Gorfaynta GODOB iyo GALLAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”
Dhiganaha Godob iyo Gallad waa Buug falsafadeed yaab leh! Kuna baraya waxa ay ku tiirsan tahay, ama ay tahay nolosha aadanaha, gaar ahaan tan Soomaaliyeed. Godob iyo Gallad waa dhigane ku tusaya, qof abaal gelaya (Gallad) iyo qof abaaldarro ugu gudaya (Godob). Waa sheeko ay ku hardamayaan, caddaalad iyo caddaalad darro, dulmane iyo dulmi fale, gar iyo gardarro, Badraan iyo biil raadsade, Miskiin iyo munaafaq, faqiir iyo taajir, wadaad iyo waranle, garsoor iyo gaasho maaliyadeed. Dhabbahana u xaaraya garsoor iyo caddaalad. Mar haddii aad maqashay caddaadalad, garsoorki dhaqan geli lahaa na ku lammaanan yahay, waan ogahay inaad gucatay waayo aad soo gudubtay, balse, dhib how arag, cidda laga qisoonayo adiga maahan ee waa tu’ mala’ awaal ah, tii kusoo marta na u eg. Hadda ba dhiganaha Godob iyo Gallad, wuxuu dhexda kaa qotominayaa noloshii sillooneyd ee ay soo mareen bulshada Soomaaliyeed waayihii hore. Si gaar ah waxa uu kuu barayaa halka aan ka taagneyn garsoorka iyo sinnaanta.
Waa dhigane haadinaya ee haddana kala hufaya habdhaqanka bulshadeenna iyo hab jiritaankooda nololeed. Aadanuhu waa dhib u jooge waligiis ba, mar qofku wuu dhibban yahay, marna asigaa ah dhib keene. Buuggaanu na labadaas ayuu u dhaxeeya una kala sumayn xirayaa, waa haddii ay aqbalayaane.
GODOB iyo GALLAD, waa dhigane kaaga warramaya waayihii maamul ee waddankeenna iyo habka ay u dhaqmi jireen dadka guudka sare jooga, dabcan dabaqadda dhexe iyo midda hoose na kama marna oo mar walba way jirtay in dulmanaha laga dul maacaasho. Waa tii la yiri: “Miskiinbaa misko la fuulo leh” buuggu na dhacdooyinkaas qaabka daran ayuu kuu kala dhig-dhigayaa asigoon dhinac na dhaafeyn. Faannaddii wayneyd ee Aamina Cabdullaahi Xirsi ayaa ku heestay:
- • “Hanadow hal iyo Nirig
• Yaa geed isaga haray
• Danbaa howdka loo galay e.”
Hadda ba dhiganahaan aan kuu bidhaaminayo ee Godob iyo Gallad ma jirto meel uu dhaafay. Waa dhigane lagu iidaamay sheeko macaan badan oo af farshaxameed dhedhen leh, lagu dhigaaliyay. Qacda hore markii aad aqriso qaybta af billaawga ah ayaad is leedahay bal tan xigtana aqri, haddii aadan ahayn qof caajislow ah, waxa hubaal ah inaad buuggaas bogaggiiso tirada badan yihiin aad hal fadhi uga laacayso. Sababtu wax kale maahan ee dhacdooyinka uu tebinayo ee anfariirka leh ayaa isu kaa dhiibaya. Sida aad isu leedahay, qaybtaan ka laac ayaad gebigiis ba ka dhex dusaysaa.
Qof kasta ba hadal, balse, waxa lays-ku dhaafay hadal macaaneyn-ta. Qof kasta ba qoraa noqoy, balse, waxa lagu kala tegay shaqal ebyidda iyo shibbane tooxidda.
