Godob dumar iyo gef aan loo sinnayn! W/Q: Fahiima Keyse Owseed

unknown

Godob dumar iyo gef aan loo sinnayn!

 

Kala duwanaanta Aadanaha ee xagga jinsiga, waa doonista iyo doorista ALLE, taasoo aadan falanqeyn iyo xulasho midna ku laheyn. Doonistaada shakhsiyadeed saameyn ku ma yeelato jinsiga aad ahaaneyso, labada middood ayaad ahaan laheyd; “LAB/DHEDDIG“.

Ahaanshiyaha labadaa middood ma sheegto sarreyn, ka ma dhigna ayaan iyo aayo ka la duwanaasho, mana lahan jecleysi gooniya. Midab, mansab, maaddo iyo mood is ku ma moodsana, aan abuurka iyo ablabalaynta unugyo samayska ka ahayn. Sida kale, waa laba jinsi oo isu sameysan is kuna sidkan. Mid walbaa kan kale ayuu u yahay dhagaxdhig, dhax, dhar iyo dhammaystir.

Jinsiga ragga ah oo dunida kusoo horreeyay, si ay u dhammeystiranto noloshu, ayaa aabbe Aadan feertiisa looga abuuray hooyo Xaawo. Feertaa Aadam ee laga dhammeystiray waxey caddeyneysaa is ku sameysanaan, isu baahiqab aysan marna ka la maarmin. Eebbe weyne doonistiisa ayey aheyd, in habkaa uu ahaado hannaanka ay dunidu ku taranto si ay u sii jirto inta loo igmaday.

Soo ifbixiddii diinta Islaamka ka hor, waxey tirtay dhaqammo gurracan, oo carbeed,balse ay diinta Islaamku tirtay, diintu waa karaameysay gabadhaha qiyam iyo mansab weyn ayey u yeeshay.

Dhaqammo jaahiliyadeed ayaa jiray, oo salka ku hayey, in gabadha iyo wiilku aysan sinnaan laheyn, mudnaantana ay badi siinayeen inanka ilaa iyo heer ey gaartay, in qoyska ey inani u dhalato ay aasaan, iyagoo u arkayay qiimodhac iyo ceeb u soo hoyatay, reerka wiilasha badan lahina ey ahaayeen reerka laga heybadeysto.

Gunta sheekada aan u soo daadagee, sinnaan la’aanta wiilka iyo gabadha waa mid dhinacyo badan leh dhowr tusaalena laga soo qaadan karo, balse qodobka aan faallaynayo ayaa ah u sinnaan la’aanta wiil iyo gabadh khalad ay wadajir u sameeyeen, lagana yaabo, in wiilku ku fara dhuudhuubnaa suuragelinta xumaantaa, balse caqliga foorara, ee madaxa ku socdaa uu gabadha ka dhigay mid ku dhacday dambi aan nuuciisa wali dunida lagu arag, halka wiilkana uu ka dhigo qof wax is ka caadi ah sameeyay, ee aan ruux Aadane ah ku xad gudbin ama qaybo bulshada ka mid ah kaga muta bogaadin iyo sarreysiin.

Ogoow akhrite, waxaan dhaliilayaa ma ahan sida Islaamku ka qabto arrintaas, ee waxaan dhaliilsanahay sida ay u la ka la dhaqmaan bulshada soomaaliyeed, ee ay ka dhasheen wiilka iyo gabadha ku wada kacay falkaas, ka dib xukunka Islaamka, waaba haddii xukun ku dhacee!

Is weydii: khaladku waa maxay? Khaladku ruuxna ma u bannaan yahay, ruuxna ma ka reeban yahay? Maxaa ka dhasha ka la fadilidda labada dambiile?

Weydiimahaan ayaa ahaan doona barta ay faalladeennu ku wareegidoonto, annagoo waydiimaha qaarkood ciwaan-hoosaadyo ka dhigan doonna halka intii soo hadhana aan is ku luqmo-jari [jacburin] doonno haddii ALLE idmo.

