Gef rageed iyo Godob Haween Q3AAD W/Q; Cabdirisaaq Xasan jidhi(Aqwaan)

quotescover-JPG-31

 

 

 

 

 

 

Halkan ka aqriso..  Q1aad     Q2aad

Gef rageed iyo Godob Haween Q3AAD W/Q; Cabdirisaaq Xasan jidhi(Aqwaan)

Maryan marki ay Adeeg ka doonatay miis ay dadka xaafadda ka iibsadaan hilibka iyo qudaarta, waxaa dhagaheedu maqlayeen hadal ay si hoose iskugu sheegayeen dumarka goobta joogay, hadalkaas oo ahaa ” way masayrsantahay”Maryan oo maskaxdeeda ay gilgileen erayadaas iyo daalki ay kaqaaday rafaadki ay la martay cunugeeda ka xanuunsan, marki ay guriga ku soo laabatay waxay aragtay inuu yimid Axmed, oo asigoo ku labisan macawiis qurxoon oo Sabar ah inta joodari dhigtay geed tallaal ka baxayay guriga dhexdiisa isku kala bixiyay oo hurdaduna meel dhexe umarayso, way uqaadan waysay in Axmed uu sidaas sameyn karo, waxaana kusii batay caradi iyo xanaaqi ay uqabtay Axmed.

Maryan ma uusan joogin Miyirkeeda marki ay dabka kasoo dajineysay biyaha karkarsan, oo ay Axmed dushiisa ugu shubtay sidi nin geel horaya, qeeyladi iyo sawaxanki guriga is qabsaday, dadki isku soo baxay iyo orodki maryan, intuba waa xusuusta aaanan marnaba niyaddeeda ka go’in.Waana sababta ay maanta ugu jirto xabsiga ay qaraabadeedu kusoo xireen.Maalinkaas ay ninkeeda dhibaatada u gaysatay ayaana maryan ugu dambaysay guud ahaanba qoyskeedi war iyo wacaal.Wax walbana waxaa uga qaalisan bashqaddaan maanta loogu keenay xabsiga dhexdiisa, waxayna bashqaddi ukala furtay si feejignaani ay kujirto, ayadoo aamusan ayayna ku bilaawday aqriska sadarka koowaad,,

  • KASOCOTO: AXMED SHEEKH CABDULLAAHi.
  • KUSCOTO: CIDDA AY QUSEEYSO

“Waxaan ahay qof dhibane ah, misana og sababta loo dhibaateeyay, jirkaygu wuu idamqanayaa oo waxaan dareemayaa xanuun igu filan, ma ogi inaan ahay dhaawaca dunida ugu halista badan, balse waxaan ogahay inaan ahay dhaawaca dunida ugu nasiibka badan, ma dhihi karo waxaa dhibaatadaan ii gaystay qof aan qaraabo nahay, mana dhihi karo waxaa ii gaystay qof cadawgayga ah. Balse waxaan ku dhiirran karaa inaan dhaho qeyb jirkayga kamid ah ayaa si aan ku talagal ahayn dhaawac ugu gaysatay qeyb kale oo isla jirkayga ah, oo sidee bay ku tahay ayadoo mar ay tahay ilmahayga hooyadood, marna ay tahay saaxiibka kaliya aan taariikhda samaystay, xageeyga dhaawacan waxaan u arkaa inuu laba uun mid yahay.

1.Hadiyad(Abaalmarin)

2.Canaan

Haddii tan hore uu yahay aad baan ugu riyaaqay sababtoo ah waa marki ugu horeysay muddo lix sano ah ay gacalisadayda hadiyad isiiso, haddiise tan dambe ay tahay saaxiibteey haloo sheego canaanteedu aad ayay u kulushahay, caafimaad ahaan ma aqaani sida aan noqon doono, balse waxaan ka fikirayaa sida ay ilmahaygu noqon doonaan dhaawacayga kadib, uma soo qorin warqaddaan inaan cid gaar ah uga sheekeeyo nolosha qoyskeyga, balse waxaan usoo qoray maadaama arrinta qoyskeeyga ay maalmahan noqotay mid wax layska waydiiyo, waxaan rabaa inaan qoraalkaan ku bari yeelo xaaskayga qiimaha badan, waxaan ka hadlayaa hooyada dunida ugu dulqaadka badan, runtii way sharfantahay ammaanna igama ahan oo taas waan ka afeeftay, waxaan rabaa in aniga darteey aysan xaaskayga ku mudanin wax ciqaab ah, haa taas baan doonayaa, waxaan ka codsanayaa ciidamada iyo maxkamadda qaranka sidoo kale odayaasha aan qaraabada nahay ee arrinta gacanta ku haaya in xaaskayga ay xornimo siiyaan”