Dhanka kale, Buug qoriddu waxay wax badan la wadaagtaa geeda qoridda. Tus: farsama yaqaanku, marka uu doonayo inuu soo saaro agab lagu intifaacsado, wuxuu soo gooyaa geedkii uu u ishaartay inuu u qalmo agab, ka dib wuxuu ku sameeyaa dhex bixisayn iyo faagid, markuu jaran-jaradaas ka gudbo, ayuu gelinayaa qormo iyo xaadin, ka dib ayuu hadda na ku farshaxameynaya sallaxid iyo kaarteyn jihaysan. Sidaas si la mid ah ayaa qoruhu na buugga ugu dhigaaliyay sheeko kasmaal ah, balse, marka aad dheehanayso is leedahay waa tii adiga kugu dhacday. Gacalka ha iska boobin qoruhu kuma yaqaan adiga, basle, wuxuu dersay dhurka iyo dhaqanka Soomaalida, sidaas ayuu na u soo qaatay dhacdadii ku qabsatay mid u eg.
Hadda ba dhiganaha Godob iyo Gallad waa dhigane ku baraya waayihii nololeed ee lasoo gudbay. Sheekadu waxay ka billaabaneysaa wiil da’ yar oo kasoo diga roganaya nolosha miyiga ee dhibka badan, Una soo wareegaya nolosha magaalada oo ka sii dhib badan, haddii dhan kale laga eega na ka fudud. Adduunyadu iskuma kaa sheegto e, asigoo ciyaal filkiis ah dul taagan, lana yaabban waxa ay ku ciyaarayaan, ayaa waxa qabanaya ciidamadii loo soo tababaray inay isaga iyo kuwa la midka ah ilaaliyaan, balse, dhaqan geliyay mahmaadii ahayd: “Miskiin baa misko la fuulo leh”
Ciidamadii shuftada ahaa, laakin, huwan magac nabad jir ah, ayaa xabsi u taxaabaya wiilkii nolol raadiska ahaa, ka dibna wuxuu la kulmayaa jirdil iyo in dusha laga saaro dembi uusan gelin. Markii aad halkaa marinayso ayaad arkaysaa adigoo candhuufta yug siinaya, faruuryaha na qaniinaya, si kale uma taqaannid e, ciil kaambi ayaa kugu dhacaya. Buuggii tirada badnaa na waxad uga laacaysaa hal fadhi. Sabab kale maahan ee waa macaanida sheekada iyo sida uu u xanaf tiray qoraagu, uga na ilaaliyay deelqaaf iyo is waydaarasho naha iyo nuxurka ka qaadda sheekada. Wiilkaas da’da yar halkii lagu dambeysiiyay adigaa lagaa doonayaa inaad ka salgaato, xabsigii lagu aamburana kasoo saarto. Dhib badan u mari maysid soo deyntiisa, kaliyeeta waxa kaa xiga adigoo dhiganaha Godob iyo Gallad wada aqriya.
Sheeka abuurku waa haybad Mawluhu bixiyo e, ma ahan awood ruux walba leeyahay, halkaas na qoraagu wuxuu ku gufeeyay awood sheegasho curineed iyo mid qoraal labada ba.
- Ii oggolow inaan ku baro qoraha iyo Dhiganaha Godob iyo Gallad.
-Qoraha buuggu waa: Macallin, Barbaariye, bare sooyaal, qoraa, Borofaysar Xuseen Maxmed Cabdulle (Xuseen Wadaad)
-Dhiganahuhu wuxuu ka kooban yahay (396 bog) xajmiga warqaddiisu na tahay; (A5).
-Halka jeldigiisu yahay qafiif bilicsan oo bilaya sheekada iyo magaca ba.
-Qaybihiisu waa: (22) mid walba tan kale ka anfariir badan tahay, ka na dhilan tahay. qayb walba waxay toos ugu xiran tahay tan xigta, qoraagu wuxuu ka ilaaliyay qaybaha dhexdooda deelqaaf iyo in sheekada faraqyadeedu is daaraan.
Inta aanan dhiganaha dhexda kaa qotomin aan ku nasanno, waxay ka yiraahdeen halabuurrada Soomaaliyeed ee afkeenna dhidibbada u aasay. Annagoo ka baadigoobay na waxay ka dhigan tahay, GODOB iyo waxa looga jeedo GALLAD? Hubaal inaad ogtahay balse, waan kuugu celinayaa si aad iila dareento awoodda labada weer/weedh ee dhiganaha loogu maajig daray. Aan ku horraysiiyo GODOB e, si dhaw iila soco oo yaynaan kala lumin, haddii qalinku ila gudba na ii cudur daar waan suugaan jecelahay ee dhib kale ma jiro.
