay ka soo jeedaan ee intaas la gumaadayo, dabadeed isaga oo aan nabsigu fogaan ayuu- xeradooda ku hoyan doonaa, kollay mar wuu heli.

Waraaqo cadcad oo fara badan oo khad madow oo yaryar ku qoranyahay ayuu dhex hawaaraa oo marba dhinac u rogayaa isaga oo aan weli helin tii uu doonayay, sidii uu madaxiisu u fooraray ayuu gororay oo wejigu kabbo dhiig ah u ekaaday. Waxan uu baadhayo iyo dareenka laabtiisa ku aasan ee ciilka la gamaara lama simi karo, waa geeri iyo nolol, waraaqahan uu raadinayana waxa ay ku celin doonaan kiis dheer oo geeri iyo meel madow ku dhammaada. Dabadeed ayuu cududda ku adkeeyay lawyada uu ku fadhiyay oo isaga oo aad mooddo inuu hiin raagayo hal mar ayaa waxaa ka nixiyay albaabka oo xoog loo garaacay, in uu laba u kala dhaco ayuu ku sigtay oo qolka oo dhan baa gariiray, kadib buu gadaal jalleecay oo indhaha ku hubsaday axad gaaban oo madow oo sida dhebiga madax gamuuran oo bidaar leeftay oo boqol xarriijimood ku yaallaan leh, garba rogan oo hilib ku dahaadhan yahay iyo jimidh yar oo aad mooddo in dandaan lagu masaalay ayuu leeyahay. Isaga oo is jooxaarinaya oo kulul buu hadalka degdeg u billaabay oo canaantay axadkan isaguna sidii qoorta laga jarayo goradda rogay ee sida nuxuusta madoobaaday ee baaba’ay.

Waraaqihii ma i diyaarisay? Ayuu hadalka ku billaabay isaga oo is qaadqaadaya oo horey u soo gudbay oo isaga oo kursigii ku soo fadhiistay dul taagan, sida uu isu qaadqaadayo ayaad ka garanaysaa in uu taliye yahay oo uu axadkan iya noloshiisaba leeyahay.

– May ma diyaarin.
– Simaanad u diyaarin, war dee nadal baad tahay?
– War waxba hanaga sheegin orod oo meelahaas ka qayli.

Taliyihii dhakada diirnaa oo is giriirixinaya ayaa budh yar oo uu watay xoog u lalmiyay oo horey iyo dib marba dhan tallaaba u qaaday, isaguna bartii ayuu soo kama dhuudhaa oo far nuuxsata isaga oo aan lahayn ayuu dibnaha marba mid dhaqaajinayaa, waa la is mari waayay, oo taliyuhu in uu nabar qabadsiiyo ayuu damacsanaa, balse, isaga oo aan waxba samayn ayuu debadda u baxay.

Aad buu ula yaabay axadkan meesha jooga ee sidan ugu hal celinaya, in uu sidaas oo dhan isu waalo oo u kibro wuu qaadan waayay, dabadeed buu bannaanka u baxay isaga oo jeebka surwaalka gacanta geliyay oo dhebigii yaraa kilkisha ku xaseeyay oo leetar la soo baxay. Taliyahani waa nin cid walba ka awood badan oo meesha iyo gobalkaba ku jooga awoodda ay ku muquuniyeen dadkan la shaqeeya ee gobalka u daldelay danaha maamulkaas, maamulkan isba waa ogyahay oo bulsho midaysan oo oggol ma jirto, cid dan u haysa oo raalli ku ahna ma jirto. Kuwa xitaa u shaqeeya wax dhuunta u dhaafsan inaysan habeen la hoyan waa dhab, balse, intaas oo dhan waxa uu ka dhaafsaday inuu siduu doono gobalka ka sameeyo oo dadka dulleeyo oo dilo, qaarna hagardaameeyo oo gobalka ka eryado, sidaas isaga oo taliyuhu og ayuu ka fekerey sidee ayuu axadkan yari u diidi karaa waxaad u dirtay oo waraaqihii ilaa xilligaas u haystaa. Dabadeed xaraarad iyo ciil wada socda ayuu leetarka ugu shiday xabbad sigaar ah oo uu hal mar ku wada damiyay xaraaraddii oo isaga oo kor qiiqa u tuuraya afaafka hore ee xafiiska ku tiirsaday isaga oo lugta ku haya derbiga, askar kala foolxun oo wada madmadow oo tuute saafi ah xidhana xafiiska hareerihiisa ayey taaganyiniin.

Gacmaha inta uu soo dhereriyay ayuu cabbaar aamuska ciirsaday isaga oo ka fekeraya sida uu taliya qaybeedka yar ee nuxuusta ahi u canaantay, isaga oo xafiiska sidan ah fadhiya ee haybaddu ka muuqato, wax badan kama uusan sii fekerin oo waa uu ogyahay in uu taliyahan yari isku hallayn sidaas u yeelayo, hadduu doono kiiska uu rabo uu u doonayaa inuu u xabaalo si aan cidina u ogaan falkaas ku duugan waraaqaha cidda ku maqan ee xaqeeda la xabaalayo. Kiiska uu taliyuhu doonayo in uu isagu qaato inta aan dembi baadhista loo gudbin waa falal dil ah oo magaalada ka dhacay bilihii u danbeeyay, balse, dadka la waraystay oo dacwad u socotay laga gudbiyay, waa dadkii horraantii la soo qabtay oo markii wax sax ah lagu waayay la sii daayay, taasina waxay u muuqatay in dadkan la soo qabqabtay lagu marin habaabinayo kiisaskii dilka ahaa ee magaalada ka dhacay, balse, xafiiska uu Daahir joogo isagu intuu joogay ayuu is xilqaamay oo uusan kiisaskaas ka hadhin, sidaas daraaddeed ayaa taliyaha qaybtu arrintaas faraha u soo geliyay sii uu uga faramaroojiyo oo kiisaskaas meela baas iyo god madow ugu rido.