Ma aysan dhammeynin aqrinta qoraalka Maryan, oo nafsadeeda ayaa u oggolaan waysay intaas ka badan, waxay billaawday inay is tusto dhammaanba ficilladi ay Ku kacday waxayna nafsaddeeda u aqoonsatay dambiilaha dunida ugu halista badan.Subixi xigay marki maryan maxkamadda lasoo taagay, wuxuu garsoorihi goobti ka aqriyay qoraalki uu Axmed soo qoray, waxaana wada ilmeeyay dhammaanba dadweynihi dacwadda dhagaysanayay, wuxuuna garsoorihi maryan waydiiyay hal su’aal oo ahayd “maxaad ninkaada ugubtay?” Maryan ayadoo illin kasocoto ayay maxkamaddi ka istaagtay, waxayna hadalkeedi ku billawday,

” Garsoore maanta isma difaacayo, waxaan ka shallaynayaa wax walba oo tagay, burburki qoyskeeyga waxaa iigaga daran midka nafsad ahaaneed ee nasoo gaaray kaas oo baaqi ku ahaan doona nolosheenna, waxaan rabaa inaan hal arrin uga faa’ iidaysto goobtan, dumarka ayaan rabaa inaan xaqiiqada ogeysiiyo, waan ogahay ma ihi qofki waano iyo wanaag intaba laga qaadan lahaa, balse somaalidu waxay dhahaan “ Indho runta ayay ku ooyaan” dumaroow raggiina ka dambeeya, dumaroow masayrka marka ugu horreysa waa xanaaq, marka ugu dambaysana waa shallaay, fiicnaan lahaydaa inuu maanta dareenkiinu joogo halka aan anigu joogo oo kale, u fasaxa raggiina wixi uu rabbi u xalaaleeyay, noloshaba iyadaa iska gaabane samir uyeesha, waa idinka dulqaadkiinna waxa dunida lagu joogo, si walba uu inan rag u qurxoonyahay hooyo ayaa dhashay, si walba uu ucaqli badanyahay waxaa u dhaxday gabar gaari ah oo xigmad badan, si walbuu geesi u yahay waxaa la dhalatay gabar ku dhiirrigalisa guushiisa, sidaas baad sharaf ku leedihiin, waxaan kun jeer k araalligalinayaa bulshada aan ka dhashay, qaranka aan ku abtirsado falkii naxariista darna aan sameeyay oo dumarkeenna oo dhan aaanan ku matalin, cafis ayaan ka dalbanaa ninkayga iyo waddankaygaba, cafis ayaan ka dalbanaa….,

Dhacdadii ayaa ka oohisiisay dhammaan dadweynihii xitaa garsoorihi, waxaana la siiyey, xoriyadeedi, balse, looma soo celin farxadeedii iyo sumcadeedi, su’aalaha aysan ka jawaabi Karin waxaa ka mid ah, haddii ubadkeedu weydiiyaan Aabbe maxaa ku dhacay? Ama maxaad sidan ugu gashay, mar kasta oo ay wejiga saygeeda aragto, waxay la hogataa tiiraanyo iyo uurkutaalo. Dulucda sheekadu waa inaan falka aad fal kale kaga jawaabaysaa reebin raadkan xun oo kale, dulqaadka iyo samirkuna yihiin, Baalayasha looga gudbo marxaladaha adag ee naftaada soo foodsaara.

Dhammaad

W/Q; Cabdirisaaq Xasan jidhi(Aqwaan)

Barta Faysbuugga ee Aqwaan Xasan jidhi.

SHEEKOOYIN