- Waa maxay GODOB?
Godob mar waa gef iyo fal abaal dhac ah oo qof ugu deyn gudayo qof hore wanaag ugu galladay. “Xumaan la kordhebay”
Marna waa fal loo rogay dhankii wanaagsanaa oo godobti lafteedi ayaa lagu reebay godob kale. Say ku dhacday taasi? Inta aanan kaaga jawaabin, aan kuugu sii daro, in Weerta/weerdha Godob ay goysay qof nool oo Aadane ah qiimaheeda darteed. Iga rumayso oo sadarrada sii dhugo si aad uga salgaarto.
Laba reer oo ood iyo ollog wadaag ah, ama xigto isu dhaw ah ayaa colaadi dhex martay, kolkaas ayaa markii la heshiisiinayay, waxay is dhaafsadeen (5) shan wiil iyo (5) gabdhood oo GODOB-REEB ah, si Godobti iyo xinkii dhexyiil loogu beddelo xidid iyo xigaalo. Hadda ba halkaas sow Godobtii ma noqon godob-reeb? Haah!
- Waa maxay GALLAD?
Gallad waa fal wanaag iyo abaal sheega, marna aan is beddelin oo wanaaggiisa u taagan goor walba iyo goob kasta ba. Gallad weligeed ba waxay u taagan tahay farxad iyo nayaayiir, meelna kama soo galaan walax dhimaal keena, sida qalbi jab iyo is cadaaweysi. Galladdu mar kale waa fal kowni ah oo Eebbuhu ku Galladu abuurkiisa. Marna waa sidaan soo tilmaamay oo waa abuur ama abaal uu Nooluhu galo ama isu galo.
Ka kaalay aan labada ba, suugaanta ka dhex goobno e.
- GODOB:
Abwaan Maxamed Gacal Xaayow (AUN) wuxuu ku tilmaamay sidaan, weliba guurowgaan wuxuu isugu keenay GODOB iyo GALLAD oo is fasiraya, waxa uu yiri:
Guulloow Allahayow adoo, Gacala noo dooray
Ee gogosha noo dhigay guryaha, Guudka ka xijaaban
GALLAD iyo abaal noo gashaye, Waan laguu gudin e
GODOB nagu fogaatiyo waxaa, Gucatay boogtiiye
Guumays hurdaayaa ka kacay, Gellin dhexaadkiiye
Geedki Aadan cunay baa Ibliis, Nagu gersaarshaa e
Gaaja noo ma haynine wixii, Shalay ba noo geeyay
Maanta na inaan guda galnaa, Waa geddow rabo e
Guux hooso moogiye la waay, Guursi daacadehe
Gobannimo gumaysigi Raggii, Galab ka soo reebay
Ee gacan shisheeye uga baxay, Gowracaa maray e
Gurdankii la waayay muusigii, Galab qamiisaade
Calankii shangeesood ahaa, Gaadda buluglowgi
Gubayr-now ka taagnaa jiraye, Geel jiraa huwan.
** ** ***
Abwaan: Salaan Maxamed Xirsi “S Carrabey” (AUN), isna wuxuu yiri:
- Isma gaadno oo waxaynu nahay, Gaalo iyo ruume
• Waa geeriday Ciid waxan, Ugu geddoomaaye
• Anoon gabadintiinnii tegeyn, Gurigi reer Dhooble
• Qoftaa gacal ahaydeen haddaad, Garato ii soo rar
• Haddii kale ha guursado raggii guga, La sheegaayey
• Dabadeedna guul waxay dhashiyo, GODOBTA aan dhawro.