 

Khaladku waa maxay? 

 

Khalad waa wax walba oo sidii loogu talagalay ama sidii ku habboonayd si ka duwan u dhaca ama laga yeelo, laakiin, khaladka aannu meeshaan kaga hadlaynaa waa gogoldhaafka, kaa soo aan ka dhiidhiyay, in dhicistiisa ka dib, ceebteeda iyo foolxumadeeda qarsoon qofka dumarka ah kaliya ay luqunta u suran tahay, halka ninkii falkaas ka la qaybqaatayna la dareensiiyo inuusan waxba hallaynin oo kale!

Laba siyoodba waa ku timaaddaa dhacdada googoldhaafka ah: mid qorshayn iyo ka soo baaraandegid ku timaadda iyo mid ku dhacda kulan kadis ah iyo farsad timd, labadubase hal magac oo googoldhaaf la yiraahdo ayey wadaagaan.

Gefka ka hor waa ay habboonayd inay feejignaan iyo ka dheeraansho xishood iyo akhlaaq ay xad iyo sees u ahaato labada shaqsiba, hase ahaatee, digtoonaantu waa ka hor galidda falka, k adib se la samayn karo sixid ay qirasho iyo qaabilaad gobaysani ku dheehan tahay, taasoo aan u la jeedo haddii labada shaqsi ee falkaasi si uun uga dhoco, badanaaba ma dhacdo, in wiilku sameeyo, inuu la yimaado qaladsixid si caqliyan ahna ay uga dhaadhacdo inuu gabar walaashiis ah boqnaha jaray, kana dilindilleeyay sallaankii gabarnima, gayeysiiyayna wax gabar iyo garoob aan midna ahayn labadabana ka sharaf liita. Gefkaa diinteenu Sharci ayey u jideysay, ey ku oogto labadda ruux si isku mid ah, balse, anagu aan ka la sarraysiinnay.

 

Gafeyaashu ficilka ka dib sidee ayey khaladka u arkaan?

 

Si fudud waxaan dhihi karaa midba siday dani baddo ayey u qaadataa waa dhanka gabadhee, halka dhanka wiilkana aan oran karo midba siday garashadu tiri ayuu u qaataa, haddaan sii qodobbeeyo waxay noqoneysaa inaan labada gafe [wiilka & gabadha] kala qaado, markaa ka dibna aan gabadha laba xaaladoodba midba mar ku faaqido.

WIILKA:- Nimanku badanaaba isku ma arkaan in wax qalad ah oy bulshada dhexdeeda kaga mudan karaan takoorid ay sameeyeen, mana ahan macnuhu inay iska indha tirayaan ceeb arrintaasi ay la xariidha oo bulshadu u muujisay ee waa inaan la tusin in falka uu ku kacay yahay fal bahalnimo ah.

GABADHA:- Dumarku laba marba waa ka shallaayaan khaladka ay galeen samayntiisa ka dib, labadaas marna waa marka si aan bannaanayn ay ku waydo gabadhnimadeeda iyo markey hesho calaamado muujinaya inay uur leedahay.

Inta ka horreysa labadaas arrimood waxay ku sugan tahay badweyn farxadeed oo marka gunta loo sii galo badanaaba isku baddesha badweyn murugo, badanaaba maskaxdeedu ma tusto dhibaatada ay ka la kulmi karto ninkaan baas ee ay u abasaxan tahay, laakiin taas baddelkeeda waxaa laga yaabaa inay si sarreysa ugu faraxsan tahay tababaris laga yaabo inay ku soo idlaato dhacdo aysan jeclaysan.

Ma ku la tahay akhristow, in haddii gabadh ku sugan xaaladda dambe ee walaaca ah ay ku wargeliso ninkii ilmahaas ka dhalay ay ka la kulmayso soo dhaweyn iyo inuu arrimeheeda xal u keeno midkuu doonaba ha noqdee?

