Hadaf la’aanta Siyaasadeed ee Hoggaankeenna! W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

Hadaf la’aanta Siyaasadeed ee Hoggaankeenna!

 

Tan iyo maalintii la qaatay, xornima ku sheegta Soomaaliya, ma jirin sida muuqata Hadaf siyaasadeed la bartilmaameedsanayo, oo la doonayo in la gaaro, waana middaas ayaa la dhihi karaa in siyaasad dagan uusan Dalku helin, illaa maalintii uu gumaystaha xukunka kusoo wareejiyay dadkeena.

Waxaa kaloo la dhihi karaa xitaa marka xornimada la qaadanayay, ma jirin Dad dalkan u dhashay oo haystay tababar xaga maamulka ah, ee ay dadkooda ku maamulaan, waxa kaliya ee laga fakarayay ayaa ahayd, in mar uun gumaystaha iyo wixii la hal maalaa ay soo wareejiyaan awoodda wadanka, taas oo runtii lagu guulaystay, balse ,sida muuqata uusan jirin qorshe ah kadib gumaystaha xagee wajahaynaa!.

Sida lala wada socdo markii xornimada la qaatay, waxaa jiray oo qof walba oo Soomaali ah haysay xamaasad ahayd, mar uun Qaran noqda, balse, qarankaas qaran nuucee ah ayuu noqon doonaa, siyaasadda lagu hagayase maxaa saldhig u noqon doona, waddada la marsiin doono siyaasaddaas si loo gaaro masaaliixda qarameed maxay noqonaysaa ? su’aalahaas oo dhan, ma jirin cid is waydiisay, xaqiiqdii waana halkaas halka uu ka halaabay, qaab siyaasadeedkii lagu wajihi lahaa dalkan, ilaa maantana lala daala dhacayo, in la helo siyaasad leh Dariiq ay marto.

Waxaa jiray Dastuur la sameeyay markaas, wax walba uu ahaadana, wuxuu ahaa dastuur waqtigiisa la jaan qaadi karay, oo ma jirin qolo uu si gaar ah ugu xaglinayay, ama kasoo horjeesatay, ilaa muddana waa lagusoo dhaqmay, waxaana la oran karaa wuu ka fiicnaa, kan maanta qabyada ah ee muranka badan dhalshay ee sii kala qaybshay umaddeena .

Siyaasadda soomaalia, marka si hoose loo eego mar walba waxay ku salaysnayd, siyaasad ah “caalamku siduu raali nooga noqon karaa? ee ma ahayn siyaasad ah anaga sidee raali isaga noqonaa waana taas waxa ilaa maanta loo ooman yahay.

Sida xaqiiqda ah, wax walba oo asalka ka xumaada, dhamaadka kama hagaagaan ,jahawareerka siyaasadeed ee maanta ina haystana, ma ahan mid shalay iyo darraad soo bilowday, waa mid assal ah, xitaa xukuumaddii Kacaanka ma lahayn, dastuur ay umadda ku hagto, aan ka ahayn kaligi talisnimo, xukumaddaas kacaankana, mowqifkeeda wuu caddaa, sida saxda ah, oo waxay ahayd, xukuumad military hadafkeedana wuxuu ahaa, in iyada maahan ee cid kale aysan wadanka hagi Karin, waana la dhihi karay runtii, xoogaa waa ay lahaayeen ixtiraam Qaranimo, inkastoo aysan lahayn Hadaf siyaasadeed ay tiigsanaysay, taas oo aan dhihi karo, waa wax naga wada qarribnaa, oo maba jirin hadaf siyaasadeed ee ay tiigsato.

Sida laga wada warqabo, waddamada caalamka, waddan walba waxaa jirta siyaasad uu leeyahay, in uu gaaro halkii Qarniba, taas oo runtii ah Dariiq sax ah, oo ay wada mari karaan Jiilalka isku bad badala xukunka wadamadaas, taas oo uu masuul walba xil ka saaran yahay, in uu soo saaro ciddi howshaas kala wareegi lahayd, una tababaro dariiqii lagu gaari lahaa inta ka dhiman gaaridda hadafkaas.

Waxaa kaloo jira, umadaha isku maamulo dastuurada, in 50 sano walba, dib u eegis lagu sameeyo dastuurka u yaala waddamadooda, sababta sidaa loo samaynayana ay tahay in bal la eego in uu la jaan qaadi karo isbadalka nolosha iyo dadyowga caalamka ee markaa jira, waana wax meesha ku jira xaqiiqdii.