** ** **
Abwaan Siciid Gacamey wuxuu ku tilmaamay sidaan, asigu na GODOB iyo GALLAD ayuu isugu keenay gabayga dhexdiisa. Xasuusin, waxa aan raadinayno waa GODOB ee Galladdu way dambaysaa, balse midda dhoofka ah waxan siiyay astaanka cagaarka ah. Wuxuu na yiri abwaanku:
- Afwaynaa gefkaa lagu wataa, Ruuxi gucanaaya
• Ra’yi gana leh loo lama yimaad, Xaakin gaamuraye
• Guul kama hanteen reer Isaaq, Gedo nin joogaaye
• Oo Soomaalibaa gebi ahaan, Goysay magacaase
• Qofka kuu gardaadiyay haddow, Maalin hore geeyay
• Waa gabannadiinnii waxaa, Weerarkii galaye
• Ku galgalasho reekaya ninkii, Gooyay taladiisa
• Cirib weyn ganuun kama rideen, Maalin gelinkeede
• Yaan laga galiilyoon runbaa, Gole la keenaaye
• Nin GALLADAY Libaax waa yaqaan, Ruux markaa ganaye
• Gamasyada la dhaca howl adduun, Galabba waa cayn e
• Afartaas go’aan aan dhigiyo, Gaar u hadalkey dheh
• Cara igu gabowdiyo qalbiga, gibil saarraa dheh
• Duul gunnimo u heesaaya iyo GODOB ku faankeed dheh.
** ** **
Laashin Xasan Abuukar Calasow “Abaaji” asna wuxuu ku tilmaamay Godob sidaan:
- Waxan gows adayg saday haddaan, Kuu galgaal bixiyo
• Godka biyuhu waysugu tagaan, Jeexdintii godane
• Ka war goobo geeddiga horseed, Waa gerqabayaa e
• Gunburigaa darkaygii galee, Geela la cabaaya
• Gasadiisa lama mayracdiyo, Golohow daaqaaye
• Galab ceelku biya waa yohow, Iigu soo galaye
• Gedkastoon ka yeela ba sibeey, Noqon lahayd goore
• Gurbaannada kuwii tumay ayaan, GODOB u haystaaye
• Gashigaygu ayagow la yaal, Waa na soo gudane
• Gacan dhaafka iyo aabigaan, Gurayay raadkoor e
• Guruubkii ujeeddada gurrucan, Gacan togaaleeyaay
• Isla gurannay xaajada waxan, Kala gayoonnaa ba.
** ** **
Laashin: Siciid Muuse “Waxgarad” asna halkaan buu dhigay Godob,
- Gob baa xidid leh gacal baa leh xigis, Gudis abaal baa leh
• Gar baa furis leh geed baa leh tagis, Gubasho, ciil baa leh
• Jannaa galis leh Naarbaa leh gubad, Godad qabuuraa leh
• Xaqaa guul leh dulmigaa leh GODOB, Gocosha eex baa leh
• Gaawaa culis leh Geenyaa leh qurux, Godal irmaan baa leh
• Gu’ baa di’is leh geedaa leh bixis, Geeddi safar baa leh
• Gal baa biya leh wabi baa gantama, Guuxna badahaa leh
• Dhulku kala gabiibsane nimcada, Gayigan keennaa leh.
** ** ***
Laashin Garaad Nuur Xuseen asna sidaanuu ku tilmaamay, waliba gabaygaan wuxuu isugu keenay Godob iyo Gallad.
- Guulaama Roob iyo haddeey, Guulatadu hoorto
• Gugac iyo hillaac iyo haddey, Kiciso gaylaamo
• Ninkaan guri makaab adag lahayn, Daadku wow gelliye
• Geyigoo abaarsaday dhulkoo, Gaajo lala liito
• Seddax guulna ow dhaanku yahay, Ceelka lagu gaaro
• Gurgurshaa ninkaan haysan-baa, Gooman biyihiiye
• Gebo gebo colaadeed haddow, Galawgu dhiillaabo
• Gurdankiyo dabrayntii haddii, La isku geesaaso
• Nin kaan gacalyo garab haysan baa, Guduri feentaaye
• GALADDAYA turriinshuhu haddow, Meel gal noqon waayo
• Waa laga gudaa ruux wuxuu, GODOB xambaartaaye.
** ** ***
Halabuur Maxamed Cabdi “Aamaguul” wuxuu ku tilmaamay sidaan;
- Nin walbaa garaad buu hadlaa, Gocashadiisaaye
• Googgaale isagoo raboo, Gaar wax uga jeeda
• Ninka yiri guntiisii intuu, Goob isugu keenay
• Gebagebo colaadeed ninkii, Gawrac iga baajey
• Xin engegan nin Geel iiga shubay, Gabar nin ii guurshay
• Ninka iiga degay Geenyadiis, Guuro dhaxameedka
• Afartaa i gacalaysatee GODOB ninkee baa leh.
