Hadmaan helaynnaa hoggaan hufan?! W/Q: Naciima Xasan Xuseen

12884541_1058067960903073_574568792_n

Hadmaan helaynnaa hoggaan hufan?!

 

Siday dawladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre AUN, ay meesha uga baxday, waxaan la kowsaday, oo garaad iyo garasho yeeshay Soomaaliya oo  burbur ah, xasillooni iyo amni uusan ka jirin, ka la dambeyn iyo habsami u socod qabin,  macluul iyo biyo la’aan baahsan ay ka jirto, daryeel caafimaad iyo horumar waxbarasho uu ku yaryahay.

Waxaa barbar socday  hay’ado gargaar fiidiyeyaal ah, oo is ku dayo daboolidda goobaha baahida ba’an ka jirto ee dalka, in kastoo ayaguba ka qeyb yihiin burburka dalka ka jira.

Dhaqdhaqaaq nololeed iyo mid ganacsiba wuu leeyahay, adeeg caafimaad iyo waxbarasho sidoo kale wuu leeyahay, in kastoo aysan gaarsiisneyn heerkii loogu talagalay.

In badan oo ka mid ah dadka u dhashay waa qurbajoog, dareen ku nool ah, oo wadnaha farta ku wada hayo, dadka dalka ku suganna waa bulsho is ku af, dhaqan iyo diin, haddana, is ma fahmaan, oo hoggaan sugan ma leh!

Markaan arko nabadda iyo ka la dambeynta ka jirta dalalka kale dhabtii dareen culus baa i gala, misana waxa i gasho yiddidiilo ah, inaan gaari doonno heerkaas oo kale, oo waxaan isku sasabaa, dhibka inuu mardhaw soo af jarmi doono. Dhibka la la ma dhalan!

Waxaan nolosheyda oo dhan ku qaatay dalka oo weli qurba u ma bixin, waayo, rajo fiican baa igu jirtay, inay mar uun riyadeyda ku aaddan hoggaanka rumoobi doonto, balse, waayay hoggaan hufan iyo madax danta guud ka fakareysa.

Naxariista Alle iyo awooddiisa ayaa igu qancineysa, in xaalku mar uun is beddeli doono, haddana, ma arko cid u fakareysa aayaha dalkan iyo dadkiisa.

Kol kasto oo doorasho cusub la galo, ama maamul cusub meel loo magacaabo waxaa i gasho rajo ah, in isbeddelku dhaw yahay, balse, halkii kuwii hore ayay ka miisaan, oo dantooda iyo tan tolkood baa ka weyn danta  Soomaali weyn! Hoggaamiye.thumb.jpg.45d2e6985634338ab94dc62aefd51b4d

Waxaad mooddaa rajadeydii aheyd helitaanka hoggaan hufan, inay quus ku dhaw dahay, oo hoos u sii janjeersaneyso, waxaana u sabab ah:

  • Markaan arkay, madaxda is ka tamashleyneyso, bulshadii oo baahan, misana dayac iyo dacdarro la il daran.
  • Ilaha dhaqaalaha oo gacanta loo geliyay shisheeye, iyadoo Soomaalidii wada baaga- muudda ah.
  • Oday tol ka socdo, oo loo dhiibay maamul uusan aqoon u laheyn, iyadoo ay joogaan aqoonyahanno sugi yaqaan howshaas.
  • Arday qurbaha dhibkiisa u dhabar adeygay, oo markii shaqa codsi dhiibtayna laga hormariyay ina adeer reer hebel ah, oo wax badan u billawneyn.
  • Markii danta guud laga hormarshay, tolkaa wax ka horreeyo ma leh.
  • Markay bulshadii isu baddashay sida loo ka la taag roon yahay, wax ha loo qeybsado, intay ahaan laheyn sinnaan iyo caddaalad, ku salaysan, sida loo ka la aqoon badan yahay.
  • Kolkii gacan ku dhiiglaha reer hebel baalka la gashto, kan reer hebellka kalena garsoorka la horkeeno!
  • Halkii madaxdeenna suubbaneyd (Asxaabtii iyo Khaliifyadii) ka fakiri jirtay inta taagta iyo tabarta daran, iyo waliba nafleyda ku teedsan goobaha ay ka taliyaan, hadda waxaa loo soo dhardhigtay bara kicinta iyo baabi’inta bulshada.
  • Kolkay colaaddu noqatay astaan, halkay nabaddu ahaan laheyd hormuud.
  • Halkii bulshada loo keeni lahaa dawo iyo cunno dheellitiran, oo waliba ay hubban tahay taariikh soo saarkeedii, waxaa lagu soo qubaa kunteennarro dhacay! ldr

Intaas iyo in ka badan ayaa quus i gelisay, walibana inta wacyiga leh ay ku yar yihiin.

Garan maayo goortay xaqiiqoobi doonto riyadaas, oo hoggaanka aan ku taammayana soo caga dhigan doono gayigeenna, Guullase waa awoodaa, goor aan dheerayn, in uu nagu gallado.

 

W/Q: Naciima Xasan Xuseen

asmaa891@hotmail.com

SHEEKOOYIN