Habeenkii mugdiga iyo Murugadda W/Q: Maryan Ibraahim Cali

make-up-3abaya-middleeast-abu-dhabi-Favim.com-2414557

Habeenkii mugdiga iyo Murugadda

—————————-

Waxaan si degdeg ah u daaray moobelkeygii gacanta maadaama uu dansana maalintii oo idil, niyadda ayaan iska lahaa siduu kuu soo wacaayey wuu kugu soo daalay saaxiibkaa, waxa ugu horreeya ee Aan sugaayey misna filanaayey ayaa ahaa farriin xagiisa ka timid niyadda ayaan iska lahaa wuu kuu walwalay oo farriimo badan ayuu kuu reebey, maadama hal maalin oo kaamil ah aana qadka soo galin taleefankaygana uu xirnaa, taleefanka markaan daaray ayaa codod kala nooc ah ka yeereen kuwaasoo kala ah Facebook whatsapp iyo farriimo caadi ah.

Degdeg ayaan magaciisa ooga dhex raadiyay farriimihii iisoo dhacay, balse nasiib daro waxaa iisoo tixmay fariimo ka kala yimi, Geedi, Canbaro, Bulxan, Calaso iyo koox kale oo asxaabteyda ka mid ah indhahayga waxay qaban waayeen farriin ka timi xagaa iyo raage, qac wadnaha daryaan iyo rugrugleyn billaabayn,  ala xanuun badanaa ima tabin miyaa intaa ka maqnaa igama fakaro miyaa?!! iyo weydiimo badan oo Aan jawaab u waayey ayaa  dareenka maskaxda iyo damiirku is weydiiyeen?!

Facebook ayaan ka raadiyay inuu waqtigaas qadka fadhiyo iyo in kale, waxaa iisoo muuqday inuu ku dhawaad qadka ka maqanyahay saacad, waxaan garaacay taleefankiisa gacanta nasiib darro wuu iga qaban waaayey, waxaan ku rajo weynaa Mar uun inuu iga qabto taleefanka si Aan u oggaado xaaladiisa balse natiijadii Aan filaayey mid ka duwan ayaan la kulmay,.

Walwal ayaa ii bilawday waxaan ka walwalsanaa tollow muxuu kuu dhageysanaayaa dhibaato miyaa heysata? miyuu xanuunsanaayaa! ala yaa ii jawaaba, marnaba isma dhahayn Raage ayaa ula kac kuu dhageysanaaya wicitaankii ayaan iska sii watay sidii ruux Waalan, waxaan waco oo aan waco waxaa lagaaray habeen waqti danbe habeenka intiisa badan waa uu tagay walina Raage war kama haayo, murugo dhab ah ayaa hadda ii bilaabatay, ilin Aan ogayn meel ay ka timi ayaa dhabanadayda kusoo dhacday, aax ala xanuun Aan lagula ogayn dhib badanaa!? waxaan soo xasuustay hees aan in badan dhageestay balse aan xasuusan cida qaaday heesta

  • “Naf jacayl hayaa
  • ma hargashee
  • hurdo wey ka tagtoo
  • ma hiigsatee” allaah!!

Ileen heesuhu wax jiro oo dhab ah unbay ka hadlaan!!,.habeenkaa wuxuu ii noqday habeenkii iigu murugada badnaa ebid. sariirta ayaan marba dhinac ugu gadoomaa, balaayo oo hurdadii yaa qaatay!!! Raage banii aadam ma’ahan miyaa intaan Aan wacaayo siduu ku awooday inuu intaan oo idil idhageysto!! Waxaan gadgadoomaba waagii ayaa soo dhawaaday, degdeg ayaan sariirta ooga kacay waxaan ku fariistay kursi ilinka hore ee qolkayga yaalay waxaan kursigii fadhiyaba waagii ayaa dilaacay anigina wicitaankii kama daalin, xoogaa kadib ayaa taleefonkeygii gacanta iisoo dhacay.

mise waa raage anigoo ku lalabaynaaya ma qabataa mise ayaa fariin codeed uu iisoo diray, ma riyooneysaa mise waa codkii raage aaah wax walboo jira ayuu iisharaxay cudur daar macquul ah misna aan fileyn iila yimi warkiisana kusoo gagabeeyey, ” caraweelooy iga raali noqo waanku jeclahay gaari dumareey xumaana kuuma quuro wixii dhacayna xag alle ayey ka qornaayeen se aniga raali kama aheen intaas oo dhibaato ah inaa marto” .

Naf wax jecel marwalbo waa daciifee anigoo farxad la ciirciiraya ayaan iri “raagoow nafta adigay kugu qanacdaayee ha cidleyn” .

Habeen murugo badan kadib xaajigayga dib ayaan uheley.

W/Q: Maryan Ibraahim Cali

 

SHEEKOOYIN