** ** ***
JIIFTO:
Abwaan Hadraawi asna wuxuu ka yiri:
- Ha ka guban mar baan iri
• Gacan baaban u holladay
• Inaan geysto dhawr jeer
• Misna waxaan gudoonsadey
• Horta inaan u kuur-galo
• Halka loo gol-leeyahay
• Waa goorma goorteed
• Gef dhacaan u haystoo
• GODOB baan tirsanayee
• Show waa gartoodee
• Garas jilif leh baan ahay.
** ** ***
Abwaan Cabdiraxiin Hilowle Galayr wuxuu ku tilmaamay;
- Geel dhaafay boqolaal
• Iyo dhoobiroow qori
• Senge dhaarsan wuu bixin
• Yaradkoo dhammaysiyo
• Dhammoow dhaqanka wuu mari
• Balse dheesha socotiyo
• Iney dhiima ruux kale
• U dhaxdaahi waa GODOB
• Iney dhiima ruux kale
• U dhashaa carruuroo
• La dheeshaahi waa GODOB. - ** ** ***
Abwaanad Farax Sheekh Cabdirisaaq waxay tiri sidaan: - Waxaa maanku guuraa
• Garashadu habowdaa
• Gar Allee la diriraa
• GODOB weyn timaadaa
• Marka uu gayaankaa
• Garwadeen is moodoo
• Ka guddoonsho taladaa
• Ku yiraa gardaad iyo
• Go’aankeyga soo raac
• Oo gooni ii noqo
• Is ka goo asxaab iyo
• Gacal iyo xigaalkaa!
** ** ***
Laashin Cali Cabdi Cumar asna halkaan buu dhigay;
- GODOB aniga oon gelin
• Axdigiina gees marin
• Kaga go’ay gayaankii
• Haddii calafku gaabiyay
• Gocashadu maxey tahay?”
** ** ***
Abwaan Xasan Cabdi Abtidoon wuxuu ku tilmaamay sidaan:
- Haddii ruux guhaad iyo
• GODOB iyo gaf kaa galo
• Waxow geestay gaadhsii
• Yaaney garasho kaa galin
• Bal umuli garaadkoo
• Rog rog xaajo gudo weyn
• Naftaadana xakama gali
• Yaanay gocon waxii dhacay.
** ** ***
Abwaan Sharmaake Cabdixaliim Maxamed “Ilbir” wuxuu ku tilmaamay sida tan:
- GODOB ruuxa gaystaa
• Garan waa xusuusteed
• Kan loo gaystay ciilkiyo
• Galiilyada la ledi waa
• Waana laba gudboon oo
• Wakhtigaa mid garabsaday
• Midka kale na gees maray.
** ** ***
Laashimad Shamsa Sheekh Cali waxay ku tilmaantay sida tan;
- Qalbi guray naf gaasiran
• GODOB cashaq laga galay
• Guhaad lagama waayee
• Guullihii abuurtow
• U gargaar awooddide.
• GALLAD:
Abwaan Faarax Shuuriye (AUN) wuxuu ku tilmaamay Gallad sidaan:
Mas galaalan good laba af lehe, Genaya waabaayo
Abris ninuu god uga soo baxoo, Micida gaarsiiyey
GALLAD Eebbe mooyiye inuu, Uga gargaaraaye
Sow inuu go’aa lama ogoon, Galawdu raageynin
Nin libaax ku gowriirsadoo, Garabku hooseeyo
Oo u guudka kala saaran yahay, Miciyo gaal-leefa
Haddaan guutadiisii ka celin, Gucumaloow Aarka
Sow inuu go’aa lama ogoon galawdu raageynin
Baddu nimey gurguurtoon aqoon, Gudubsi loo dhaafo
Oo Yaxaasku gaaddada marshoo, Gebiga dhaafsiiyey
GALLAD Eebbe mooyiye inuu, Uga gargaaraaye
Sow inuu go’aa lama ogoon, Galawdu raageynin
Guudkii Hiraab nin u gabyoon, Igu ogaan geeri
Ee caalinkeennii Gobaad, Hadalla gaarsiiyey
Gujaalaan ku ridi ee maxaa, Libin ahuu gaaray?”
