Ha dayicin Halyeeyada qarsoon W/Q:Prof Yaxya Sheekh Caamir

Ha dayicin Halyeeyada qarsoon.

Waddanka guud ahaanba waxaa jira geesiyaal iyo halgamayaal badan oo aan wax laga qorin,sababta oo ah waqtigaa Afka soomaaligu ma qorneeyn, aqoonta afafka kalena waa yareyd. Tixraaca ugu dhaw waa suugaanta iyo sheekooyinkii ay soo gudbiyeen dadkii berigaa noolaa(Oday ka sheeke) ama dad ajnabi iney wax ka qoreen.

Waan jeclaa lahaa dhacdadan iyo kuwa la midka ah qofkii faahfaahin ka hayo in uu qoro. Dhacdadan waxaa lagu soo gudbiyay suugaanta.

Markii Talyaaniga iyo Xabashidu ku dagaallameen deegaanka soomaali galbeed , ee Amxaarada la jabiyay, ciidamada wax jabiyay waxa ay ahaayeen Soomaali gumeeysigu uu qasab ku geeyay goobaha dagaalka.

A)-Sannadkii 1937dii ayaa gumeeysiga Talyaanigu asaga oo adeegsanaya Soomaalidii uu u qortay ciidan ahaan,ayuu bilaabay in deegaannda koofurta uu dadka ku qasbo dagaalka ,xoolahoodana loo isticmaalo dagaalka.

Isla sannadkaa 1937dii ayuu Talyaanigu u soo diray deegaan u dhaxeeya Cadale iyo Jowhar Unug ciidan ah uu hoggaaminayo Sarkaal Talyaani ah iyo 10 Soomaali ah, waxa ay tagi jireen Ceelasha iyo deegaanada kale, waxa ciddii loo soo martiyo laga rabay in neef cadiin ah ay u qalaan ciidamada, biyo ay ku qubeeystaan ciidamadu, Biyo uu cabo Baqal ay wateen oo u rarnaa iyo Neef ama ka badan oo ah Geel xooggan oo Madfac qaadi/ jiidi kara.

Tobanka soomaalida ah waxaa hor jooge u ahaa nin la dhihi jiray: Rooble Gacameey oo dadka dhibi jiray. Maalintii dambe ayaa waxaa soo weerarey dhallinyaro deegaanka ah oo ka soo jeeda beesha Harti Abgaal . Rooble calooshiisii ayeey banaanka soo dhigeen waxa ayna saareen calooshiisii geed quraca korkii, Rooble oo weli nafi ku jirto oo riimayo, ku xigeenkiisii soomaaliga ahaa oo darajo BANDAAS watay iyo Baqalkiina waa bireeyeen, Gaalkii Talyaaniga ahaayna Guskii ayeey ka gooyeen oo afka ayeey u galiyeen, 11kii ciidanka waxaa ka fakaday Laba nin oo kaliya , Sagaalkii kalena waa la dilay.Isla goobtii ayeey shirib ku qabsadeen,shiribkaa oo taariikhdan loo tixraaco ayaa ahaa:

  • Rabigeey Riix Ma Raajiyee
  • Ma Riimay Rooble Gacameey  
  • Bandaaski Ma Bireeyninoo 
  •  Baqalki Biya Boob ahaay
  • Gus aan Gudneeyn Bal yoow*
  • Go’naan Gardaro Leyguma galee.

B)- Isla waqtigaa waxaa jiray nin kale oo la dhihi jiray: Shiiqoow oo Talyaaniga Jaasuus u ahaa , asaga oo dhulka miyiga ah ku wareegi jiray, si uu u soo ogaado halka laga heli karo Awr jiidi karta madaafiicda, waxaa kale oo Shiiqoow la socon jiray nin kale oo diiwaan galiya halka laga helay geelaa, ninkan kale oo Laba Aliflahaa ( Laba shabaale). Dadkii Geeleeyda ahaa waxa ay dantu ku qasabtay in koorta geela lagu xiro ay qadaadaan.( si ayna shanqar u sameeyn oo aan loo soo raacin, koorta dhaxdeeda labada Qud ee ku jirto ayaa la cuffi jiray).dhibkaa markii muuda lagu jiray ayaa dhallinyaradii reer Cadale waxa ay dileen Shiiqoow iyo laba shabaalihii. Koorihiina qadaadkii waa laga bixiyay.

Dhallinyaradii mid ka mid ah ayaa ratigiisii ceelka keenay, tiriyayna tix Salsal ah oo uu ratiga kula hadlayo, waxa uuna yiri:

  • Shoobloow anaa sharaxa kuu xiray
  • Shiiqoow anaa dilay iyo laba shabaalihii
  • Sharu waa dhamaatee shuurtaada ii daaq.

FG: qofkii hayaa magacyada dhallinyaraadaa, ama kuwa la mid ah oo si teelteel ah gumeeysiga isaga xureeyay, deegaan kasta ee soomaalidu degto, qofki hayo suugaantii dhacdooyinkaa lagu gudbiyay waxaan ka codsanayaa in ay qorto, si bulshadu ula wadaagto. Ha dayicin Halyeeyada qaran ee qarsoon ee wax ka qor, waa badan yihiin.Wixii aan khalday iga sax, wixii ka dhiman ku dar, aragtidaada xor ayaad u tahay, annagana aragtidaadu waa noo muhim.

Qore: Prof Yaxya  Sheekh Caamir 

SHEEKOOYIN