Magacaygu waa LAKI,waxaan ku dhashay burburkii dalka ka dib magaalada boosaaso, waxaan ku soo barbaaray isla magaalada boosaaso ee bariga soomaaliya waxa aannu ahayn qoys ka kooban Aabbe, Hooyo iyo saddex kale oo walaalahay ah.
Waxa aan ahayn markii hore qoys danyare ah , oo ku nool guri aad u yar, labadeyda waalid waa ay shaqeyn jireen hooyo iyo aabbeba, waqtigu wuxuu wareegaba waxaannu nolosha hadba is beddeshoba anigu maanta waan koray xoogaa, hadda waxaana nala geeyey aniga iyo walaalkeyga kor iiga weyn Malcaamad ama (Dugsi quraan) hooyaday ganacsigeedi yaraa waa kordhay oo bulaalay alla mahadii, hooyo bulshada ay wada shaqeeyaan magac ayey ku dhex lahayd ,waayo waxay lahayd ganacsi suuqa dhexdiisa ku yaal. Macaariifteeduna aad ayey u badnaayeen.
Waxaan sidaa ahaano waxa soo kala dhex galay aabbe iyo hooyo is af garan waa, ka soo gaadhay heer ay kala tageen aabbe iyo hooyo . Runtii marka ay kala tageen hooyo iyo aabbe nolosheeni waa is badashay hooyo ayaa gacanta si buuxda noogu dhigtay, dhexda noo xiratay, waan kornay waxaan maqalnay muddo ka dib aabbe inuu xaas cusub ku guursaday gobolka Togdheer magaalada Burco , reer cusub iyo nolol kale uu billawday.
Hooyo waxay kaligeed dusha u ridatay korintayadi waxay nala daala dhacdaba waxay ku guulaysatay inay guri noo dhisto hanti ah. Aqalkii cusbaa ayaan u guurnay , xaafad cusub deris cusub waxaan dhiganaynay aniga iyo walaalkeyga iga weyn waa Cali e, malcaamad & iskuul, waxay hooyo malcamada iyo iskuulkeeni noogu soo baddashay xaafadan cusub qaar ku yaalla dhawaansho ahaan .
Subixii ugu horreeysey aan tagno malcaamada markii nala soo fasaxay ardadii waxa jidka naga soo raacday haweeney aqalkeena mid ku dhow degan waxa la socota qof dumar ah oo kale, igama ag foga oo hadalkooda si toos ah ayuu isoo gaaarayey, waxa ay haweentii weyneyd ku tidhi Gabadhii kale:
“Naa heedhe carruurtani sow maaha kuwii ay dhashay Caashadii midgaanta ahayd !?” runti hadalka markii an maqlay meel ba i go’day waan is baddalay anigu dareen ahaan waayo magaca ay carabaabeen waa kii hooyaday . waxay ugu jawaabtay tii kale anigo maqlaya intay yara qososhay:
“Haa waa naagta aad sheegtay carruurteedi waxay sii raacisay wallee yaab! Naa ma haddaa midgona nala soo darseen?!”
Hadaladaa waan u adkeysan waayey ilaa xad waxaan u orday gurigayagi oon sidaa wax ba nooga fogayn aniga oo aad u ooyaya ayaan isku tuuray sariirtaydi. waxan oyaayey saacado waxaan sug is iri inta hooyo ka imanayso guriga, laakiin waxay ila noqotay sannado dheeraanta waqtiga iyo xilligii dhaqaaqi waayey, anigana ilmadu indhahayga waa ka guri weyday, runtu waxay tahay hore maan u arag qof sidaa na yiraahda ,mana weydiin weligay hooyo ama waalidkeyba cida uu yahay qabiilkeygu, waayo waxaan ahaa gabadh yar mana jirin sabab aan u doono cida aan ahay , waxaan isla noolayn xaafadii hore dad wanaagsan oo aan habeen i dareensiin inan ka hayb duwanahay weligayna quudhsi iyo qoonsi midna maan arag.