■■ ■■ ■■
Abwaan: Dhoodaan wuxuu yiri:
- Gufaacada anaa soo gabrayee, Maanan gocoyayne
Galshax baan ku dhaarsiiyey iyo, Gaagur malabkeede
GALLAD mooyi saad uga naqiye, gaadeshaan huraye
Haddii fahanku kaa gaws qabsado, Saan isugu gaarey
Geyay iyo gabiir ayna jirin, Haw gunaanadine
Waxay kuugu geeddami qof geya, Inad u geysaaye.
■■ ■■ ■■■
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (AUN), wuxuu ku tilmaamay Gallad sidaan;
- Wixii guul darraystaba naflaha, Wow gaggabayaa e
Anigaba geddey igu faleen, Waa gaggaab culuse
GALLAD nimaan ka qabo laguma oga, Gebiga Daarood e
Giddigoodba waatay girliga, Nagu garaaceene
Anaa gaafahaaygii nadhaye, Gayste nabarkiiye
Anna waxaan rasaastuu gingimay, Gini colaadeede
Gabagabaha Bari waxaa ku xigi, Go’aha Iidoore.
■■ ■■ ■■■
- JIIFTO:
Abwaan Cabduqaadir Xirsi Yamyam (AUN).
- Dhaqamada is geli kara
Canfartaan gudboonahay
Isku gibilna waan nahay
Oramada iyo gaallaha
Ayaan gacal wadaagnaa
Mahad aan go’ayn iyo
GALLAD Eebahaa lehe
Giddigood Rasuulladi
Uu geyiga usoo diray
Ninba diin u gooniya
Hala gola yimaadee
Isu soo gurkoodii
Tii geba-gebaysiyo
Gudhiggii kitaabada
Markii la isu geeyiyo
Guddoonshihii Ambiyadiyo
Waxaan haysanaa gacan.
■■ ■■ ■■■
Abwaan Hadraawi wuxuu yiri:
- Guudkayga boqorrada
Garaareeya heesaha
GALLAD qurux cod iyo luuq
Shimbiraha u gaarkaa
Gashan labada qaybood
Haddii ay galayrkiyo
Galgalkiyo fadhiistaan
Geesigooda caan baxay
Gunta iyo salkaygana
Goodaaddo nacab iyo
Maska goodka halistaa
Inta bahal gurguurtiyo
Gugummaa ku shiri kara.
■■ ■■ ■■■
Abwaan Maxamed Xuseen Faarax wuxuu ku tilmaamay Gallad sidaan:
- Colaad gaamurtaay gorof
Godlo nabadda guraneey
Been gabraarataay gabbo
Runey goob walbaba gaar
Xummi gayfaney gamash
Wanaag gaabiyow orod
Guhaad gaardisaay gama’
GALLAD huruddayeey toos
Kibir gooddiyow gabax
Sammaan gaaxataay curo.
Biyaaminta magaca ka kaalay, aan dhiganaha dhexdiisa isla dhuganno e.
Maalintu waa maalin roobaad, abbaaraha ammintu waa seddex saac iyo nus subaxnimo, meesha la joogo waa xafiiska qareenka oo ku yaal xaafadda Raqay weyne oo ah meelaha ugu caansan beledka.
Waxa iyaga oo aan is ogayn si kedis ah oo lama filaan ah u kulmay dad kala socda, haddana hal ujeeddo u wada socda, misna aan iska warqabin. Meesha la fadhiyo waa qolka afaafka hore ee fadhiga sugitaanka qareenka, waxa u dambeeyay oo soo galay waxa ay ahayd Maamma Dahabo oo iyadu rabtay uun in ay ballan uga sameyso qareenka galabta, si uu u soo booqdo xaafadda reer Maxaad-Cali.
Waxa ka soo horreeyay oo isla goobta wada fadhiyo Col. Cabbaas oo laftiisa u yimid inuu qareenka siiyo warbixin uu ka siday arrinka ilmaha xiran, isla markaana wada sir culus oo uu rabo inuu qareenka la wadaago inta aanu u ambabixin meesha loo beddelay, arrinkaan uu daba socoday darteed.