Haddii khaladka loo siman yahay waxaa imaan lahayd in dhaleecaynta iyo takooriddana loo sinnaado, taas oo keeni lahayd in ninku uusan sanka ka qabsan gabadha ka dib markuu dantiisa ka gaaro, maxaa yeelay, wuxuu ogaan lahaa in meeshuu walaashiis dhigay uu asna la yaallo kulana suntan yahay magaca foosha xun ee ayada u baxay ka dib falka ay wada jirka u sameeyeen.

Lumidda gabadhnimadii iyo u uur galidda ilmo waa calaamad ka muuqata gabadha dusheeda xaajadaas ka dib, wiilkuse wuxuu noqon lahaa dabiibe dhaqso u dhaya dhaawicii ka dhashay falkii ay wada sameeyeen, haddii ay bulshadu noqon lahayd kuwa fadeexadda u sima labada dambiile ee labka iyo dheddigga kala ah.

 

Goos goos iyo Gunaanad

 

U sinnaan la’aanta ceebaynta bulshada kaga timaadda laba kastoo arrimahaas ku sifaysan, oo ah dhaqan soo jireen ah oo aan la aqoon xilli uu billowday iyo goor uu dhammaan doono, ayaa waxay keentay ama ay dhashay in ninku isku arko mid aan waxba hallaynin ee shay meel iskayaal horay lugta ugu sii dhufsaday.

Waxaa iigu sii daran ragga sameeya falalka kufsiga ah qaarkood la ma takooro ee bulshadooda ayey dhan ka raacaan, ayagoo saqlaynaya oo waliba faraxsan.

Bal ka warran haddii gabadhii xoogga loo sheegtay ey ayadoo ba’ayeeyda haysa waraabuhu feentay ay bulshada ka takooran tahay, oo uusan jirin nin shukaansanaya ama la hadlaya illaa mid dool ku yimid oo aan xaaladdeeda la socon mooyaane?

Balse nasiibdarro ninkii gabadhaas faraxumeeyay si aan cabsi iyo is ceebsi lahayn ayuu hawlihiisa caadiga ah iyo haasaawihiisa isaga wataa, ayadoo aanay jirin wax ciqaab ah oo uu ka la kulmay falkii gabadha geyaankiis ah uu ku sameeyay marka laga reebo xoogaa xaal ah oo xigtada faluhu ay bixiso, taasoo aan laga sinnayn ee meelaha qaarkood ku siman.

War ragoow isku shiixa! Oo ogaada in gabdhaha indinla dhashay ama aad dhasheen si dhibaatadoodu idiin xanuujinayso, in gabadhaan aad ku ciyaareysaanna ay ciiddeeda u xanuujinayso, raallina ahaada waan ogahay inaadnaan wada xumayn ee 90% aad tihiin dad mudan sharaf iyo karaamayn, laakiin 10%ka soo haray ayaa ah kuwa waji liita idiin yeelaya.

Gabdhoow adinna is ku badnaada oo ogaada, in nin kasta sida uu u hadallo iyo haasaawe wanaagsan yahay uusan u qalbi wanaagsanayn, ee inta uusan micida ku la helin marka horeba ka dheeroow, is la markaana xasuusnaada inaad tihiin gabdho ka dhashay bulsho indhoodu ay qabtaan khaladka dumarka oo kaliya.

Xaq ma ahan, in dadka lagu ka la saaro jinsigooda, ee aan loo fiirin, qofnimadooda, haddana, la is ka dhigo bulsho garsoor xalaal ah leh. Ma ihi qof xumaan qiil u raadinaysa ama u yeelaysa, balse, marna gar ma ahan iyo garasho, in aan loo sinnaan gefkii la wada galay, haddana, aannaan marna dib isu qiimayn, ee aan ku sii joogno jidadkii hore noo soo jirrabay!

 

 W/Q: Fahiima Keyse Owseed

SHEEKOOYIN