Hooyo waxa ay timi xilligii qadadda , waxa aan markiiba weydiiyey aniga oo oohin dareenkeyga ku cabiraya hooyo yaan ahay .? ii sheeg hooyo qolomaan ahay ?. hooyo macaan waxay isku dayday inay i dajiso xooga waxay tiri; ” Hooyo maxaa ku helay is deji bal, qun yar fadhiiso ii warran ?” Waxaan ku iri warna garan maaye cideen ahayn ii sheeg hooyo ? Ma midgaan baan ahay ?… hooyo intay indhaheeda hoos u rogtay bay cod hoose igu tiri ; “hooyo ma ahan midgaan wax xun oo ceeb ah, waa nahay waana haybteena Eebe ayaana inaga dhigay “.
Waan qaadan waayey xaqiiqadii waan ilmeeyey oo ilmeeyey , waan hiifay naftaydi , waan hiifay waalidkey waxa i qabatay maxa alle adiga kuugu doortay inaad midgaan noqoto .? Maalinkas iyo habeenkaas aan ogaaday xaqiiqada cidaa aan ahay ama haybtayda waxay ii ahayd mid madow .
Maalmo ka dib se waan degay xoogaa waayo waxaan dhageystay qur’aan badan waxaan tukaday salaado badan dib ayaan eebbe igu noqday, waxan isku dayey inaan ku qanco waxa aan ahay, markaa ciddii igu rabaysa iyo ciddii igu nacaysaba dhowr subxo ka dib, waxaan dib ugu laabtay dugsigii , mar allaale markii aan fasalka soo galay waxan la kulmay carruurtii ardadayda wada ahayn oo qaar iga daba lee yihin alla day midgaanti iyo magacaygi oo lagu lifaaqay reerkayga , oo ay iga daba leeyihin (LAKI MIDGAANEY) waan damqadaa mar walba , weliba si daran , waxan is dhahaa maxa dadkan oo dhan isku mid ka ka dhigay , maanu jirin haba-yaraate mid xaqa yaqaan? Haddana dulqaad baan muujiya iyo calool adayg .
Waxa ka sii daran marka dugsiga la soo fasaxo waxa isa soo raaci jirnay walaalkey Cali waxay naga daba oran jireen carruurta qaar alla day midgihii !. Haddii aan dukaanka xaafadda ka doonto adeeg xitaa waxaan kala kulmi jirey takoor iska daa wax kalee meel walba oo xaafada ah carruur ilaa cirroole afka uun bay kugu hayaan wa isukaa timaamayaan , waxa ay i nacsiiyeen bixiddii suuqa waxan gaaray heer aan kadinka aqalka fariisan weyno.
Muuqayga qariyo sababtuna waa haybta aan ahay, run ahaanti xaafaddan aan guriga cusub ka dhisanay may noqon mid aan ku degno oo ku nasanno ee waxay nagu beerte ciil iyo mid aan calool xumo waxaannu la derisnay uur ku taallo ku noqotay quluubtayadda .
Wixii xaaladi sidaa ahaataba , waxaan kallyo adaygnaba waxay hooyo noo xamaashaba , sannado ayaan xaafadaa xumaatada badan sii daganayn takoor kuna nagu socday ,ileyn heer aan iska la qabsano mar mar , waxani waa gurigayagi ma ahan mid kiro ah aan ka guuri karno si sahal ah , dariskayagi ayaa shaydaan nagu diray badankood xumaan mooye xaq dhowr kama arag.
Waa jireen qof qof suuban oon dhib noogaysan iyo faquuq toos ah lakiin tiro badnida kuwaa iyo dhagartooda aan xadka lahayn baa awdey intii wanaagsaneyd. Waxii arrini sidaa ahaatoba waxaa ka soo wareegay sannado . hadda dugsigii dhexe baan ka baxay waxan u gudbay kan sare , hooyo waan la hadlay waxaan ku iri . ma sii dhigan karo iskuulkan intaa ka badan waayo waana faquuqan ardaydu inta waxay nagu hayaan afka , gumayn, nacayb, iyo fogayn waxaan ahayn kalama kulanno goobtaa ee marka iga saar iskuulkan ma sii dhigan karo hooyooy iskuna day inaad I fahanto , hooyaday waxay ahayd mid ii dhago nugul waxay igu tiri : ” waa yahay mid kale baan kugu badalin, lakiin ma ahan hooyo Lakiyeey inaad tacliinta ka hadho marna ” waan farxay markaa runtii waayo waxan is lahaa wad nafisin goob cusub iyo dad cusub la kulmin , waxaad gali jawi kale. Waxay hooyo caasho subixii dambe ii badashay dugsi magaalada ka yara baxsan oo tacliintiisu sarayso , wuxuu ahaa dugsi madax bannaan. macalimiin ajaanib ahina wax ka dhigaan , waxa dhigta dadka ugu ladan magaalada carruurtooda . muddo hal sano ah waxaan ku dhiganayey iskuulka si degan , waxaan dareemi jiray nafisaad , waayo ma jirin dad hore aan isku niqiinay ama cid i takooraysa . laakiin dhanka kale xaafadda markaan imaado waxan galaa ciriiri adduun , xitaa heer baan gaadhay markaan baska iskuulka ka dego ay ciyaalka xaafaddu i dhagax tuuryeeyaan intan guriga isii socdo, iyadoo aysan jirin waxaan galabsadey ee laygu guhaadinayo maxaa kaa dhaliyey reerka aad tahay!
Markaan xaafadda tago waan iska ooyi jirey waayo iyada ayaan ciirsan jirey waxaan nacay wax walba mar marka qaar waxan damcay inaan iska dhaafo waxbarashadaba , oo aanan gurigaba ka bixin, haddana maya ayaa is dhihi jirey , markii dambe waxan ku fekeray inaan dareewalka gaadhiga iskuulka wada la hadlo oo u sheego inu aqalka hortiisa subuxii iiso istaago . hadhow marka kalena isla kadinka guriga ikeeno, wuu iga oggalaaday dareewalkii , waxaan waxaa u sameynayaa waa si aan uga nabad galo caydooda, dhaga hadalka, iyo tuuryada ciyaalka xaafadda .
waxaan sida ku jiraba waxa furmay sanad dugsiyeedki labaad , hadda waxaan ahay gabadh gashaanti ah oo dugsi sare ah , sanadkan iskuulkaygi cusbaa waxaa ku soo biiray nasiib daro gabadh ka soo baddalatay iskuulkii hore aana uga soo haajiray caydooda iyo takoorkooda .! gabadhii isla markiiba waxay billawday inay ardadii iiga faallato , xume iyo xaqdi hor leh iigu beerto , muddo ka dib na ardaydii waxay qaar billaabeen inay igu dhaga hadlaan hadba hadal igu tuuraan qaar dhaha madhibaantii day , midgaanti maanta waa raagtee maxa ku dhacay , iyo kuwo erayo xajiin leh iga daba yidhaahda, „ Alla qurux badan balse maxay tareysaa waa midgaane „ Mar kale waxa ii billaabmay murugo iyo tiiranyo hor leh , waa masiibo haddii dadkaaga belo kugu dirto adigoon wax ba ka galabsan , waxan dareemay xanuun badan , waxaan is weydiyaa maxay midguhu nacaybkan ku galabsadeen? Maxaa keenay in ilaa heerkan la colaadiyo oo la takooro iyo kuwa nafteyda u gaar ah, maxaa adiga Lakiyeey dadka kale kaa soocay ? Ayaan marar badan is weydiiyey?.
Wax xaal sidaa ahaado ba , maalmo ka dib waxaan jidka isku baranay wiil aan daris noqonay markii dambe oo xaafadaheena ahaaday laakiin ku cusub xaafadda kana nadiif ah dhagartooda dhallinta kale , waxaa la oran jirey Axmed wuxu isoo bandhigay habeen habeennada ka mida inaan sheekaysano oo xiriir na dhex maro, anigoo baqdin igu jirto haddana ma jirin sabab aan ku diido ama ugu gacan saydho, waayo waa shaqsiga keliya ee iigu dhawaa ardeyda waan ogolaaday.
La Soco qaybaha dambe
W/Q :Cabdufitaax Maxamuud Cabdi(Dhegobaaf)