Sidoo kale, waxa isna goobta wax ka fadhiya qoraa sare Afrax oo suxufi ah arrinkaan wax ka qoray, kalana kulmay handadaad caga jugleyn ah iyo cabsi gelin la xariirta inuu faraha kala boxo hawlaha aan loo dirsan ee uu gacmaha kula jiro, haddii kale uu u diyaar garoobo ciqaab adag iyo cawaaqib xumo dhib weyn ku reebi doonta!. Suxufigu wuxuu goobta u yimid, ayaa ah “In uu la socodsiiyo qareenka cabsi gelinti iyo caga jugleyntii uu la kulmay intii uu ku guda jiray howsha baaristii uu ku sameynayay arrinkii ilmaha lagu soo eedeeyay”.
Goobta waxa ka muuqdaahi, waa kulan noqon kara afar geesood, waa dad isku ujeddo ah idil ahaantoodna, si iskaa wax u qabsa ah iyo gurmad walaalnimo ah ugu gargaaraya carruurta awood sheegashada iyo shaatiga dowladda lagu xirxirtay ee dembi aysan gelin dusha laga saaray, iyadoo la yaqaan lana ogyahay kuwii geystay oo la doonayo in ay xornimo ku daaqaan.
Xoghaynta xafiiska qareenka, ayaa waxa ay u gashay Qareenka oo howl adag faraha kula jiray, kuna mashquulsanaa diyaarinta gal dacwadeed culus uu gacanta ku haayay, waxa ayna u sheegtay dadka sugaayo magacyadooda, kolkii ay u dhammaysay magacyada ayuu qareenku qosol la dhoolla caddeeyay, umase sheegin sababta ee waxa uu ku yiri, soo gudbi Maamma Dahabo.
Kolkii uu qareenku sidaas ku amray xoghayntii, ayay iyana ku tiri: “Mudane, Maamma Dahabo dad badan baa ka soo horreeyay oo imaatinka meesha, iyadaa ugu dambeysay”.
“Dhib ma leh ee iyada soo hormari” ayuu qareenkii mar kale ku amray xoghayntiisa, iyana markiiba “waa yahay” ayay ku jawaab celisay. Xoghayntu markii ay ka soo baxday qolka qareenka ayay tiri “Maamma Dahabo soo dhaaf adigu” Maammadiina waa is taagtay una sii gudubtay qolkii qareenka………. 🔛
- SOO JEEDIN
Dhiganaha Godob iyo Gallad waa dhigane mudan inay aqriso qof walba oo Soomaaliyeed, dhugna u yeelato dhacdada uu tebinayo oo ah, mid ay ummadda Soomaaliyeed u oon qabto. Qoraagu wuxuu iftiimiyay dhacdo ku cibro qaadasho mudan in la dhaqangeliyo oo la dabbaqo na u baahan. Tusaalaha buuggu farfiiqayo haddii si dhab ah loogu dhaqmo waxa hubaal ah in ummaddeenna garaadkeedu dhismayo/kobcayo. Sidaa awgeed waa dhigne NOPEL ah, mudanna in falsafada ku aasan lagu turjumo afaf kale, waa haddii qoraaga oggolaansho looga helo e.
- GUNAANAD
Falaqayn-tu way ila fogaatay, wax kale maahan ee waa qiimaha dhiganuhu u leehay afka iyo bulshada. In aan dhowr bog oo kala duwan ka bidhaamiyo se amminkaa ii diiday, waxan se rejaynayaa inaad mar uun aqrin doonto, kolkaas na aad dhabaysan doonto inta aan kaaga tilmaamay iyo inta kale ee aan ka gaari waayay ba.
- AFEEF:
Afeef hore la how, ama adkaysi damo waa mah-maah dhahan e, waan ka afeefanayaa haddii aan daawga garan waayay, ma gefe waa Ilaahay oo ma jiro qof aan wax sagsaagin, haddii se ay iga dhacday ma ahan ku talogal ee waa qalin taraarax iyo xeelad li’i qoraaga buuggu na shaqo kuma leh.
“Shifo ku aqriso GODOB iyo GALLAD”
W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”