Balse, waxaa la oran karaa anaga ka Soomaali ahaan tan iyo bur burkii kacaanka, in siyaasadda wadankeena ay ahayd uun, mid u adeegaysa maslaxadda dadyow kale, inaga oo kuligeen shaqaala u wada noqonay wadamo kale, haba ugu horeeyaan wadamada Dariska ah.

Waxaa jiray, shirar badan oo loo wada qabtay Soomaaliya, kulina sida badan waxaa lagu qabtay wadamada dibadda, waddan walbana masaalix gaar ah ayuu ka lahaa, mar walba oo uu soomaalia shir u qabto, taas oo runtii ah wax aan qarsanayn, inkastoo Dadka wax ma garatada ah laga dhaadhacshay, in waxa meesha lagu heshiisiinayo, ay tahay Soomaali waana la dhihi karay runtii, maadaama cinwaanka uu shir walba watay uu ahaa shir lagu heshiisiinayo soomaali, maamul dowladeedna loogu dhisayo, balse, ma is waydiinay, sababta shirarkaa loogu qabtay dibadda, iyo cidda bixinaysa qarashaadka ku baxayay shirarkaas, maxayse ahayd ujeedada ay u bixinayeen qarashaadkaas, danta ay ka lahaayeena maxay ahayd ?

Shir walba marka uu soo dhamaadana, waxaa loo kala baxayay qolo shirkaas soo dhamaaday wax kusoo noqotay, iyo qolo kasoo waysay jagooyinkii ay doonayeen, kuwaas oo isla markii, inta aadaan  Dal kale, lasoo noqon jiray baaq ah, in maamulkaas uu yahay mid aan loo dhamayn.

Qof walba oo wax garad ah, wuu fahmi karay in Dano is diidan ay jireen mar walba, kuwaas oo ka kala imaanayay wadamada dariska, oo ayaga naftooda ku kala xirnaa quwadaha sare, ee isku haya siyaasadaha caalamka haba ugu tun waynaado Mareekankee.

Dadka la isku adeegsanayo, ee looma dhama iyo waa loo dhan yahay kala oranayayayna, waa isla soomaalidii la doonayay, in ay danahooda xalistaan, inta meel iskugu yimaadaan, balse, ka door biday in shilimaadka duul duulaya ay maalmo kula raaxaystaan, hoteelada wadamada ay u adeegayaan, ayaga oo aad u moodid, in meesha ay ka yimaadeen la yiri waa idinku qasab in aad gubtaan .

Wax maalin walba naloo soo dhisaba, Dowlad u adeegaysa danaha Dalal kale inagana sacabka aan ula daba taagnayn, waxaad moodaa markan in aan go’aansanay oo quus ay naga gaartay, in la helo waddankii hore loo oran jiray Soomaalia, markanna naloo keenay, wax la dhaho Federalism taas oo runtii la oran karo, waa dhibaato cusub oo nagu soo korortay, dhiig bixii aan ka dhaxlnayna uu hadaba inagu socdo .

Ugu dambayn, waxaan kusoo gunaanadi lahaa soomaalia, ilaa ay hesho hadaf siyaasadeed oo u adeegaya danteeda oo kaliya, muhiimadda koowaadna siinaya muwaadiniinteeda,  dhibka sida uu hadda yahay, inuu kasii xumaado mooyee, lagama yaabo inuu soo hagaago.

Qalad waa la samayn karaa, geed si qaldan waa loo abuuri karaa, isla markiina waa la siibi karaa, oo mid kale oo si wacan loo abuuray waa la dhigi karaa bookiisa, inagana siyaasaddan ku salaysan maslaxadda shisheeyaha, waan badali karnaa, oo waan u badali karnaa mid u adeegaysa maslaxaddena.

Dariiqo gurigaaga aad u aadaysid haddii uu kaa lumo, inta aad ka helaysid dulli badan waad u mari kartaa,  waxa aan hadda ku jirnana waa middaas, wax walba oo xun waan dhadhaminay xaqiiqdii, walina nooma muuqato dariiqii aan ku gaari lahayn gurigeena, waasa gaaraynaa maalin ay noqotaba, taasna waa hubaal insha allah.

 

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com       

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN