Hammi caashaq iyo hungo been Q5AAD W/Q: Cabdi Salaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hungo been Q5AAD.

Axmed oo shaqadiisii iskaga jira ayaa taleefoonkii Nasra soo dhacay is waraysi yar kaddib waxay tiri qaali fiiri Farriinta aan kuu soo diray.

Axmed si degdeg ah ayuu u galay qaybta farriimaha, waxaana uga soo muuqaday sawir uusan garanayn,balse ow filaayay in loo soo diri doono, waa sawirkii Najma si wacan ayuu u dhugtay sababtoo ah sawirka ayaa soo jiitay, gabar qurux eebbe u dhammeeyey oo hubqaad iyo heemaalba isugu daray.

Najma waxay ahayd gabar qurux loo dhammeeyay dhankasta oo laga eegaba ama laga fiiriyaba ,waa gabar joog qurxoon leh, muqaal soo jiidasho leh, Fool ilqabad leh, dhabano shuban, indho waaweyn oo xiribaha iyo sunniyahaba eebbe si quman ugu qeyday, bushumo aad u buurbuuran iyo ilko cadcad oo cirid madoow lagu dahaarey, quruxda wejigeedu wuxuu ahaa mid qof walba oo arkaa aanu ilaaweyn soona jiidaneysa oo aad moodo in danab ku xirnaa, habdhismeedka jirkeeda oo aad moodo GEEDA QOROW farshaxan ihi inuu habeeyey, Dhexda yar, gaadada korna u ballaaran hoosna u dhuuban, Badhida, kubka iyo dhererka isku jaan go’an.

Hubaal jaleecadii ugu horreysay ee uu eegay ayuu axmed la indho daraaray, wuxuuna nabdiga iska yiri, gabar sidan u egna cara edge ma ku nooleyd.Danse kama gelin dubaaqiisana uma gudbin quruxda Najma kaliya indhaha ayaa waxaas oo dhan arkay qalbiga waxaa ku qunfulan quruxdii iyo muuqaalkii Nasro.

Nin balantii Nasra oo ka qaaday ilaalinaaya waaye oo mar walba waxa uu xasuusan yahay hadal ay habeen ku tiri oo ahaa gacaliye dumar aniga mooyee tu kale ha eegin, hana damcin, dana haka gelin,asna waa ballan ayuu hadal dhan habeenkaas ku soo gaabshay, sidaa darteed marnaba ma rabo in uu balan uu galay bursho, waana sababta uu mar walba gabar walaalnimo iyo si kaleba u soo xariirirsa ow uga meermeero in uu xariiryo ama si fiican ula hadla.

Nasra qalbigeeda marwalba hal-shay ayaa guba, ayna ka welweshaa basle dan kama gasho oo waxa ilowsiiya asxaabteeda oo fara badan, Nasro waxa ay degan tahy dalka Kenya gaar ahaan caasimadda NAIROBI waxayna kasii degantahay xaafada ISLII(Easghlea) ee soomaalidu ku badan tahay Nairobi waxay ay timid labba sano ka hor, oo ay markaas ka soo baxday magaalda Hargaysa, kaddib markii ninkii qabay ay kala tageen.

Kenya waxa ay usoo aaday arrimo dhoof, ninka ay kala tageen Nasra waxa ay udhashay wiil, balse waa ka dhintay wiilki.Markii ay Nairobi timid ayay waxay ay guursatay nin kale balse asna iskuma raagin ee way kala tageen, Nasro waa gabar raga ku doorata ama ku xulataba lacag iyo haynta hantida, marna jeceyl ma eegto, haddadaan la joogo waxa ay Axmed ku garab wadaa dhowr wiil oo qaarkood yurub degan yihiin, Axmed waxyaabaha ay aadka uga hesha waxaa ka mid ah in uu yahay wiil gacan furan deeqsina ah mar walbana waxa ay waydiisato u soo diro una sameeya , welina wax ay ka codsatay kama soo habsaamin.

Axmed asaga gabadhaan aad buu u ujecel yahay , mar walbana ayada unbuu ka fikiraa mana jecla in uu gabar kale xariir la waddaago waa nin balanta ku adag, mar walbana balanta dhowra hadalka Nasra si xad-dhaaf ah ayuu u weeleeyaa, marnaba kuma xadgudbo mana sameeyo wax ay kohsato.

Axmed waxaa marwalba xariir walaatinimo la soo samaysa Najma si wacana waa ula hadlaa, waana u xog warramaa maadaama uu hadda si fiican u bartay marka uu Nasra waayana ayada ayuu wacaa si uu xalkeeda uga warraysto, Najmana waa uga warrantaa.

Najma waxay mar walba la yaabtaa daacadnimada Axmed iyo dhagarta saaxiibteed Nasra, waxay la yaabantahay moogaashaha uu Axmed moogan yahay xaalada Nasro, sidoo kale dadaalka uu muujinaayo siduu ugu dhigi lahaa xaas ayay la yaaban tahay, mar walba waxay qalbiga ka tiraahdaa; laba kala bariday kala warla, waxay arkaysaa Axmed oo u taagan wanaajinta Nasro, iyo lugooyada Nasro, markaas bay haddana qalbiga ka tiraahdaa adduunkla intaad nooshay waad arkaysaa ruux qofkale gurigeeda dhisaaya halka qofka gurigiisa la dhisaayo ow ku mashquulsan yahay, qodida godkeeda.

Jacaylka Axmed iyo Nasro hadda waa gu’ jirsaday, Axmedna waxa uu qorshaynayaa in uu haasaawahaan iska soo afjaro oo Nasro ka dhigto ooridiisa iyo maataantiisa noloha, Waxa uu la tashaday saaxiibkiis Xasan una sheegay in ay jirto gabar ay muddo haasaawayeen oo hadda jacaylkeedu qaangaar yahay, wuxuu yiri: “Muddo sannad ah ayaan si wadajir ah u waldaamineyney kalgacal, waxay degtay qalbigeyga, waxayna ka mid tahay xubnaha jirkeyga, waxaan go’aansaday inaan guursado oo u gogol fariisto gabartii lana guri galo, oo sida dhaqanka soomaliyeed ahaa, sidoo kale waxay uu u sheegay , in uu awoodaas leeyahay oo xoogaa maal ah haysto,xamar ka dhistay guri dhowr boosna ka iibsaday waqtigaana ow guur u heelan yahay.

Xasan aadbuu arrinkaas ugu farxay ulana dhacay, una sheegay in ay habboon tahay in uu kallinimada ka baxo oo aw guri yeesho lammaanana noqdo, sidoo waxa uu ku dhiiri geliyay in uu arrinta kala tuuro oo owsan waqti kale haasaawe sii gelin.

Xasan aad bay isugu dhaw yihiin waana saaxiibo dhib iyo dheef wadaag ah inkastoo uu ka gu’wayn yahay kana waayo aragsan yahay, wax walbana marka uu kala tashado talo wanaagsan oo maangal ah ayuu siiyaa, marnaba Axmed kuma jabo talada Xasan ilaa markuu yimid Koonfur Afrika, ninkaan ayuu ku xiran yahay,Xasan waa nin labo xaas leh aadna u ladan ganacsadana ah, Axmed waxa uu u balanqaaday in uu guurkiisa garab kuu siin doono, wax walbana la garab taagan yahay.

Xasan talada waxa uu u raaciyaya in haddii uu guursado masuuliyad fuuli doonto sida hadda uu yahayna awsan sii ahaan doonin, waxa uuna u sheegay in guurku yahay masuuliyada iyo hawl adag in taadan guursana lagaa rabo in aad arrimo badan kasii fikirito, waxa uuna ku yiri: Axmadow guurku waa calaf hadduu marka koobaad kaa xumaado waxaa la arkaa inta badan in uu gadaal kaaga saxmi waayo, ee ka fiirsi badan samee qofka aad nolosha la wadaagaysana si fiican xaaladeeda u ogow ehelka keeda baro dadkeeda si fiican u baro, ileen waa dadka aad la xidididoontee.Ogowna maanta ayay carruurtaada kaaga baahan yihiin in aad hooyo suuban u doorto!

Axmed intii Xasan hadalka waday oo dhan qalbigiisa waxyaabo cusub ayuu kusoo dhacdhacaayay, oo ay ugu horrayso in uu Najma si fiican xaaladda uga warraysto, Nasrana uu ka codsado in ay ehelkeeda isbarto lana xariiro ayaa ku soo dhacaday, Xasan ayaa arkay Axmed oo isla maqan!

 

W/Q: Cabdi Salaan Macalin Xirsi

 

SHEEKOOYIN