Waxay ahataaba Daahir diidyay oo in ay arrintu ribbato ayey maanta qarka u saarantayay, sidii la yaqaannay ee dad badan ku lumeen, ciddii ay taliska gumaystaha ah is af dhaafaan waxaa loo diraa meel aan la aqoon iyo geeri. Muddo yar ka dib taliyihii oo xabaddii sigaarka ahayd haashkeeda ku tumanaya ayaa bannaanka ka qaylinaya isaga oo dhaaranaya oo goodinaya, balse, markan askartii baa dhinaciisa taagan iyaga oo aad mooddid in ay diyaarsanyihiin, dabadeed buu Daahir kadinka ka soo baxay isaga oo boorsadii yarayd kilkisha ku haysta oo taliyaha si xun u eegaya. Taliye Boqon, noole Ilaaheey abuurtay oo ka nacdalsan lama abuurin, waa qof aad u liita oo aad mooddo in yaraantii la dili jirey oo ciil la gadhoodhay, Daahir oo kaabadda ka degin ayuu hadal ku billaabay.

– War waraaqaha maad i siisid adeer?
– Sidaan kuu siiyaa, waraaquhu sifo sharci ah ayey gacantaada ku geli karaan, balse, waxaad leedahay oo aad iska qaadan karto ma aha. U soo mar jidka saxda ah.
– Jid sax ah haddaan u soo marayo, horta waa in aan adiga meel ku saaraa, waa intaas oo qudha jidka saxda ah ee aan u soo marayo.
– Anigu taas waxba kama lihi, balse, haddii ay wax sidaas u dhacayaan, kiisaskani waxay ku dhisanyihiin daacadnimo ku sal leh ciiddan aad ku taagantayay oo dadkii u dhashay yihiin dadka waraaqahan iska leh.
– Gow, ciidda ninka awood ku jooga baan ahay, waraaqahana inaad sii haysato iyo in kale, waa loo joogi doonaa.
– Waxba ma samayn kartid.
– Haye, waa igu ballan.

Dibinta ayuu aad u ruugay taliye Boqon isaga oo wejigu kabbo dhiig ah u ekaaday oo tabtii u taagan, Daahirna kadinka hore ayuu sii waydaaranayay markaas. Fekerka badani nafta wuu dilaa oo sida dhirta qallashay oo kale ayuu jilif dibnaha kaga reebaa. Daahir afar caanomaal sidaas buu u fekerayaa, qofku isaga oo aan is dhiibin haddii uu fekerka ku ambado hubaashii wuu lumayaa oo Daahir kolkan waxa uu arkay inuu baylah yahay oo ku dhex jiro laba duruufood oo kala daran, taliyaha qaybta ee ay is af dhaafeen ciqaabta uu la maaganyahay waxa ay noqon doontaa geeri aamusan, isaguna wuu arkaa oo bulshadan magaaladu dan iyo heello kama laha ciddii maalin maamulkaas u shaqaysa.

Cid uu u sheego sida ay arrintu tahay ma jirto, dabadeed waa kaas welwelku wejigiisa qoray ee dhilay, afar caanomaal oo taliyuhu dibinta ruugayay markuu arkaba ayaa la joogaa, waa afar caanomaal oo uu Daahirna mar kasta filanayay nabarka uu sharku la maaganyahay. Balse aamuska ayuu ciirsaday si uusan u butaacin oo wax badan oo aan la fahmi karin bulshada dhexdooda ugu baahin. Mar dhawayd ayuu suuqa ka yimi oo guriga bannaankiisa isaga oo fadhiya ayaa laba nin oo gaagaaban oo guban oo ordaya dhaafeen, intii uu labadii sii eegayay ayaa mid kale gadaal kaga yimi oo qoriga carradiisa tunka ka saaray oo ku afrogay ilaa afar xabbo oo midh kalyaale ah, dabadeed raqda Daahir oo culus baa dhulka barkatay, baroorta iyo yuuskii baa cirka isku shareeray oo Canab oo dhiilallaabaysa ayaa raqdii Daahir isku duuduubtay oo madaxeeda laabtiisa qoyan ku dhex aastay.

Saacad ka dib oo ilmaddii Canab ka dareertay dhabankeeda ku qallashay oo iyada oo aamusan oo aan xitaa ooyi karin raqdii ku jiifta ayaa booliskii yimi oo taliye Boqon oo ganafka taagan soo degay, laba askari oo yaryarna Canab bay kor u qaadeen oo fadhiisiyeen, taliye Boqonna inta uu raqdii budhkii gamuurnaa ku cadaadiyay oo dhinacyada eeg-eegay ayuu kor u yidhi, yaa dilay agaasime Daahir? kollay cid hadashaa ma jirin, balse, dhalinyaro gees shishe tuban ayuu eegay oo inta uu sidaas indha uga sii dhex saaray gacanta ka amar siiyay askartii ag taagnayd oo dhallinyaradii lagu orday oo la soo qabqabtay. Baroortii iyo qayladii geerida Daahir ka dul baxaysay waxa lagu aamusiiyay dhalinyaraddii xaaafadda ee la qabqabtay.

W/Q: Mascuud Uurmaax

NAGA LA SOO XARIIR:
laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN