Hammi caashaq iyo hunga been ah Q13AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q13AAD

sax waan gartay, haddaba waxaa jirta gabar aniga walaashay ah oo dukaan ku leh xaafadda soomaalidu ku badantahay ee Islii, waana hubaa iney na caawinayso, ayada ayaana gabarta u diraynaaye numberkeedana waa siinayn ee ka warran haddaan sidaas samayno say kula tahay?

Xasanow waad iga farxidaye allah kaa farxiyo, waad ii dadaashaye   allah ku daysto, waxaad tahay duca qabe arrinta aad isoo jeedisayna waa mid aan la qushuucay oo aan u raxleeyay lana ruxmay, waana dariiqa kaliya ee ii bannaana oo aan ku heli karo jaceylkaygii, waana kugu raacsanahaye aan guda galno numberkii Nasra waa kane qoro, ayuu hadal ku soo gaabiyay Axmed Oo neef tuuraya.

Axmed hadalkiisa farxad tiro beel ah ayaa laga dareemayaa, waxa uu is leeyahay maanta ayaad heshay, wado kuu sahli karta inaad mar kale wadda hadashaan ama aad midowdaan, gabadhii qalbigaaga ayadoon kaa amar qadaan daf iska tiri, kaalay horta maadaa siiyay qalbigaaga maxay ka doontay?   Ayuu is waydiiyaa laakiin hadda rajo badan ayuu qabaa, wijigiisana farxad ayaa soo fuushay, dabayl qabow ayaa u soo gashay si wacan ayuu hadda u neefsan karaa.

Cariiiri badan oo dulsaaraabaa laga dulqaaday, waa kan dhoola caddaynaaya, oo ilkihiisii cad adaa furuuryihii ka dul wareejiyay ee ayaga oo qayaxan halkaan soo taagtaagan.

Waa iska caadi inta badana way dhacdaa, in qofka marka rajo gasho uu farxad uusan ka warqabin farxo, iskana qoslo qosol loo yaqaano qosol gariir, dareen uusan xanibin karin ayaa qofka dusha uga soo dega, amminkaasna ka dhiga mid qalqalsan oo aan fadhiyin.

Xasan oo in badan asaga naftiisa ku boggaadiyay iskuna arka nin xal keene ah ayaa yiri: Axmed horta shaqadaan ayaan galayaa walaalana arrinka anaa ka dhaadhicinaayee hayga welwelin, walaashay waan hubaayo waa qof geed dheer iyo mid gaaban u kori doonta waxaan u diree, dumarkuna dumar ka kale waa iska fahmi ogyihiin rage.

Waala kala dhaqaaqay nin kastana dhanka gurigiisu ka xigay ayuu aaday, waa la wada qanacsan yahay, Axmed haba sii daraadee, nin walbana jidka ayuu iskula sii warramay qorshooyin dhaadheerna waa dejiyay intuusan gurgiisa gaarin.

Xasan markuu xaafadiisa soo gaarayba waxa uu la xariiray durbadiiba walashiis Khadra oo Nairobi ku sugneyd waxa uuna u sheegay inow arrin xasaasi ah kala hadli rabo haddii ay waqti hayso, Khadro markaas arrimo ganacsi ayay dhexda uga jirtay, waxayna joogtay dukaankeeda oo iibinta alaabta dukaanta taal iyo qancinta rukunka ayay ku mashquulsaneed, side darteed way ka cudur daaratay una sheegtay iney mashquul tahay, markay xafadeeda tagtana ay soo wici doonto, Xasana waa ku qancay maadaama uu xaaladeeda la socday.

Axmed markii uu gurigiisii tegay ma fariisan, nasashana na ma raadine , ee istaag ayuu iskula sheekaystay, qolkiisa ayuu hadba dhinac u socday, waxaa uu ku soo celceshanayaa sidii quruxda badneed ee saaxiibkiis u caawiyay, dhanka kale waxa uu ka fikirayaa in gabadha la diri doonaa, ma noqon doonto mid sida Xasan u wanaagsan, baqdina waa qabaa oo waxa uu is leeyahay amay dumar kugu noqotaa oo ayaduna oo kugu sii dirtaa kaana sii fogaysaa Nasra, waxa uu mar damcay inuu Xasan waco kuna yiraahdo : Saaxiib walaashaa waxba ha u dirin, haddana waxaa qabtay damiirkiisa oo ku yiri: ma intaad Xasan dirsataybaad , hadana ku oran kartaa, jooji wxaan kuu diray , waxaasi waa ceeb, fikir iyo ficil nin wayna ma ahan, ayuu iskula shuureeyay.

Madaxa ayuu lulayaa diidmana waa muujinayaa, yaa yaqaan cida uu la hadlaayo, lama sheegi karo cida ay isla waramayan , balse waxaan malaynayaa in uusan ogayn lulmada madaxiisa waxaa haysata xaalad cakiran oo marba marka ka danbaysa soo maaxanaysa, xasuustiisa ayaa dheeraynaysa oo baalka Nasra aadaysa, xayka doonaysa, adba sheeg, waa xasuus dalan baabi ah oo aan qofkaada la jog lagu karin.

Markay ugu daran tahay, Axmed waa goorta uu xasuusto habeennadii uu la dhafri jiray Nasra, sheekadii dhadhanka macaaneed, hadalladii dhiigiisa dhex mari jiray ee Nasra afkeeda sida biyaha webi u butaacaan uga soo butaacan jiray, caku habeenadaas ayuu marmar yiraahdaa.

 

La soco Qaybta danbe

SHEEKOOYIN